FALANQEYNTA: Habeenkii Maayir Soltelco ee Barnaamijka Qanci Dadkaaga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
FALANQEYNTA: Habeenkii Maayir Soltelco ee Barnaamijka Qanci Dadkaaga.
August 27, 2016 - Written by Editor:

Goobtu waa Green Plaza oo ah Huteelada bilicda wanaagsan ee  Magaalada Hargeysa, Habeen Sabti ay sii baxayso oo Axad lasoo dhaweynayo, Taariikhduna waa 20 August 2016 . 7:00 fiidnimo mar ay ku beegantahay ayaa waxaa hoolka huteelkaasi iska soo xaadiriyey dhalinyarta magaalada Hargeysa oo iskugu jira rag iyo dumar.

Waxaa hoggaaminayay dhalinyarta madashaasi timid agaasimaha HCTV oo ku marti qaaday barnaamij la yidhaahdo QANCI DADKAAGA oo lagu soo marti qaado masuuliyiinta dawlada ka tirsan si ay bulshadu ula xisaabtanto.

Waxaa Habeenkaasi marti ku ahaa Barnaamijka Maayirka caasimada Hargeysa oo marar hore ka baaqday Madashan lagu martiqaaday, duruuffo badan oo uu sheegtay awgeed sida uu Wariyihii barnaamijka daadihinayay sheegay.

Aqoonyahan, siyaasi, macalimiin sare, maamulayaal, iyo shacabka magaalada Hargeysa noocyadooda kala duwan ayaa kasoo qaybgalay oo fadhiyay madasha su’aalaha lagu waydiinayay Maayirka caasimada Hargeysa iyagoo fursad u arkayay inay caawa waydiin karaan su’aalo badan oo ay la gaadhi waayeen islamarkaana ka dhex guuxayay Uurkooda.

Maayirka caasimada waxaa ku wehelinayay inuu madasha yimaado baddi shaqaalaha dawlada hoose oo kasoo qaybgalay Madashan si ay ugu sacaba tumaan marka uu ka jawaabo su’aalaha laga waydiiyo shaqadiisa.

Agaasimaha HCTV oo ah daadihiyaha Barnaamijka QANCI DADKAAGA waxaa uu martidii kasoo qaybgashay madashaasi u akhriyey Nolosha iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo  maray Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo aad u kooban maadaama uu doonayay inay wakhti fiican isku helaan shacabka, waxaana Makrafoonka lagu wareejiyay Duqa magaalada Hargeysa, waxaa uu ka sheekeeyay Waxqabad ay qabteen golaha uu afhayeenka u yahay Mudadii 4sano ee ay xilka hayeen.

Waxqabadkaasi waxaa ugu waynaa waxaanu sameynay Ciidamada Damdamiska, waxaanu soo iibinay qalabkii ugu balaadhnaa ee lasoo iibiyo intii ay jirtay Somaliya ama Somaliland.

Muddo 16 miridh oo Cabdiraxmaan Soltelto martidii madashaasi joogtay u khudbadanayay waxaa laga qaaday makrafoonkii iyadoo marti sharaftii lagu wareejiyay Kamaradii si ay su’aalaha u waydiiyaan Maayirka Caasimada oo ay bulshadii halkaasi joogtay si wayn u sugayeen kulankiisa.

Dad badan oo gacanta kor u taagay si ay maayirka su’aal u waydiiyaan waxaa Su’aashii kowaad noqday nin aan ku qiyaasay da’diisa 50-55jir waxaa uu waydiiyay su’aal aad u fiican laakiin Maayirka Caasimada kama helin jawaabtii su’aasha uu waydiiyay.

