Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Oo TACSI Udiray Qoyskii uu ka baxay MARXUUM CUMAR AXMED YUUSUF | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Oo TACSI Udiray Qoyskii uu ka baxay MARXUUM CUMAR AXMED YUUSUF
August 22, 2016 - Written by Editor:

Guddoomiyaha xisbiga  Kulmiye Oo  TACSI Udiray Qoyskii uu ka baxay MARXUUM CUMAR AXMED YUUSUF

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Axmed Yuusuf oo ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, laguna aasay caasimadda Somaliland ee Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 22/08/2016.

Marxuum Cumar Axmed Yuusuf oo ka mid ahaa odayaasha reer Hargeysa waxa uu doorar shariifka ah ku lahaa hawlihii kala duwanaa ee dalku soo maray.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, qaranka, madaxdhaqameedka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

 

COMMENTS
LINKS