Alla ha U Naxariistee Waxaa Caawa Magaalada Gabilay ku Geeriyooday Ex Xildhibaan/Macalin Cabdi Askar Abokor. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Alla ha U Naxariistee Waxaa Caawa Magaalada Gabilay ku Geeriyooday Ex Xildhibaan/Macalin Cabdi Askar Abokor.
June 27, 2016 - Written by Editor:

Alla ha U Naxariistee Waxaa Caawa Magaalada Gabilay ku Geeriyooday  Ex Xildhibaan/Macalin  Cabdi Askar Abokor.

INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN

Marxuum Cabdi Askar Abokor  Waxa  uu ka mid ahaa macalimiintii ugu horeeyay ee bare ka noqda guud ahaan gobolada Somaliland isaga oo bilaabay macalinnimada sanadihii kontonaadkii,waxaanu qayb libaax ka qaatay dajinta manhajyadii kala duwanaa ee waxbartashada ee guud ahaan  gayiga somalida.

Sidoo kale Marxuum Macalin Cabdi Askar ayaa wuxuu waxa uu ka mid ahaa xildhibaanadii hore ee golaha deegaanka Gabilay isaga oo marxuumku shaqooyin kala duwan ka soo qabtay xiliyadii hore iyo danbaba,

Dhanka kale Marxuumka Ayaa kamid ahaa Odayaasha  miisaanka ku leh Gobolka Gabilay, kana shaqeeya nabada iyo iskuduubnaanta

DHAMAAN DADKA HOOS KU QORAN WAXAY TACSI TIIRAANYO LEH U DIRAYAAN QOYSKII IYO QARAABADII UU KABAXAY MARXUUMKU

GENERAL MAXAMED XASAN JIDHIF

CABDIRAXMAAN AADAN JAAMAC

EX WASIIR MUUSE QAASIM AW CUMAR

CAAQIL MUUSE CIISE XIRSI

CABDI AW CIISE FAAYIYE

CAWKE JAAMAC GADIID

SIDOO KALE Hawlwadeenada Dagalkan Wararka ee Wajaalenews Waxay  tacsi tiiraanyo leh  dirayaan qoyskii,qaraabadii iyo Shacabka Somalilandba ee uu ka baxay MARXUUM CABDI ASKAR ABOKOR in uu samir iyo Iimaan ka siiyo isagana Janatul Fardawsa ka Waraabiyo.AAMIIN AAMIIN AAMIIN

 

INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN

 

 

COMMENTS
LINKS