Hayaanka Dimuquraadiyada Iyo Hogaaminta Dumarka Somaliland!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hayaanka Dimuquraadiyada Iyo Hogaaminta Dumarka Somaliland!!
August 26, 2016 - Written by Editor:

Qormadii 1aad ; Sooyaalka Siyaasadeed Ee Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Madaxtooyada Marwo KHadra X Gaydh.

Hayaanka dimuquraadiyadu waa nidaam hab Doorasho oo ay qaateen Wadamo badan oo Dunida guudkeeda ku yaala waana nidaam hab doorasho oo ay Bulshda qaybaheeda kala duwani Xuquuqdooda ka heli karaan Dalka S/land waxuu nidaamkan hab doorasho qaatay Sannadkii  2001 ka dib markii ay Bulshada S/land u codaysay Distoorka Qaranka Jamhuriyada S/land iyadoo doorashadii ugu  horaysay ee Golayaasha Deegaanku Dalka ka dhacday Maalin ku Taariikhaysan 15/12/2002 .

 

Iyadoo qormadan diirada ku saari doono Sooyaalka Siyaasadeed  ee Gabadhii Koowaad ee ka mid noqotay Golayaasha Deegaanka Dalka  gaar ahaan 21 Xildhibaan oo loo doortay  Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley waa Marwo Khadra X Ismaaciil Yoonis { Khadra X Gaydh }oo maanta  haysa Xillka Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada .

khadra xaaji geydh

Marwo Khadra X Ismaaciil Yoonis { Khadra X Gaydh } Aabaheed waa Maalqabeenadii ugu horeeyay ee  Bulshada Soomaaliyeed Magaciisu wada gaadhay sidoo kale Alle ha u naxariistee waxuu ahaa Aabeheed X Ismaaciil Yoonis { Xaaji Gaydh} Oday Samo Talisa oo hadal yaqaana isagoo Xaajigu ka mid ahaa Odayadii  Xoriyad doonka ahaa waxaana xusid in Xaaji Ismaaciil Yoonis { Xaaji Gaydh }uu ahaa Odaygii ku guulaystay in Gabiley gaadho Darajada Dagmonimo isagoo kaga  hadhay  Gudidii Sheekh iyo Shariifba lahayd ay Magaalada Muqdisho mudo Bilo ah u joogtay in Dagmonimada Gabiley ALLE ha u naxariistee {Xaaji Gaydh } waxaa ka hadhay  Kaftano Murti Xambaarsan oo taariikhda ku xusan  .

Sida ku cad Sooyaalka Siyaasadeed ee Marwo Khadra X Gaydh waxay ku qornayd Liiskii Murashaxiinta Ururkii Kulmiye  ee Madaxwayne Siiraanyo Aasaasay  NO 2 Liiska Murashaxiintiii Ururkii Kulmiye  ee loo gudbiyay Kumishanka Doorashooyinka Nassib wanaagna Marwo Khadra X Gaydh waxay ka mid noqotay Xilldhibaanada kaliya ee loo  doortay  Golayaasha Deegaanka Dalka halka Ururkii Kulmiye uu kaalinta Labaad u galay Ururadii ka qayb galay Tartankii Ururadii u tartamay in ay u soo gudbaan Darajada Xisbinimo .

Iyadoo Marwo Khadra X Gaydh ay sii libin laabtay in Xisbigii Kulmiye la barbar joogsato dadaalo xoogan oo ay ku xaqiijinaynayso sidii Xisbiga Kulmiye ugu guulaysan lahaa Hogaaminta Dalka waxaanay qayb wayn ka qaadatay kaanbaynadii uu Xisbiga Kulmiye u soo galay siduu u xaqiijin lahaa Hogaaminta Golaha Wakiilada waxaana hubaala in Doorashadii Golaha Wakiilada ee Dalka ka dhacday 29/9/2005 Murashaxii C/casiis Samaale oo ay si hagar la”aana ugu kaanbayn garaysay in uu ku guulaysto kana mid noqdo Shir Gudoonkii Golaha Wakiilada Maalin ku taariikhaysan 29/10/2005.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada Marwo Khadra X Gaydh waxay u tartantay Hogaaminta Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley iyadoo Maalin ku Taariikhaysan 13/3/2006 waxaana xusid mudan guul daradii ku dhacday  Xildhibaan Muxumad Ciise Cige {Toyota } oo kula tartamay iyadoo Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Dagmada Gabiley  loo doortay Marwo Khadra X Gaydh halka   Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Deegaanka halka Gudoomiyena  loo doortay Xuseen Muxumad Axmad   { Jameeco}.

Sida ku cad Sooyaalka Siyaasadeed ee Agaasimaha Guud Wasaarada Madaxtooyada  Marwo Khadra X Gaydh 11/5/2011 waxuu Wasiirkii Wasaarada Arimaha Gudaha DR Gaboose ku sime Maayar uga dhigay  Dagmada Gabiley ka dib markii Hanti Dhawrku  baadhis Xisaabeed ku sameeyay Maayarkii Waqtigaa Aadan Muxumad Bade kuna eedeeyay in uu ku kacay Musuqmaasuq inkasta oo Maxkamad la hor keenin eedayntiisana la soo bandhigin  .

Hogaamintu waa Galad Eebe waxaana  xusid mudan in Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada Marwo Khadra X Gaydh in ay  mudo 1o Bilooda oo Maayar ka ahayd Dagmada Gabiley  ay ku Talaabsatay Waxqabad Muuqda oo Diiwaanada ku qoran  waana sidan :

1:  Marwo Khadra X Gaydh waxay noqotay Maayarkii Koowaad ee dib u dhis iyo Balaadhin ku samaysay Xarunta Dawlada Hoose  ee Dagmada Gabiley waxaanay  dhistay Hoolka Shirarka Dawlada Hoose oo meesha ka saaray Kiradii ay Dawlada ka kiraysan jirtay Hotelada Magaalada.

2: Marwo Khadra X Gaydh waxay Wadooyin Shana ay ka dhistay Magaalada Gudaheeda oo Diiwaanka Waxqabadkeeda ku xusan .

3: Marwo Khadra X Gaydh waxay Kaalmo Lacageed ku dartay Mashaariic ka socotay Dagmooyinkii ka go”ay Dagmada Gabiley waxaanay  noqotay Maayarkii Koowaad ee Bulshada Dagmooyinka WAjaale iyo Alaybaday .

4: Marwo Khadra X Gaydh waxay samaysay Wado Laamay ah 500 Mitira oo dhex marta Magaalada Kalabaydh .

5: Marwo Khadra X Gaydh waxay iibisay Dhulka uu ka dhisan yahay Guriga Martida waxaana xusid mudan goobta  ay u doortay oo ah  goob ka duwan Dhulka kale oo Dhagxan waawayn oo isa saar saaran oo dabiiciya ALLE dhigay waxaana lagu Magacaabaa{ Dhagax Carabka}

6: Marwo Khadra X Gaydh waxay markiiba bilawday Dhismaha Guriga Martida hadii Laba Bilood Xillka hayn lahaydna oo Sannku u buuxsami lahayd waxaa hubaala in ay Xadhiga ka jari lahayd .

Marka Taariikhdu sidaa ka marag kacayso miyaan dafiri karnaa Hogaaminta Dumarku ku hanan karaan Xillka qaranka u hayaan ? Miyaan Xaqiri karnaa Kartida Dumarku ku Hugaamin karnaan Xillka Qaranka?

Ugu danbayn Madaxwayne Axmad Siiraanyo Marwo Khadra X Gaydh Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada 1/3/2016  waxaana hubaala in Dumarku hanan karaan Xillalka iyo Masuuliyada Qaranka oo aan looga baqanayn in ay ka soo bixi waayaan Xillalka Qaranka waxaanan Bulshada kula Dardaarmayaa in Hablaha Waqti Dheeraada la siiyo si kor loogu  qaado Aqoontooda iyadoo aynu arkaynu Hanka Dumarka Caalamka ee Madaxwaynaha gaadhsiisan .

ALLE ha ina garan siiyo

Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

 

COMMENTS
LINKS