Wariye Maxamed Aamiin Jibriil oo Maxkamada Ciidamada Qaranka iyo Badhasaabkii Hore Ee Gabiley Sifo Sharciga Baalmarsan Ugu Xidhan Laba Cisho Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wariye Maxamed Aamiin Jibriil oo Maxkamada Ciidamada Qaranka iyo Badhasaabkii Hore Ee Gabiley Sifo Sharciga Baalmarsan Ugu Xidhan Laba Cisho Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa.
July 29, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)-  Maxkamada Ciiddamada Milatariga ayaa maalintii shalay Xabsiga u taxaabtay Wariye Maxamed Aamiin Jibriil Cismaan,  oo ka mid ahaa Wargeyska madaxa banaan ee Saxafi iyo Wakaalada wararka Qaramada Midoobay ee Irin.

aamiin

Wariye Maxamed Aamiin waxaa lagu xidhay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa halkaasi oo uu joogay inuu dhageysto dacwad ka dhaxeysay walaashii iyo badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan.

 

Suxufi  Ilyaas Cabdi Cali oo caawa Wariyaha ku Booqday saldhiga uu ku xidhanyahay ayaa waxaa uu u sheegay in  loo adeegsanayo awood islamarkaana lagu xidhay sifo sharciga baalmarsan maadaama uu saldhiga u joogay dacwad.

” Waxaa xadhigayga amray nimanka Maxkamada Ciidamada qaranka ka tirsan iyo nin la yidhaahdo Dhagawayne oo ka shaqeeya xeer ilaalinta Gabiley”ayuu yidhi  Maxamed Aamiin Cismaan oo u waramayay Wariye Ilyaas Cabdi Cali.

Waxaa uu wariye Maxamed Aamiin intaasi ku daray ” Waxaa lacag iyo awood ii adeegsanaya Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley, maxkamada Gabiley ayaa walaashey sii daysay awood sheegasho ayaa Hargeysa iyo maxkamada Ciidanka qaranka loogu soo wareejiyay Dacwada.”

Wariye Ilyaas Cabdi Cali oo saraakiisha Saldhiga dhexe isku dayay inuu waydiiyo xadhiga Suxufi  Maxamed Aamiin Jibriil Cismaan cida ka dambeysay ee u xidhanyahay  ayaa waxay u sheegeen inaanu u xidhnayn ciidamada Booliiska balse uu u xidhanyahay Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan iyo Maxkamada Ciidamada Qaranka oo u adeegsanayo masuulkaasi.

 

 

XIGASHO HIMILO

COMMENTS
LINKS