Qof maayirka kaga cabanayay Xafiiskiisa iyo mid arki waayayba su’aalo dhawr ah oo maayirka caasimada la waydiiyay waxaa ay noqdeen kuwo aan si sax ah looga jawaabin oo uu maayirku toos u abaarayay qofkii su’aasha waydiiyay ama uu dib ugu celinayo su’aashii isaga la waydiiyay.Su’aalo Muhiima oo ay bulshadii madashaasi la boobeen Cabdiraxmaan Soltelco. waxaa ay madashani noqon wayday sidii ay bulshadu ugu soo tallo galeen kadib markii koox uu maayirka caasimada hoggaaminayay oo ka mid ahaa shaqaalaha dawlada hoose ay sacab guulwadeyn u muuqday Goobta ka joojin waayeen, isagoo maayirkuna ku faanay inay horfadhiyaan oo ay la socdaan shaqaalihii dawlada hoose badankoodu.

Hoggaamiye waa  mid ay bulshadii soo dooratay la garab istaagto inuu caynaanka usii hayo marka ay u bogaan horumarka iyo waxqabadka uu sameeyay mudada uu xilka hayay balse Madashii Green Plaza ee Cabdiraxmaan Soltelco iyo bulshada Hargeysa ay is horfadhiisteen waxaa uu noqday mid  dadka inta badan kaga dalbanayeen inuu xilka iska wareejiyo maadaama uu ku fashilmay hab maamulkii dawlada Hoose ee Hargeysa mudaddii 4sano ee uu maayirka ka ahaa caasimada Hargeysa, Duqa Caasimada Hargeysa tiraba ilaa shan qof oo usoo bandhigay inuu iscasilayo maadaama uu xilkii kasoo bixi waayay waxaa uu ugu jawaabay isma casilayo ee waan shaqeynayaa.

Su’aalihii xiisaha lahaa ee habeenkaasi maayirka Caasimada Hargeysa ku margaday oo uu garan waayay waxaa uu kaga jawaabo balse aan annigu ogahay runta waxaa ka mid ahaa.

  1. Guriga aad degantahay waxaa kiradiisa bixisa Dawlada Hoose ee Hargeysa? Maayirku waxaa uu ku jawaabay ma bixiso oo lacag ay leedahay dawlada hoose laguma bixiyo, laakiin waxay runtu tahay oo aan ogahay islamarkaana masuuliyiin dawlada hoose ka tirsan hadday noqoto Xoghaye, xildhibaan iyo Maamul lacageedba ii sheegeen in Maayirka caasimada, ku xigeenka iyo xoghayaha dawlada hoose oo la isku yidhaahdo guddida Fulinta ay dawlada hoose ee Hargeysa bixiso, Kirada Guriga ay deganyihiin,Nolol maalmeedkooda maalin walba, shidaal gawaadhida u shaqeysa Guryahooda iyo lacago gunno ah oo ay maalin walba qaataan oo aan ku jirin Mushahar ay bishii ka qaataan dawlada Hoose ee Hargeysa.
  2. Miisaaniyada Dawlada Hoose oo sax ah noo sheeg?

Sida ay ii xaqiiyeen masuuliyiin dawlada hoose Hargeysa hoggaan sare kasoo noqday waxay sheegeen in lacagta dawlada hoose Hargeysa soo gashaa ay magaalada Hargeysa ka dhigi karto sida uu maayir Soltelco Sheegay ee Stocholm oo kale haddii si fiican oo daacad ah loo maamulo.

  1. Dano gaar ahaaneed miyaad u isticmaashey Hantida ummada kusoo dooratay?

Jawaabtii Maayirka “ May walaahi oo bilaahi oo talaahi” haa maayirku waa uu u adeegsaday laakiin ilaaha Lagu dhaaranayaa maanta dadka lama xisaabtamayo oo tiisu way dambaysaa, waxaana tusaale fiican idiin ah maayir Soltelco waxaa uu sheegay in aanu waligii tagin dalka dibadiisa isagoo shaqo u tago mooyee, haddii aanu isagu tagin waxay su’aashu tahay yaa kaxeeyay caruurta aad dhashey maayir?

