WAJAALE NEWS

War Degdega:Dawladii Rayidka Ahayd ee Dalka Turkiga Oo La Afganbiyay Iyo Ciidamada Qalabka Sida Oo La Wareegay Talada Dalkaas

Hargaysa (wajaalenews)Askar ka tirsan milateriga Turkiga ayaa sheegay in ay la wareegeen awoodda dalkaasi, ka dib markii la arkay diyaarado dagaal oo joog hoose ku dulmaraya caasimadda Ankara.

Ciidanka ayaa xiray buundooyinka Bosphorus iyo Fatih Sultan Mehmet ee ku yaalla magaalada Istanbul.

Telefishinka CNN Turk iyo wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaya in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu badqabo, balse ma aanay sheegin halka uu ku sugan yahay.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Binali Yildirim, ayaa sheegay in milateriga dalkaasi ay “fuliyeen fal aan loo idmin” balse aanu afgemi ahayn.

Waxa uu intaa raaciyay in aanay jirin wax dhibaato u geysan kara dimuqraadiyada Turkiga.

 

 

Exit mobile version