Waxaan Tabayaa Ducaqabayaal u Dhashay Gobolada Awdal Iyo Gabiley Oo Bud Dhiga Siyaasad Dhaqan Dhaqaale Oo Horumar Gaadhsiisa Labada Shacab Ee Walaalaha ah!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxaan Tabayaa Ducaqabayaal u Dhashay Gobolada Awdal Iyo Gabiley Oo Bud Dhiga Siyaasad Dhaqan Dhaqaale Oo Horumar Gaadhsiisa Labada Shacab Ee Walaalaha ah!!!
August 25, 2016 - Written by Editor:

Hoy Hoy barbaartay

Goormaa la helayaa ?

Hogaan dhaqan yaqaanoo

Hadaf kula wadaagoo

Hidahana ilaashoo

Heegan maanta kuu gala

Hoy Hoy barbaartay

Goormaa la helayaa?

Aqoonyahan hogaanshoo

Danta guud u hiishoo

Talo loo haraad qabo

Caqligiisu heli karo

Hoy Hoy barbaartay

Goormaa la  helayaa?

Maal qabeen u hagar baxa

Talo qaranka lagu hago

Hawsheeda aan nicin

Hantidiisa gaarka ah

Danta guud u huri kara

Hoy Hoy barbaartay

Goormaa la helayaa ?

Caalim kala hagaajoo

Diintana ku hodanoo

Hibo Eebe siiyoo

Talo qaranka lagu hago

Waligiiba hoos marin

Hoy Hoy barbaartay

Goormaa la helayaa ?

Madaxwayne  hanan kara

Talo qaranka lagu hago

Madax aan habsaamayn

Samo nagu hogaanshoo

Hayaankooda madaxnimo

Aanu hoos u daadagin

Hoy Hoy Barbaartay

Horta maad ogaateen?

Codku yahay hubkaagoo

Laba haadna kula maro

Midi hoodo keenoo

Barwaaqada horseedoo

Horo socodka kuu wado

Midna haada kuu wadho

Gaajiyo habaar dhalo

Hoy Hoy dadwaynow

Ana hawshii maan gabin

Hiilkaaga maan dayn

Taladiina maan hakin .

Ma la gaadhayse waqtigii laga doodi lahaa halka ay ku jiraan danaha Siyaasadeed iyo Dhaqaale ama Deegaaneed ee Bulshada G/Gabiley ? Siyaasad ahaan iyo Dhaqaale ahaan Danta Bulshada G/Gabiley ma xulafadii Abtirsiimada ahayd ee Bulshada Galbeedka G/Maroodi jeex ayay ku jirtaa ? Mise Dano Siyaasadeed iyo Dhaqaale oo Bulshada G/Awdal Isfahan hor leh la bud dhigo ayay ku jirtaa ? Imisa Sanno oo danbe ayuu sii socon doonaa Xafiiltanka Siyaasadeed iyo Dhuleed ee u dhexeeya Bulshada G/Awdal iyo Bulshada G/Gabiley ? Ma leeyihiinse Bulshada G/Gabiley Aqoonyahano,Culimo ,Siyaasiyiin,Maal qabeeno iyo Madax dhaqmeed is xaal og oo ka tashada kana dooda xaalada dhabta ah iyo marxaladaha soo waajaha? Ma jirtaase aragti midaysaa Aqoonyahanka, Culimo , Siyaasiyiinta,Maal qabeenada, iyo Madax dhaqmeedka G/Gabiley ee ku Abtirsada Beelaha Sacad Muuse Galbeed ?  Kaalintayse kaga jiraan Masuuliyiinta ama Siyaasiyiinta G/Gabiley ka soo jeedaa jaangoynta Siyaasada iyo Dhaqaalaha Dalka S/land Sadexdii Xukuumadood ee u danbeeyay? Goormaase xall waara laga gaadhi doonaa Khilaafka Xuduudaha Dhulka ee u dhexeeya G/Awdal iyo G/Gabiley haday Sadexdii Xukuumadood ee Dalka soo maray ay ku guul daraysteen in ay Xall u helaan ? Goormayse Aqoonyahanka,Culimada ,Siyaasiyiinta, Maalqabeenada,iyo Madxdhaqmeedka Labada Gobol ku soo gunaanadi doonaan talo ka farxisa iyo Aragti midaysan oo dhanka Siyaasada iyo Dhaqaalaha ee ay ka yeeshaan Shacabka Labada Gobol ee Walaalaha ah?

