Madaxwayne Siilaanyo Oo Shacbiga ka Tacsiyadeeday Geerida Laba Marxuum Oo Meelo kala Duwan ku Geeriyaaday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo Oo Shacbiga ka Tacsiyadeeday Geerida Laba Marxuum Oo Meelo kala Duwan ku Geeriyaaday.
July 1, 2016 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, Golayaasha Qaranka, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Garaad Abshir Saalax Maxamed oo ku geeriyooday Maanta 01/07/2016 dalka Sweden.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay waayeel waayo arag ah oo hoggaamiye dhaqameed ruug cadaaya, muddo dheerna ku hawlanahaa horumarka iyo isku duubnida shacbiga Somaliland, waxaana garaadka lagu tiriyaa mid ka mida garaadada ugu faca weyn gobolka sool.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, Golayaasha Qaranka, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLA

SIDOO KALE WUXU MADAXWAYNUHU TACSI TAALAMIDA UDIRAYAA

AHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, Golayaasha Qaranka, Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen (dhaadheere) oo ku geeriyooday Ingiriiska Maanta 01/07/2016.

Xildhibaanku wuxu ka tirsanaa 82-ka Xildhibaan ee golaha wakiilada Somaliland, isagoo ka mid ahaa xubnaha ugu da’a weyna mudanayaasha wakiilada, Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Oday waayo arag ah oo door muhiima ku lahaa dib u dhiska iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland ku dhaqan, isagoo door muhiima ku lahaa dhismaha qaranka, oo uu ilaa wakhtigan ku hawlanaa horumarkiisa dhismihiisaba.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

      Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

COMMENTS
LINKS