Wasiirka Madaxtooyada Jsl Oo Qarsan kari Waayay Hadimooyinka Uu ku Hayo Shacabka Gobolka Gabiley Iyo Dhacdooyinkii Ugu Danbeeyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Madaxtooyada Jsl Oo Qarsan kari Waayay Hadimooyinka Uu ku Hayo Shacabka Gobolka Gabiley Iyo Dhacdooyinkii Ugu Danbeeyay.
August 21, 2016 - Written by Editor:

Tog Wajaale (W.N ) Tan iyo mudadii ay Xukuumada Siilaanyo ku guulaysatay Talada dalka ayaa waxaa marba marka ka danbaysa soo ifbaxaysa kala fogaanshaha xukumada siilaanyo Iyo shacabka gobolka gabiley taasi oo marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaysa .

kala fogaanshaha iyo  dagaalada qarsoon ee reer gabiley kaga imanaya xukuumadadii ay doorteen ayaa dadka siyaasada indha indheeyaa, bedka soo dhigeen  shakhsiyaadka dhabta ah ee u tafo xaytay kala fogayta Dadwaynaha Gobolka Gabiley iyo xukuumadii ay soo doorteen, Taasi oo uu kaalinta hore ka galay wasiirka xiligan ah  gacan yaraha  u ah madaxwayne siilaanyo kaasi oo soo kordhiyay qarsana kari waayay ficilada uu ku hagardaamaynayo.

Hadaba Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaaashi  ayaa Xiligan cadaystay nacaybkii mudaba lagu xaman jiray ee uu u qabay bulshada reer Gabilay, iyada oo ay ugu danbaysay u jeedadii ula kaca ahayd ee uu  ku wareejiyay kursiga wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga oo uu u gacan galiyay reer Saaxil oo xiligan dano gaara uu ka leeyahay taas oo uu xilkii kaga qaaday wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga Eng.Xuessn Dayr oo wax ka yar sadex bilood uun hayay xilka wasiirnimo,waxaana uu badalkiisa uu ka dhigay xubin ka soo jeeda gobolka Saaxil,oo mudooyinkii u danbaysay nacaybka ay u qabaan reer Saaxil Wasiir Maxamuud Xaaashi fooda galin kari waayay magaalada Berbera,

wasiir xaashi hf

Kuma koobna oo kaliya hagardaamada iyo Nacaybka uu u qabo bulshada reer Gabilay wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ee tiraba labadii jeer ee uu madaxweynuhu safarka ugu baxay gobolada galbeedka oo ahaa markii uu xadhiga ka jarayay wadada isku xidha magaalada Dila iyo Boorama iyo sidoo kale qalin jabintii  jaamacada camuud oo uu ka Qayb galay madaxwaynuhu ayaa nasiib daro noqtay in aanu madaxweyne Silaanyo ku hakan gobolka Gabilay oo ah goobtii sobobtay guushiisa madaxweynenimo taas oo go,aankeega uu lahaa wasiirka wasaarada madaxtooyada oo xiligan dagaal hor leh kula jira bulshada ku dhaqan gobolka Gabilay.

Waxaana cadaatay dagaalka uu kula jiro wasiir Maxamuud Xaashi xubnaha u matala golaha wasiirada Goboka Gabilay isaga oo si badheedha uga reeba xubnahaas in ay wax safar ah ku weheliyaan madaxweynaha marka uu u baxayo safarada dibada,waxayna taasi soo ifbaxday xiliyadii lagu hawlanaa heshiiska dekeda berbera uu si badheedha uga reebay Wasiirka wasaarada ganacsigu in uu ka mid Noqdo waftiyada xukuumada u matalaya maalgalinta dekeda iyo shirarka arimaha maal galinta dekeda Berbera oo sharciyan xubinta muhiimka u ah wixii maalgalin ah ee dalka lagu samaynayo maadaama loo igmaday wasaaradiisa, Walow wasiirka ganacsiga laftiisa lagu timooma masuul qaatay talaabooyin lagu maroorsaday shaqadiisa taasi oo bulshada reer somaliland tustay dabacsaan baahsan ee dhanka wasiirka laftiisa ka timid.

waxaana xubintaas isku qoray isaga oo  isticmaalaya awood ka badan tii loo igmaday,kana faa,idaysanaya awooda qaraabaysan ee uu siiyay madaxweyne Silaanyo.

dhanka kale ficilada wasiir maxamud xaashi ayaa dIbada usoo baxay isku shaandhaytii ugu danbaysa oo uu si badheedha meesha uga saaray midkamida wasaradii gobolka Gabiley isagoo sid bursiimo uga dhigay dhigooda beesha reer saaxil wasaaradan oo ahayd wasaarada ganacsiga gacantana uu ku hayay mudo kooban wasiir eng xuseen dayr

sidoo kale xubnaha ku dhow dhow wasiirka madaxtooyada ayaa sheegay in gabi ahaanba sanadkan uu qorsheeyay in wixii mashaariica ee laga fulin lahaa deegaanada gabiley loo wareejiyo gobolka sool maadama aanay iyagu xiligan ka xukuumad ahaan aanay cod ubaahnay balse ay u baahan yihiin ay heleen daris wanaag ay mustaqbal kula noolaadaan beelaha ay wada dagaan gobolada sool, togdheer, iyo sanaag,

Si kastaba ha ahaatee hadii madaxweyne Silaanyo wax ka qaban waayo xubintan dheeraadka ah ee ka faa,idaysanaya awoodihiisa,ayaa kala irdhayn doonta shacabka reer Gabilay iyo xukuumada taas oo dhaxalsiin karta xukuumada in ay kalsoonida kala noqdaan reer Gabilay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Silaanyo.

Waxaana si wayn looga dareemayaa magaalada Gabilay ee xarunta Gobolka Gabilay meelaha ay dadwaynuhu ku kulmaan ee ay ku shaaheeyan ee faras magaalaha hadal haynta isku shaandhayntii u danhbaysay oo dadweynaha reer Gabilay aanay jeclaysan una quus goysay  rajadii ay ka qabeen.xukumada madaxweyne Silaanyo oo xilogan wakhtigeedu dhamaad yahay.

 

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE OFFICE

WARIYE  ISMAACIIL HAYBE.

COMMENTS
LINKS