 

Intii ay socotay madashadan Guddoomiyaha golaha deegaanka Hargeysa waxaa ay martidii barnaamijka ka soo qayb gashey ka codsanayeen masuulkani inuu su’aalaha si degan oo ixtiraam leh uga jawaabo oo aanu iska xanaajin maadaama ay iyagu doorteen oo ay la xisaabtamayaan.

 

Madashani waxyaabihii ay kaga duwanayd kulanadii hore ee lagu soo marti qaadi jiray masuuliyiinta waxaa ka mid ahaa.

  1. Masuulkii lasoo marti qaaday oo su’aal kaliya sidii saxda aheyd aan ummadii uga jawaabin.
  2. Xanaaq badan oo ka muuqday Maayirka Caasimada Hargeysa.
  3. Guulwadayaal Badan oo maayirku kusoo dhex daadiyay marti sharaftii su’aalahana la qaybsanayay Bulshada kale.
  4. Maayirka oo wariyaha u haystay inuu colaadinayo.
  5. Kalsooni la’aan ka muuqatay Duqa Caasimada Hargeysa.
  6. Hoggaamin la’aan haysatay Duqa Caasimada oo u jawaabay kari waayay boqolaal qof oo uu maamulo.
  7. Ku takri falka Hantida shacabka oo uu maayirku cadeeyay maadaama uu sheegay inaanu waxba u arag $3000 oo qado sharaf ugu sameeyo dad lacag leh oo aan uga baahnayn hadhimo sharafeed, Marka aan sidaasi leeyahay kama xumi in dadka gobolka uu sheegay casuumad loo fidiyo ama lasoo dhaweeyo laakiin waxaa kasii fiicnaan lahayd inuu $3000 dugsi ku yaalla Buuhoodle ama MCH uu ku qalabeeyo si ay bulshadu u munaafacaadsato, balse maayirka sidan ayaa qurux u noqotay, Waa iska xaal Aduun.
  8. Masuuliyad daro iyo hogaamin la’aan uu cadeeyay duqa Caasimada Hargeysa waayo? Waxaa uu sheegay in muhiimada ugu wayn ay saarayaan gaadiidka mara wadooyinka balse aanu xil iska saarin Ganacsatada Wadhatada ah “ Bilicdoon iyo Bariis Doon”.
  9. Maayirku waxaa uu cadeeyay in awooda dawladnimo ee Somaliland ay ka hooseyso la xisaabtan ganacsatada taasina ay muujisay tuhun badan oo bulshadu ka qabtay inay ganacsatadu maamusho Somaliland.
  10. Maayirku waxaa uu madasha ka cadeeyay Qorshe la’aanta dawlada Hoose ee Hargeysa, maadaama aanu bulshada usoo bandhigin, wakhtiga iyo maalinta la qabanayo mashaariicda uu sheegay.
  11. Madashaasi waxay ahayd madal beentu xalaal ka noqotay oo runtu dulmi ka ahayd , waayo? Maayirku waxaa uu iska difaacayay wax habeen iyo maalinba taagan magaalada Hargeysa oo ah dhib haysata Bulshada Caasimada.
  12. Maayirku waxaa uu damcay inuu makrafoonka kala wareego wariyaha, taasi oo bulshada tusaysay masuuliyada masuulkan.

Gabagabadii, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo markii horeba ku fashilmay hoggaaminta dawlada Hoose ee hargeysa waxaa habeenkaasi noqday mid siyaasada mustaqbalkiisa wax yeelo wayn u gaystay oo aanu bulshada mardambe cod waydiisan karin.

Martidii habeenkaasi kulankan kasoo qaybgashey waxay u ahayd habeen la caayey oo lagu ciyaaray  Caqligooda waxaanay goobta ka baxeen iyagoo qof waliba hoosta iska waydiinayo  maxaa ku keenay meeshan?

 

 

Ilyas Abdi Ali.

Ilyasdable1994@gmail.com

Facebook.Ilyas Abdi

COMMENTS
LINKS