Saxeexa Citiraaf Raadintu Muxuu Soo Kordhinayaa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saxeexa Citiraaf Raadintu Muxuu Soo Kordhinayaa.
August 24, 2016 - Written by Wariye:

Xalay ayay ahayd markii aan warbaahinta somaliland ka daalacday xaflad masuuliyiinta qaranka ugu sareeya badankoodu kasoo qaybgaleen, madaxweynaha, hogaamiyayasha mucaaridka, iyo marti sharafkale oo qaranka miisaan iyo maamuus ku dhexleh.

Hadii aan sii fiiriyay oo aan isku dayay inan fahmo ujeedada xafladan loo qabtay waxay markiiba dhayahaygu qabteen ragleh, halkan waxaanu kusoo bandhigaynaa saxeexa muwaadiniinta somaliland oo saxeexay in somaliland aduunka ka codsato aqoonsi buuxa, waxaa lasii raaciyay waa warqadcabasho ah oo UNka iyo beesha caalamka loo diraayo.

Markiiba waxaan iswaydiiyay somaliland tii 1991 saxeexday miyaanay ahayn inay dalmadaxbanaan noqoto?

Somaliland tii 2001 distuur qarankani leeyahay u codaysay miyaanay ahayn?.

Somaliland 25sano oo ay jirtay miyaanu

aduunku arkayn inaytahay dal somalia inteeda kale ka madaxbanaan, oo calan,lacag iyo passport u gaar ah leh?.

Somaliland maxaa imika ku kalifay inay iyagu isu saxeexaan warqadan?.

Ma caalamkaa ka codsaday oo warqadaa ku xidhay?

Ma goobjoogayaal caalami ah oo wax qiimaynaya ayaa dusha kala socday oo dowlado gaar ah oo arintan danayna ayay wakiil ka ahaayeen?.

Intaasba hadii aytahay maya dee adeer hadaa maxaa masaakiinta ka daalinaysaan oo kolba xaflad malaayacni ah oo cashuurtii danyartu ku baxday hotelada kaga qabqabnaysaan.

SOMALILAND UJEEDADEEDA UGU WEYN EE AY U JIRTAA MA AQOONSIBAA?

ummad marka ilaahay meel ku beero waxaa la gudboon inay qorshe cad iyo mabaadi lahaadaan, si ay noloshooda u kafeeyaan bulshooyinka kale ee caalamkana ula jaanqaadaan.

dowladihii kala dambeyay ee somaliland waxay ka simanyihiin inay bulshada ku jaahwareeriyaan oo ku marin habaabiyaan, wax ay ugu yeedheen aqoonsi, bulshada somaliland marna ismay waydiin horta aqoonsigu muxuu idinkala maqanyahay?.

Su’aashaasi waa muhiim inaad bal horta ogaato waxan la gugu qufulay ee aad daba ordaysaa muxuu kaala maqanyahay.

Hadiise inta waxlagugu qufulo aad wixii lahayste u noqot, dee waa minsubxaanallah, ha kugu taagnaato uunbuu xaalku noqonayaa.

Somaliland waxaa la gudboon inay tashato oo ay waxay haysto horumariso,waa in cidkasta la tusaa inan somaliland aqoonsi uun u jirin ee xitaa hadii la waayo laga maarmi karo.

Waa in somaliland jeexataa wadadii ay ku noolaanlahayd aqoonsi iyo aqoosni la aanba.

AQOONSI MAKA MAARMI KARNAA.

Horta qarankasta waxaa muhiim ah inuu qorshe leeyahay oo wax u qorshaysanyihiin, waa in hadii waxaas qorshaysani hirgali waayo aad taqaanaa dhankii kale ee aad uga wareegi lahayd.

Waaa inaad taqaanaa waxankuu qorshaysan la,aantii ma noolaankartaa.

Dabcan somaliland oo aqoonsi hesha oo noqota qaranka mid ah qaramada aduunka waa qorshaha ugu muhiimsan ee siyaasadeena arimaha dabadu ku dhisantahay,

wasiirkasta oo wasaarada arimaha dambeda Somaliland masuulka noqdana waxaa hortaala xageed ka keentaa aqoonsi caalami ah oo somaliland beesha caalamka ka hesho.

Lkn anigu sikhsi ahaan waxaan aminsanahay in waxbadani somaliland ka qaldanyihiin gaar ahaan siyaasiyiinta, mida kale ee iyana waxbadani ka qaldanyihiin waa siyaasada arrimaha dabeda ee somaliland.

Waar billaa calaymkum ma rubucqarni iyo waxka badan ayay gacmahu inoo laabanyihiin oo aynu wax aqoonsi la yidhaahdo sugnaa oo gidaar u fadhinaa?.

Maxaa innaga oo aan tacab iyo tamarkale toona samayn aynu wax citiraaf la yidhaahdo raadinaynaa?.

Horta wadankeena aaya ka tashigisu ma gacanteena ayuu ku jiraa mise gacanta waxa loogu yeedho beesha caalamka?. taas lafteeda ayaynaan wali fahmin.

Adiga oo lixbilood ku baryootama harraadbaanu u dhimanay ee biyo nala soo gaadha, 6biloodna caalamka ugu baaqa daadbaa na qaaday ee waxnala soo gadha miyaad masiirkaaga ka tashankartaa?, ogow adigu marka aad naftaada qiimo u yeesho ee wadankaaga qiimo u yeesho ee bulshadada qiimo u yeesho ayay cidkasta oo kalena qiimaynaysaa e.

AQOONSIGA SIDEE LOO DOONAYAA HORTA?

Su’aashan lafteeda somaliland aadbay isaga indho tirtaa.

waxa loogu yeedho dublamaansiyiinta caalamka ee siyaasiyiinteenu la kulmeen ee arintan kala hadleena jawaabtoodu waa isku wada mid.

dalkasta oo beesha caalamka ka tirsani wuxuu leeyahay somalia ayaad lixdankii isku darsateen ee idinku heshiisa.

Waxaa kale oo somaliland aqoonsi ku heli kartaa hadii nimanka maanta isku magacaaba quwadaha aduunka dan{interest} iyo maslaxada iyaga u adeegaysa oo ay kaa leeyihiin kusoo gasho ama ay kaa arkaan, waa inaad waxka iibinaysaa oo ay dankugu qabaan, waa inaad tustaa wadankaagu muhiimada uu u leyahay iyaga, waa inay kuu arkaan xitaa wadan aan u baahnaynba aqoonsi.

Lkn duul meel yuurura oo sannadka dhan baryo ku jira, oo nasoo gaadhada haya dee maxaaba laga qori, tana waa mid ka mid ah baryadii uun e.

Maahmaah carbeedbaa ahayd kunsano oo aad sida garanuugta u ordayso lkn aad wado qaldan hayso waxaa ka wacan halsaac oo aad sida diinka u socoto lkn aad wadada saxda ah hayso.

Siyaasiyiinta somaliland intay bulshada beenta u sheegayaan, intay afka ka dhowrayaan xaqiiqda, intay runta bulshada ka indho saabayaan, riyada iyo khiyaaligaa ayaynu ku jiri.

taasaa xaqiiq ah.

Wabbilaahi towfiiq;

Qore : Mohamed Osman Hassan

Email: maxamed.wali1985@gmail.com

COMMENTS
LINKS