Halkan Ka Akhri; “Maansada Isku Raran ” Ee Abwaan Axmed Cisbmaan Batuun, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhri; “Maansada Isku Raran ” Ee Abwaan Axmed Cisbmaan Batuun,
May 20, 2016 - Written by Editor:

Bal dariiqan soo raac

Inta ruux miskiiniyo,

Rixinlaawe buuxdee,

Dantu ricidho goyseen

Risiq eebe mooyee

Qofna roodhi siinayn,

Bal xagaa usii raac,

Inta hooyo raranoo,

Masaariifta ridatoo

ku rafaadsan milicdaa

Rajay iyo agoomana

U rogragysa dhawr kiish

Cashuurtiina laga rabo

Dhiishay riixanaysiyo

kaaryoonka laga rogay,

Bal xagaa u soo raac

inta raas danlayoo

rabigooda mooyee

cid u rooni jirineen

rubbi cidi u dhiibayn

raqaskana dhex jiifee

ku raaxaysta gaajada

calankaa ruxmaayana

rajadoodu ay tahay

mar inay ku raystaan,

bal dhankaana soo raac

inta geesi roganoo

u rafaaday maandeeq

cidi aanay rabinee

nacas raaxo jecel iyo

Afmiinshaarku raamsaday,

bal xusuusta raadcee

inta aan raqdoodiyo

laga haynin ruuxee

u rawaxay xornimadee

raadcada tafiirtiyo

raganimo xus daayoo

aan la raacin faataxo,

Inkastoo la reeboo

laga raystay xumihii

Oo raasku nagi yahay

Ruclada iyo orodkiyo

rabitaanka shacabkuna

Rasmi yahay dhamaantii

raarta boodhka yaaliyo

An rushayno siigada

Daaradeena raarane

isku raran iskeed raran,

runta maysu sheegnaa….? …MAASADA ISKU RARAN…

Axmed cisman batuun.

 

COMMENTS
LINKS