Gobolka Gabiley waa deegaanka ugu dhaw Caasimada S/land Hargaysa ee Magaaloobay iyadoo dhanka Bari xad kala leedahay Degmada Hargaysa halka dhanka Galbeedna ay xad kala wadaagto G/Awdal waxaanu G/Gabiley ka kooban yahay 6 Dagmo oo Afar ka mid ahi ay yihiin Magaalooyin camiran sida Gabiley, Wajaale,Alaybaday,Arabsiyo iyo Laba Dagmo oo soo koraya sida Agabar iyo Geedbalaadh iyadoo Dagmada Gabiley oo u horaysay darajada Dagmonimo qaadatay Sanadkii 1963.

BORAMA

Iyadoo Taariikhdu tilmaamayso 1963 Gabiley gaadhay Darajada Dagmonimo waxayna Taariikhdu tilmaamaysaa in isla Sannadkii 1964 Dagmada Gabiley ka heshay Dawladii Soomaaliya  Wasiirkii Arimaha Dibada Axmad Yuusuf Ducaale oo aanay hore u haysan waana Wasiirkii Koowaad ee u dhashay Deegaanka Gabiley .

gabiley

Maanta waxaa iswaydiin mudan Gobolnimada Gabiley ee Sideed Jirsatay maxay ku soo kordhisay Dhib iyo Dheef Dagmadii Gabiley? Goormaa la hor keenayaa Goboladii la magacaabay Golaha Wakiilada ? Ma magacaa Gobol oo afka ah ayuu ku koobnaa Hankii Gobolnimo ee Bulshada G/Gabiley? Waa maxay qorshaha  Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ka leedahay Goboladii la magacaabay ?  Ma shaqeeyaan Xafiisyadii Wasaaradaha iyo Laamaha Dawlada ee Gobolka Gabiley? Ma jiraan Aqoonyahano, Culimo, Siyaasiyiin, Maal qabeeno iyo Madax dhaqmeed aragti midaysan ka leh in laga midho dhaliyo G/Gabiley? Hadii ay jiraan maka yeesheen  Shirar iyo kulano lagaga hadlayo G/Gabiley? Waa maxay sobobta ay uga gaabsadeen in ay ka hadlaan Siyaasiyiinta Deegaanka Gobolka ka soo jeedaa? Taageerada iyo soo dhawaynta Abtirsiinta ah ee Bulshadu Gobolka Gabiley u muujiyaan Murashaxa Xisbiga Kulmiye MUJ Muuse Biixi Cabdi in leeg ma ugu Hawl galaa G/Gabiley? Haday jirto in uu u hawl galay MUJ Muuse Biixi Cabdi oo aan mooganahay ma haysaa cadaymo ? Waa maxay sobobta ay Bulshada G/Gabiley u kala dhawaystaan G/Maroodi jeex iyo G/Awdal ? Yaa u maqan G/Gabiley ?

G/Gabiley waxaa dagan Beelo Walaalo ah oo Ehel iyo Gacalba ah iyadoo ay dagan yihiin Beelaha Sacad Muuse Galbeed, Beelaha Gadabuursi, Madigaan,Gurgure,Akisho iyo Beesha Gabooye waxaase iswaydiin mudan miyaanay wali dhalan Ducaqabayaashii soo gunaanadi lahaa Xafiiltanka Dhuleed iyo Siyaasadeed ee soo jiitamayay ilaa Xuriyadii Lixdankii ka hor  khilaafyadan oo ka dhashay Dhull Beereedka iyo Dhull Daaqsimeedka?

Xafiiltantanka dhanka Xuduuda Dhullka  iyo mid Siyaasadeed waxay sabob u noqdeen in ay Beelaha Sacad Muuse Galbeed ee G/Gabiley Mucaaradad Xoogan kala hor yimaadaan Hogaaminta Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin iyadoo Taageero Baaxadle ay siiyeen Madaxwayne Axmad Maxamad Maxamuud {Siiraanyo} oo ka soo jeeda G/Togdheer.

Waxaase iswaydiin mudan Ma Guulbay ka gaadheen mise  Khasaare ayaa ka soo gaadhay Taageeradii aan loo kala hadhin   ee Beesha Sacad Muuse Galbeed ee G/Gabiley ay la garab joogsadeen Xisbiga Kulmiye ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Axmad Siiraanyo oo Mudo Xileedkiisii dhamaatay mudo kordhintiina dhamaad ku dhaw  dahay ?

Ugu danbayn waxaan tabayaa Ducoqabayaashii Seeska u dhigi lahaa Higsi fog oo soo Gunaanada  Xafiiltanka Siyaasadeed iyo Khilaafyada Xuduudka Dhuleed ee caqabada ku noqday Siyaasad Dhaqan Dhaqaale oo aan Abtirsiin ku dhisnayn oo ay wadaagaan Beelaha Gadabuursi iyo Beelaha Sacad Muuse Galbeed.

Falanqaynta Bahda Qalin Maal Ee Gobolka Gabiley

COMMENTS
LINKS