Warbixin; Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo kaalinta koowaad ka Galay Musuq Maasuq Baahsan Ee Hadheeyay Degmada Iyo Doorka Uu ku Leeyahay kala Qaybinta Shacabka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin; Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo kaalinta koowaad ka Galay Musuq Maasuq Baahsan Ee Hadheeyay Degmada Iyo Doorka Uu ku Leeyahay kala Qaybinta Shacabka.
June 26, 2016 - Written by Editor:

Waa kuma Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley/  Imisa Maayar Ayuu Lasoo Shaqeeyay Majirtaase Aqoon uu kuwadi karo Shaqa Balladhan Ee Maamulka Gabiley ma leeyahay?.

GABILEY(Wajaalenews) Warbixintan ayaa noqon doonta mid  aynu diirada ku saari doono  xoghayaha  Dawlada Hoose Ee Gabiley Mudadii Uu xilkan hayay Iyo Doorka uu ku lahaa khilaafka golaha deegaanka, iyo kaalinta musuq maasuq ee ku kacay

sidoo kale waxay si qodheer usoo bandhigi doonaa aqoonta iyo taariikhda shaqo ee Cabdiraxmaan Nuur Abokor

dhanka kale waxay soo bandhigi doonaa doorka uu ku leeyahay kala qaybin shacbiga degmada gabiley iyo tacadiya uu kula kacay shaqaalaha dawlada hoose oo uu ku eryay sifo ah fogayn qabiil Iyo kicin beelaha

Door intee leeg buuse ku leeyahay kala fogayn xukuumada iyo shacabka reer gabiley ?

Caqabad inteeg leeg ayuu ku yahay wax qabadka  maayarka hada  xilka haya?

Maamulka Degmada gabiley xilka maku joogaan saamigii ay Qabiilka degmada wadaa wax Ku kula qaybsan jireen xilalka fulinta?

xoghayaha gabiley

l  qormadeenan ayaa noqon doonta mid aynu si balaadhan ugu kuur gali doono  dhamaan dhacdooyinkaa aynu kor kusoo xusnay iyo baaxada musuq maasuq iyo kala qaybin ee xoghaye Cabdiraxmaan ku kacay mudooyinkii udanbaysa iyo saamaynta kacdoono lagaga soo horjeedo  oo la filayo in ay ka Aloosmaan Magaalada Gabiley Maalmaha soo socda,

Xogahaya Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley Cabdiraxmaan Nuur Abokor ayaa ah xoghayihii ugu cimriga dheeraa ee soo mara degmada gabiley sidoo kale xoghayahan ayaa lasoo shaqeeyay shan maayar oo soo maray magaaada gabiley.

Ugu horay xoghaya dawlada hoose ee degmada gabiley ayaa xilka xogahaye hayay mudo ku siman lix sano isagoo mudadaa lasoo shaqeeyay shan maayar oo u kala danbeeyay xilka maayarnimo ee magalaada gabiley,

hadii anyu xusno magacyadooda ayay kala yihiin

Aadan Muxumed Bade

Khadra Xaaji Gaydh

Axmed Samir

Shucayb Maxamed Muuse iyo Maayar Xiligan xilka haya Maxamed Aamiin Cumar

hadaba marka dhamaan aynu dib umilicsano maayaradii  Cabdiraxmaan Nuur lasoo shaqeeyay mid walba  wuxu saami qaybsiga beelaha degmada gabiley ahaa mid sidii loogu talo galay u yaal marka laga reebo mudadii koobayn ee Axmed Samir Xilka hayay oo iyadu ahayd xili  kala guur ah,

SIdoo kale xoghayaha dawlada hoose ee gabiley  ayaa door culus ka qaata khilaafyada soo noqnoqda ee ragaadiyay golaha deeganka Gabiley balse sida cabdiraxmaan nuur ku dooda wuxu xilka xoghayaha ku joogaa Baawarka Xubno ka Agdhaw Amaba Agaasimaha Wasaarada Madaxtooyada waasida uu hadalka u dhigaye,

 

Xogahan iyo Warbixino kale  oo faah faahsan

lasoco qormoyinkeena Danbe.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS