MIDNIMADA BEELAHA BARIGA S/LAND OO SII XOOGEYSANAYSA,IYO TAN GALBEEDKA OO HOOS USII DHACCAYSA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MIDNIMADA BEELAHA BARIGA S/LAND OO SII XOOGEYSANAYSA,IYO TAN GALBEEDKA OO HOOS USII DHACCAYSA
August 24, 2016 - Written by Editor:

Tan iyo markii xisbiga Kulmiye   kasoo baxay mucaaradka  kuna guulestay doorashooyinkii kursiga dalka u sarreya keenay Madaxweyne Siilaanyo ayaa    qaybo ka mid ah dadweynaha dalka ee taasgeerada siin jirey xisbulxaakim kii burburray ku ololayn jireen  isbeddelka maamul ee  ay la iman doonto xukuumaddan kasoo jeedda Bariga soomaaliland  kuwaasoo dhinaca kalena wakhtigii ololihii siyaasadda  taageerayaashii UDUB ugu baaqi jirey in xukuumadda kulmiye  u janjeedhsanaan doonto degaanada Bariga dalka ,kana jeesan doonto galbeedfka dalka .

Inkastoo baaqyadaasi ahayn kuwa loo dhegtaagay ama la dhegeystay marka loo eego nacayb ka siyaasadeed ee loo hayey  dawladdi Rayaale  ,isla markaana an xukuumada KuLmiyena  sannadihii u horreeyey ee ay xilka la wareegtay laga dareemin  isku dheelitir la’aan la xidhiidha  gobolada dalka ,hase yeeshee labadii sanadood ee u dambaysayba  la iska arkayewy culayska dhaqaale iyo kan siyaasadeed ee ay saartay goboladaasi ,haba ugu horreeyeen gobolada Sanaag ,togdheer iyo Sool  miisaankasina ilaa imika usii ciirayo  Bariga dalka .

Inkastoo xukuumadda ,Madaxweyne Siilaanyo sannadihii u horreeyey meesha ka saaray colaadii ,jidgooyooyinkii ,iyo nacaybkii beelaha galbeedku ka dhaxleen xukuumaddii Rayaale  gobolada galbeedkana uga sed kordhiyey saamigii ay  xukuumadda ka haysteen wakhtigii Rayaale  hase yeeshee dareenadii caynkaasi ahaa u muuqdaan kuwa soo laba kaclaynaya   bilahan u dambeeyey loona arko in xukuumaddu toosinayso  belaayo hurudday  marka loo eego   xiisadaha siyaasadeed ee  Berbera  ,iskushaandheyntii u dambaysay  iyo waxyaalaha ka taagan degmada Lughaya  iyo lixda Goobood   u egyihiin kuwa horseed u ah  wax an dan u ahayn beelaha galbeedka dalka  siina kala fogeyn kara mar kasta oo doorashooyinku soo dhawaadaan.

isbeddelka maamul  ee ku yimi  gobolka Sool,qaramayntii maleesiyada khaatumo soo dhaweyntii madaxweyne Siilaanyo  ee Laascaanood ,casuumadii Kooxda Cali klhaliif  ee degaanka Caynaba ,magacaabista sagaalka xil  ee xilalkii hore loogu daray reer Laascaanaood ,  xerogelinta xoogaggii SSC ee Xaglatoosiye ,beddelka giimbaartii loogu beddelay Shilinka S/land  iyo waxyaale kale  oo qarsooniba muujinayaan  sida ay u kala fogyihiin  xaaladi dhulkaa ka taagnayd wakhtigii Rayaale  iyo tan Siilaanyo ee wakhtigan   tusaalena looga dhigan karo sidii reer Laascaanoodna rasaasta ugala hor yimaaddeen wafdi u horkacayey madaxweynihii  hore   ee dalka kaasoo sababay dagaallo an kala joogsi lahayn oo dhulkaa ka socdayba waxay muujinayaan  lexejaclad  iyo walaalnimada ka dhaxaysa beelaha  iyo gobolada Bari ee dalka iyo xukuumadda  maanta.

Ugu dambayntiina  dabaysha colaadeed  iyo kala qaybsanaanta beelaha galbeedka  haatan  kusoo fool leh ee ay waxba ka aban waayeen madaxweynayaashii reer galbeedka ahaa ee dalka soo xukumayey yaa haatan u muuqata inay mar kale siyaasiyiinta reer Barigu la wareegaan  hogaaminta dalka hadii anay waxba iska beddelin  siyaasadaha mucaarad iyo muxaafidba leh ee  ku waajahan     gobolada bari iyo kuwa galbeedkaba ,kuwaasoo shacabkooda iyo siyaasiyiintooduba  iskusoo dhawaanayaan  ama sii  kalena   fogaanayaan .

Maxa,med cumar sheekh

Borama/Awdal

COMMENTS
LINKS