INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN
Allah haw Naxariistee waxa maanta ku geeriyooday cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa Marxuuma Faarax Bashiir Kaahiye oo Kana mid ahaa dhaliyarada kubadda kolayga.
Marxuum Faarax ayaa u geeriyooday xabbad madaxa kaga dhacday xalay isaga oo ku sugnaa magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabiley.
Ma jiro war ka soo baxay ciidanka booliska oo faahfaahinaya dhacdadan.
Masuuliyiinta iyo hawlwadeenada Shabakada Warar ee Wajaalenews waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan reer Bashiir Kaahiye Anagoo ka tacsiyadaynayna geeridii naxdinta lahayd ee kutimid Marxuum faarax Bashiir Kaahyiye oo maanta ku geeriyooday magaalada hargaysa
Ilaahay dhamaanteen samir iyo iimaan haynaga siiyo marxuumkana janatul fardowsa ayay ilaahay u baryanaynaa Aamin Aamin