TACSI MADAXWEYNE | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TACSI MADAXWEYNE
April 20, 2016 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa madax-dhaqameedka, waayeelka, waxgaradka, Boqorada, ugaasyada, Cuqaasha, Salaadiinta, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Caaqil Cismaan Jaamac Gaas, oo ku geeriyooday 20/04/2016, Magaalada Burco.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Oday qaran oo ka baxay dalka iyo dadkaba kana mid ahaa cuqashi hore ee soo jireenka ahaa, qayb weyna ka soo qaatay halgankii, dib u xorayntii iyo nabadayntii beelaha wada dega Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, madax-dhaqameedka, waayeelka, waxgaradka, Boqorada, ugaasyada, Cuqaasha, Salaadiinta, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS