Xeerka UCID-baa u Diidaya inuu Mar-3aad Musharrax Isku soo Taago Faysal, Xisbiguna Wuxuu Xisbi Qaran Ku Noqonayaa Marka Laga Badbaadiyo…? Qalinkii Mohamed Gacayte. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xeerka UCID-baa u Diidaya inuu Mar-3aad Musharrax Isku soo Taago Faysal, Xisbiguna Wuxuu Xisbi Qaran Ku Noqonayaa Marka Laga Badbaadiyo…? Qalinkii Mohamed Gacayte.
August 26, 2016 - Written by Editor:

“Gedgaddoonku Waa Kii Ku Riday, Goorihii Hore’e. Geeddiga In Hore Loo Wadaa, Guusha dhalin-layde”.

Faysal Cali Waraabe wuxuu si cad u jebiyey Xeerka Xisbiga Ucid, §Qoddobkiisa 27aad oo sheegaya in aanu Xisbiga u tartami Karin laba jeer wax ka badan Musharaxiinta Madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeenka. Waxanu laba jeer Doorashadda Madaxtooyadda Xisbiga Ucid uga soo qaybgalay laba jeer oo ku kala Taarikhaysnaa 2003-dii Doorashaddii Madaxtooyadda  taasoo lagaga guuleystay noqdaynaa shaqsigii ugu Codka yaraa Musharraxiintii tartantay Iyo doorashaddii u danbeysay ee dalka ka dhacday 2010-kii bishii Jun 26-keeddii, taasoo uu mar kale noqday Musharraxa ugu Codka yaraa Musharraxiintii u tartameysay Doorashadda Madaxtooyadda.

Faysal Cali waraabe waxa uu tartamay laba jeer oo uu Xisbigana usoo hooyey Guuldaro, waxana sidaasi kaga dhamaaday inuu markale isku soo taago Musharraxa Madaxweyne mar 3aad,  iyadoo ay ku caddahay §Qoddobka 27aad, sidoo kale qodobkaasi waxa uu waafaqsan yahay Dastuurka Somaliland iyo weliba Xeer 14-ka Asxaabta ee Doorashadda. Waxa kaloo qodobadaas ku lamaan oo aan meel looga gudbaa jirin heshiiskii Isbahaysi ee dib u noolaynta ee Xisbiga UCID kusoo baxay markii uu Burburay Xisbigii hore ee Ucid, heshiiskaa oo dhexmaray Isbahaysigii Xisbiga UDUB oo uu hoggaaminaayo Jamaal Cali Xuseen iyo sidoo kale Ucid oo Faysal Cali Waraabe lagaga tagay keligii. Sidii uu Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo gabay ku cabiray Xaaladii uu ku sugnaa Xisbigu waqtigaas, Waxanu yidhi:-

“Inagoo gawaan iyo fadhina, goobti laga yaacay
Inagoo gujiyo ciil qabnoo, ginina aan haynnin
Golihii WADDANI maalintii, uunku wada gaadhay
Oo gaag yar mooyee khalqigu, geesta kale aaday
Gurmadbaa rugtii UDUB ka yimi, geesi loo qiraye
La’aantood libtaan gaadhnay iyo, gool ma dhalan layne”

Heshiiskaa labada dhinac wada galeen oo hoggaanka Xisbiga si is-le-eg loogu qaybsaday xilalka Xisbiga sidoo kalena lagu kala qaatay Musharraxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Xisbiga iyo Gudoomiyaha midba dhinac qaatay, heshiiskaasi waxa dhaqan galkiisa loo qaybiyey laba qaybood oo kala ahaa in midna laga ansixiyo kalfadhi golaha dhexe yeeshaan midnaa lagu dhameystiro shirweyne, waxana isla xiligii heshiiska la galay la qaaday tallaabdii ugu horreysay ee dhaqangelisay heshiiskaa, iyadoo la iskugu yeedhay xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga Ucid, kuwaasoo ansixiyey Musharraxiinta Doorashadda Madaxweynaha Xisbiga Ucid uga qaybgalaysaa, waxanay dhamaantood Xilalka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka u doorteen Musharrax Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan, sidoo kale kalafadhigaas waxa lagu ansixiyey dhaqan galka heshiiskaa, iyadoo natiijadii kasoo baxday iyo lifaaqii heshiiska la geeyey dhamaan Hay’addaha dawliga ah ee qaran, tusaale ahaan heshiiskaa waxa la dhigay Guddida Ururradda Diiwaangelinta, Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah, Xeer ilaalinta Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka dalka.

Haddaba inagoo og inuu Xisbiga Ucid ka jiro khilaaf curyaamiyey oo u dhexeeya Gudoomiyaha Xisbiga iyo Musharraxa jagadda Madaxweynaha ee Xisbigaa, iyo weliba xubnaha xisbiga oo uu kala qaybiyey khilaafkani, waxa xusid mudan yaa sababay Khilaafka, muxuu’se salka ku hayaa, maxay ku garnaqday Guddida Diiwaangelintu, su’aalaha dhamaantood markaad u kuurgasho inaad jawaab u hesho, isla markaana aad weydiiso Kaaderiinta Xisbiga iyo weliba shacabweynuhu waxay kuu sheegayaan sababo la taaban karo oo ifinaaya halka uu kasoo baxaayo Xudunta Khilaafka Ucid inuu yahay Faysal Cali Waraabe.

Waxa ugu horeyn khilaafka keenay Damac cusub oo khiyaano ah oo ku dhashay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe markii Xisbigu ku guulaystay Doorashadii Golayaasha Deegaanka kana mid noqday Saddexda Xisbi Qaran, kaasoo damcay inuu Mar saddexaad isku soo taago Musharraxnimada Madaxtooyadda ee Xisbiga, waxanu Faysal si Cad iskaga Indho tiray Xeerka Xisbiga Ucid, Dastuurka Qaranka Somaliland iyo weliba Heshiiskii dhaqangalay ee Isbahaysiga Ucid ugu soo baxday xisbinimada, kuwaasoo uu dhamaantood dafiray. Sidoo kale waxa uu Khilaafka Xisbiga Ucid salka ku hayaa xaasidnimo iyo ragaadin uu Gudoomiyaha Xisbigu wehel la noqday, waxanu Faysal isku qaatay inuu Xisbiga keligii leeyahay, waxa uu gabi-ahaanbaa diiday inuu ku dhaqmo Xeerka Xisbiga iyo Heshiiskii Isbahaysi ee dhex maray. Waxa ku tagri falay awooddii Xisbiga, waxanu yasay awoodii Musharraxiinta, Gudoomiyaasha kale ee Xisbiga iyo sidoo kale xilalkii labada garab kala qaateen, waxanu dheg u jalaqsiin digniino uga yimi xubnaha xisbiga oo dhan, sidoo kale waxa uu si Cad u jabiyey Xeerka Xisbiga Ucid. Sida uu dhigayo.

Qoddobka 27aad ee Xeerka Ucid:
Musharaxiinta Madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeenka

1. Musharixiinta Madaxweyne iyo madaxweyn xigeen ee xisbiga waxa dooranaya Golaha dhexe ee xisbaga

2. Musharaxinimada jagooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka iyo xubinimada hogaanka sare ee Xisbigu waay kala madax banana yihiin

3. Xubinta shirwaynaha Xisbigu u doorto hogaanka sare ee Xisbiga uma banana in aay u tartan to musharaxnimada jagada madaxweynaha iyo ku-xegeenimada

4. Hadii xubin hogaanka sare ka tirsani damacdo in aay u tartan to musharaxnimada jagada madaxweyne iyo ku-xigeenka waa in xubintu iska casishaa xubinimada hogaanka sare ee Xisbiga mudo lix bilood ka hor ah kal-fadhiga Golaha Dhexe ku dooranayaan musharixiinta jagada madaxweynaha iyo kuxigeenka

5. Xubina looma sharixi karo musharax madaxweyne ama ku xigeen wax ka badan laba jeer.

Waxa kaloo xusid mudan, in uu Faysal Cali Waraabe si cad ugu olloleeyey Xisbiga Kulmiye Musharraxiisa, waxa kaloo iyana hore uu Warbaahinta uga sheegay Gudoomiyhuu inuu Musharraxiinta ka tartameysaa Xisbiyadda kale uu u olleynaayo hadii uu u arko inay hoggaaminta dalka ku haboon yihiin, arrimahaasina waxa uu Faysal Cali waraabe ku waayeya Xilka Gudoomiyenimada iyo xubinnimada labada, maadaama oo u si cad ugu ololleeyey Xisbi kale, waxana waayida Xilka iyo xubinimada sheegaya qodobka 8aad faqradiisa 8aad ee xeerka Xisbiga Ucid. “ Wuxuu ku waayi karaa xubinimada xisbiga mar uu si toos ah ugu ololeeyo Xisbi kale”. Waqtigan waxa lasoo gaadhay xiligii Faysal laga badbaadin lahaa Xisbiga Ucid maadaama uu yahay hanti qaran oo lawada leeyahay qofna kaligii sheegan karin.

Waxaan kusoo koobayaa Erayo Waano iyo Hogatusaalayn ah oo Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr u ujeediyey Faysal Cali Waraabe. Waxanu yidhi:-

“Gurgurshii ku qaadaad haddeer, gawrac leedahaye
Garabkaaga nimankii ahaa, eedda may geyine
Gacallow waxay mudan yihiin, gool in loo qalo’e
Gargaar bay ahaayeen u kacay, geeshkan reer UCIDE
Naf-hurkuu Jamaal geystay baan, goorna lumahayne
Waa tuu galbeedkana Rashiid, geeyay heegada’e
Cali-gurey xilkiisii gutaan, cidi giriifteene”

Ilaahay xaqa hayna waafajiyo

Mohamed Adam Gacayte.
Hargeisa/Somaliland
Gacayte09@hotmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS