Somaliland Qaran u Baahan Hogaaminta Jiil Cusub Oo Dhamaystira Hiigsiga Shacabka, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Qaran u Baahan Hogaaminta Jiil Cusub Oo Dhamaystira Hiigsiga Shacabka,
August 27, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA()  FAALO; Tan iyo Mudadii lagu dhawaaqay gooni isku taaga Jamhuuriyada somaliland oo hada laga joogo Mudo Shan iyo Labaatan Sanno ah waxay bulshada somalilnad ka soo gudbeen marxalado kala duwan inagoo ka xusi karna Dagaalkii Sokeeye ee dalka ka dhacay dabayaaqadii Sannadkii 1994 oo sabobay in mar kale Caasimada S/land bulshada dagan ka barakacdo iyo Sarif barar hoos dhac ku yimid Lacagtii cusbayd ee Shilinka S/land Sarif bararkaa oo sobobay in Xoolo dhaqatada,Beeralayda,Muruqmaalka,iyo dhamaan dadka aanay soo galin Lacagta adag ee Doolarku iibsan kari waayaan Raashinka Quutal Daruuriga ah.

YES HIIGSI 1

Maanta waxaa laga soo doogsaday dhibaatooyinkaa kor ku xusan waxaana u muuqda dadka Magaalooyinka S/land ku dhaqan in Horomar lagu Talaabsaday oo ay dalka ka socdaan Dhismayaal Wadooyin sida Jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, Dhismayaal ku soo jiita oo Bilicleh oo Dawlada S/land Dhistay sida Dhismayaasha Wasaaradaha iyo Dhismayaasha ay Maalqabeenadu ka dhiseen Faras Magaalaha Caasimada iyo Magaalooyinka waawayn sidoo kale waxaa Hadh iyo Habeenba socda dhismayaasha Hutelada Casriga ah ee Hargaysa iyo Magaalooyinka waawayn laga dhisayo,

Balse waxay Shacabka Somaliland tabayaan in ay gaadhaan himilooyinkoodii oo ay ugu horayso dalkani in uu noqdo Qaran dhamaystiran oo isku dheeli tiran oo ay shaqaynayaan Shuruucdiisu iyadoo Madaxdiisu Shacabka ku hogaamiso Sharciga iyo Xeerarka Dalka taasi oo meesha ka saari karta duruufaha qalafsan ee caqabada ku ah ku dhaqanka Xeerarka iyo Shuruucda Dalka oo fure u noqon Cadaalad dhanka gorsoorka.ah oo Dadwaynuhu helaan iyadoo dhamaan arimahaasi aan kor ku soo xusnay ay yihiin kuwo ka dhex guuxaya Maskaxda Qof kasta oo  Bulshada Somaliland ah. iyadoo ay Dadka Siyaasada odorasaa caqabadaha hortaagan Somaliland ay la xidhiidhiyaan dhanka siyaasiyiinta iyo xubnaha safka hore ugu jira Hogaaminta Dalka Somaliland oo dhamaantood ah kooxo la soo shaqeeyay Kalidii Taliyihii siyaad Bare ilaa Gumaysigii Ingiriiska waxayna dhamaan ka siman yihiin Curin la”aan dhanka Siyaasada iyo Hogaaminta ah sidoo kale waxay ka siman heshiisna ku yihiin in aan saaxada Siyaasada soo gali Karin Qof han leh iyagoo si wada jira  ula Dagaalaman in ay Safka hore soo galaan xubno Aqoonyahan iyo Jiil Cusub oo u heelan dhamaystirka shuruucda uu dalkani u baahan yahay si Bulshada Somaliland u gaadho wixii ay u soo halgameen.

Waxaana hubaala in Jiil Cusub oo Saaxada Siyaasada soo gala oo Dalka S/land u horseedi kara in uu noqdo Qaran Beesha Caalamka Aqoonsato iyadoo aan hoosta ka xariiqi doono dhawr qodob oo muhiima oo tilmaamaya in Hogaamiyayaasha siyaasada somaliland ee waqtigan ay yihiin Siyaasiyiin hore loo soo Tijaabiyay iyagoo hadba Shaadh soo xidha .

  1. Siyaasiyiin aan Curin lahayn oo Damaca Kursiga iyo Dookha wadaaga

2 : Xisbiyo aan isku qabsan Danta Qaranka iyo Danta Bulshada balse isku khilaafa Wakhtiga Doorashada ama Arimaha Doorashooyinka.

 

3: Siyaasiyiin ka siman oo ku heshiisa la Dagaalanka iyo Diidmada in siyaasada somaliland ay hogaaminyaan Jiil Cusub oo Aqoonyahan oo Jidka guusha ku hogaamiya Bulshada S/land.

4: Hogaamiyayaasha Siyaasada ee maantu waxay ka siman yihiin Guurguurka Xisbiyada S/lnad iyagoo kolba ka dantiisu ku jirtu ka mid noqda.mar hadayna lahayna fikir Siyaasiya oo ay ku kala duwan yihiin.

5: Hogaamiyayaasha Siyaasada ee maantu waxay ka siman yihiin in ayna hoos u eegin isku dheeli tirnaan la”aanta Bulshada S/land sida nolosha Bulshada Miyiga iyo nolosha Bulshada Magaalooyinka oo aad u kala saraysa.

6:Hogaamiyayaasha Siyaasadu ee maantu waxay ka siman yihiin ka Raali ahaanshaha Jiritaanka ku shaqaynta Musuqmaasuqa iyagoo aan hoos u eegin nolosha Qoysaska Milatariga.

Qodoboda aan kor ku soo xusnay iyo qaar kale oo badan waxay gabi ahaanba Caqabad ku noqdeen hore u socod dhanka Maamul Wanaaga ah oo Dalka Somaliland laga hirgaliyo taasi oo xiligan ay Shacabka Somaliland keentay in ay aad u daneeyaan in ay helaan  Hogaan Siyaasiya oo ka aragti duwan Siyaasiyiinta Maanta iyo Jiil Cusub oo isku xilsaara ka shaqaynta danta guud oo ah meesha kaliya e xiligan u banaan Muwaadinka ka Damqanaya waxaana Tusaale inoogu Filan kala duwanaansho la”aanta Murashaxiinta xiligan doonaya in loo doorto Kursiga Dalka ugu sareeya iyadoo ay muuqato in aanay keenayn Mustaqbalka dhow Himilooyinkii loo soo Halgamay iyadoo dhacdooyinkani ka Marag kacayaan in la gaadhay Waqtigii laga doodi lahaa ee la gorfayn lahaa sidii la isku waafajin lahaa Hiigsiga Shacabka S/land  Iyo siyaasiyiinta hore loo soo Tijaabiyay ee Damaca Kursigu Wado.

Dhanka kale Bulshada Somaliland waxay xiligan u Haraadan tahay cid si Mutawacnimo ah uga shaqaysa adeegyada danta guud oo Bulshada tusta Kursiga ka hor in ay yihiin Jiil Cusub oo u heelan dhamaystirka Higsiga Bulshada S/land .

Waxayse iswaydiintu tahay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Murashaxa xisbiga Ucid ee xiligan oo ay hadheeyeen duruufaha Dagaalka Siyaasiyiinta diidan in cidi ku soo korodho Saaxada Siyaassda Somaliland iyo doonista Kursiga Madaxwayne. si uu uga midho dhaliyo Higsigii Shacabka loona helo Jiilka Cusub oo u heelan in uu Aqoontiisa iyo Waayo Aragnimadiisa uu meesha kaga saaro Caqabada hortaagan in la helo Maamul Wanaag iyo Jiil Cusub oo  bilaaba  kana shaqeeya Danta guud si Mutadacnimo ah ?

Isku soo wada duubuu Somaliland waa Qaran u baahan Hogaaminta Jiil cusub kuwaasi oo ka midho dhaliya Hiigsiga Shacabka iyo Himilooyinka Somaliland,

QALINKII ;Bahda  Dhalinyarada Somaliland Ee HIIGSI

MUWAADIN FIKIRKAAGU WAA MUHIIM KUNA SOO HAGAAJI ARAGTIDADA

CIWAANKA; HIIGSI00@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS