WAJAALE NEWS

Maxaa Isbaddelay Shallay iyo Maanta?!

university of hargeisa

Waa dhul oomane ah, qorfo iyo jeexjeexyo mooye indhagu waxkale maqabtan, cidna ma danayso, cadowgeeduna ma yara, hase ahaate dheefmooye dhib maleha, dhalankeedu waa sidii soddonan sano ka hor, oo ay u dheertahay bililiqaysi iyo burburin oogadeeda iyo argeed guud. Ruuxdeedu inkastay fiicantahay halkii dhigeeda kula tartami lahayd ma joogto, sidaas waa xaalad dhabta ah ee ku sugnayd Jaamacad Hargaysi sideed bilood ka hor. Balse waxay sidaas haataba Waa cusub baa dilaacay oo hoodo mooye aan hadimo lahayn waxay wadda curteen roobabka dhibicoodu caanah yahay ee dhananka malabka leh, gu iyo jilaalna aan kala lahayn.

 

Waagiba dilaacay qorax aan caad iyo cero mida lahaynba gayiga u soo baxday indhagu waxay qabtan muuqal quruxda iyo qaayaha badan ee Jaamacad Hargaysa waana kan manta. Haddaba su’aasha is waydiinta badtahay ee ka dhex guuxaysa kumanaanka qof ee u hiloobay horumarka iyo hayaanka fog ee jaamacad Hargaysa, ayaa waxay tahay Maxaa isbeddalay Shallay iyo Maanta?!!!

Haddaba si kooban aan uga jawaabno waxa is baddalay waa Hogaankii Jaamacada, kaas oo horsed ka noqday hiigsi dhow iyo himilada fog ee jaamacad Hargaysa, waa hogaan hal abuur, hawl kar, himilo dheer, hibo iyo daacadnimo ku dheehantahay ku haga hawlaha qaranka. Waa “kuw huray naftoodo halgamaaya weeyan, heebeen iyo maalin shaqada ku hawlanoo wax hagaaja weeyan

Waxa is beddalay maaha Oogada iyo muuqa guud ee jaamacad oo kaliya, maaha ubaxayada qurxoon iyo dooga cagaaran ee aad mood rooga akhtarka ah, maaha wado cageeda lagu jaangooyay marmarka cadaanka iyo madowga iskugu jira, maaha wadooyinka waawayn ee mood in baabuurtu ku dawaafayso, manaaha dhismayaasha dabaqyada ah ee muuq iyo midabka dheer leh, ee waxa isbaddalay is baddalay ruuxdii jaamacad, waxaa maskaxda loo tuujiyay oo qalin khad dhiiga leh lagu dhigay siyaasadii iyo shuruucdii jaamacada hargaysa, waxaa la abuuray deegaan cusub oo ah madal Aqooneed ay daadihiyaan hogaanka jaamacadu ee cusub oo ay ka soo saaran, hogaamiyaal dhigood ah, dhakhatir, macalimiin, dhaqalayaan, injineero iyo aqoon yaan tiro iyo tayaba badan.

Gunaanadkii iyo gababadii tani waa talaab yar xag awood aadamah oo ku daysho mudan, waa talaabo caadi ah xaga hogaanka ikhtiraacay qorshahan isbadel balse waa waxa cajiib galiyay arday, macalin iyo dhamaan cidwalba oo danaysa Jaamacad Hargaysa.

Sidaas awgeed waxan ku dhiiri galinay inay riyadooda fog halkaa ka sii wadan hogaanka noqday mujahidiintii isbeddal tayaynta aqoont jaamacad hargaysa, bulshada noocyadeed kala duwan sida ganacsatada, shirkadaha, siyaasiyiinta waxan ugu baaqay inay ka qayb qaatan hurmarka jaamacad kuna taakuleyaan talo iyo tusaale, arrin iyo adduunba.

Qore: M. A. Habane

Exit mobile version