Suldaan Ismaaciiil Suldaan Cabdiraxmaan ka Hadlay Dhacdadii Gaashaamo Iyo fariimaha Uu u kala Diray Shacabka Iyo Madaxda Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaan Ismaaciiil Suldaan Cabdiraxmaan ka Hadlay Dhacdadii Gaashaamo Iyo fariimaha Uu u kala Diray Shacabka Iyo Madaxda Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya.
June 26, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo kamida Madax dhaqameedka deeganada somaliland iyo dalka Itoobiya ayaa  ka hadlay Dhacdadii dadka shacabka ah lagu laayay ee deegaanka gaashaamo tuulada Jaamac Dubad.

SULDAAN ISMACIL

Hadaba  Suldaan Ismaaciil ayaa baaq ukala diray shacabka kunool degaanada iyo madaxwaynaha kilalka shanaad Cabdi Maxamuud Cumar sidoo kale suldaan ayaa warbaahinta somaliland iyo cidkasta oo kamida shacabka somaliland ugu baaqay in joojiyaan waxkasta oo kala fogaynaya dadka walaalaha ee ku wada dhaqan deegaankaa aan kor kusoo sheegnay,

Ugu horay waxan tacsi u dirayaa  shacabkii ku geeriyooday  dhacdadii jaamac dubad guud ahaan  waxaan leeyahay samir iyo Iimaan Ilaahay haynaga siiyo Iyo eheladii ay ka baxeen iyo guud bulshada halkaa ku dhaqan.

Waxaan shacabka deegaanadaa ku nool usoo jeediyaan in ay ilaashadaan Abnigooda iyo wada noolaanshaha bulshada halkaa kuwada nool

Wixii dhib ah ee Dhexdiina ka dhaca shacab iyo dawlada ku dhamaysta is afgarad iyo wada hadal.

Marka labaad madaxwyanaha dawlad deegaanka somalida itoobiya waxaan leeyahay Madaxwayne reer sheekh Isaxaaq waxay kamid yihiin dadka aad madaxwaynaha u tahay cadawna kuma ah madaxtinimadaadana madiidana adigana kuuma arkaan in aad cadaw ku tahay!!

“Waxaynaa degaan dhulka ay masuuliyadu kaa saran tahay Jig jiga ilaa buuhoodle way degan yihiin.

Waxan madaxwayne kusoo jeedinayaa in aad  ku dadaasho sidii wixii ka dhex dhaca shacabka iyo ciidanka aad ku dhamayso dulqaad iyo masuuliyad hoosna u eegto

Ugu danbay waxaan warbaahinta somaliland usoo jeedinayaan in  ay kala fogaynta iyo naxliga ayka daayaan shacabka iyo dawlada deeganka somlida itoobiya xalna unoqon mayso wixii kala fogayna ee aad baahisaan waxayna inooga baahan yihiin in aynu ka dayno wixii sii kala fogaynaya .taasi oo saaamayn ku yeelan doonta xidhiidhka labada dal una baahan in  aad masuuliyad iska saartaan.

Waxaan marwalba kugu  garab taaganahay Mudane Madaxwayne Cabdi maxamud cumar Dadaal iyo gorumarka balaadhan ee uu gaadhsiiyay umadiisa waxaan leenahay halkaa kasii socda guushaaduna waa guushayada

 

 

WABILAAHI TAWFIIQ

SULDAAN ISMAACIIL SULDAAN CABDIRAXMAAN

COMMENTS
LINKS