Bulsho wada siyaasiya W/Q Mukhtaar Cabdi Cilmi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bulsho wada siyaasiya W/Q Mukhtaar Cabdi Cilmi
August 24, 2016 - Written by Wariye:

Guud ahaan bulashada somaliland waa dad jecel falaqynta siyaasada dalka iyo ka hadalkeeda  iyadoo ay jiraan goobo ku caana oo arintan oo loola baxay magacayo kala duwan sida marfashayada lagu qayilo , goobaha fadhi ku dirirka ah sida maqaaxiyaha lagu caweeyo iyo goobo kala duwan oo ka mida guud ahaan dalka

Waana shayga loogu jecel yahay in la falanqeeyo iyadoo qolo walinba difacaysa siyaasigooda ka qolada kalena dhaleecaynaysa. Waa goobo ay ku murmaan aqoonyahanka dalkan wax u barty iyo ka caamada ah ee aan waligii waxba baran balse hal shay ayay ka midaysan yihiin oo ah inay tageraan hadba ka ula muqda in uu la dhacsan yahay siyasadiisa ama

mahee ka reerkooda ah ee siyasada dalka ugu jira

Waxaan tusaale u soo qadanaynaa dorashooyinkii kala duwanaa ee dalkani soo galay iyadoo qarankani ku taalabsaday nidaamka xisbiyada badan si looga guuro nidaamkii qabilaysiga iyo shirbeeledka oo run ahantii ahyd guul aad u baladhan in aan qaadano nidaamka xisbiyada badan u  oo aan dheernahay wadamo badan oo geeska afrika ku yaala ayaa waxaad arkaysaa in wakhtiyada dorashooyinkasi soo dhawadaan aad moodo in qof waliba jecel yahay in falanqeeyo siyaasada dalka isagoo doonaya inuu dhaleeceyo kalbna ka aanu donayn iyadoo aynu aragno in macaa dhalinyaradii wax baraty ay baraha bulshada ku soo ban dhigayaan iinta iyo khaladadka  uu leyahay siyaasiga ay ka kala mabda yihiin ama mahee kala haybta yihiin.

Ka hadlida siyaasada dalka iyo isku badalka qaybaha kala duwan ee dawladu waa waxyabaha loogu jecel yahay in lagaga dodo baraha bulshadu ku xidhiidho sida faceboook, websiteska.

Tusaale ahaan wakhtiyada ay aad u sii xoogaystaan waxaa ka mida wakhtiyada ay dhacaan isku badalada xilaalka masuliyinta dawlada iyadoo aad arkayso arinkani in ay hadal hayaan dhalinyarada, wayeelka, siyaasiyinta, haweenka kuwaaas oo aad daremmayso muranka iyo hadlahaynta hawshan, iyadoo qolo waliba  aragtideeda hadlayso.

Hadaba siyasada dalka iyo hogaaminteda waxaa qarankan uga masuula kolba cidii bulshadu u garato ee hogaanka iyo talada dalka haysa, dhalinyarada aqoonyahanka ahina haka waantobaan in ay ku milmaan ka aan waxba baran balse caadaystay inuu ku maxaafsado waxaan ahay siyaasi reer hebel hadii reerkayaga laga waayo dawladana waxba ma soconayaan inta uu kolba afar oday meel isugu keeno oo Tv soo fadhisto taas oo ah danyaste doonaya inuu kaligii wax noqdo reer iyo cidkalena aan waxba tarayn kana hor yimaado horumarkasta oo dalka ku talaabsado hadii uu ka dhex waayo dantiisa gaarka ah.

Dalkni uma bahna dad siyasada fadhi ku dirirka kaga sheekeya ee waxaa la donayaa in laga qayb qato horumarkiisa dhanwalba iyadoo qof waliba isu arkaayo inuu gudanayo xil muwaadnimo kana shaqanayo horumarka dalkisa iyo dadkisa taasan dalkani ku gaadhayaa horumar balaadhan oo adunwaynuhu ma jiirto

Dhanka kalena cayda iyo ceebaynta qof kale oo aan waxba kugu samayn balse aad ku dhalecyso  kursiga uu ku fadhiyo adigoon waxba ka arag tasina waa shay aan qofna u wanaagsanayn ilahay agtiisa aan laga ogolayn gun iyo gunanadkii waxaan ku soo kobayaa aynu ahano dad ka waantooba goobaha fadhi ku dirirka ah ee aan naftaada iyo dalka midana waxba u soo kordhinayn kana shaqayno horumarka dalka iyo dadkena.

Mukhtar Cabdi Cilmi

Samiir.net@gmail.com

COMMENTS
LINKS