WAA KUMA JAMAAL CALI XUSEEN – Taariikh Kooban Oo Laga Diyaariyey: | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAA KUMA JAMAAL CALI XUSEEN – Taariikh Kooban Oo Laga Diyaariyey:
August 27, 2016 - Written by Editor:

Jamaal Cali Xuseen waa Musharaxa Madaxweynaha ee Rasmiga ah ee Xisbigga Cadaalladda Iyo Daryeelka ee UCID

TAARIIKH GUUD

Jamaal Cali Xuseen waxa uu dhashay sanadkii 1965kii, Waxana uu ku dhashay magaaladda Hargeysa. Waxbarashada dugsiga hoosena waxa uu ka bilaabay magaalada Sheekh ee gobolka Saaxil. Waxbarashadiisii waxa uu soo maray gobollo faro badan oo ka tirsanaa dalkii Somalia oo uu Aabihii General Cali Xuseen u raaci jiray hadba meeshii loo badelo. Goboladaasi waxaa ka mid ahaa Beled-weyne, Gaalkacayo, Garoowe, Dhuuso-Mareeb, iyo Muqdisho. Waxbarashada dugsiga sarena waxa uu ku dhamaystay magaalada Hargeysa ee gobolka Maroodi Jeex isagoo soo maray dugisayadda sare ee Faarax oomaar iyo Sheekh Ibraahim Sheekh Madar (ex Gacan Libaax), iyo weliba dugsigii sare ee Sheekh.

Jamaal Cali Xuseen waxa u haystaa waaya aragnimo shaqo oo ka badan 25 sanadood oo uu ka soo shaqeeyay in ka badan 13 wadan oo dunidda ka mid ah qaaradaha Amerika, Yurub, Latin America, Carribeanka, Asia, Middle East (Bariga dhexe), iyo qaaradda Afrika, isagoo soo kala maamulay dad aad u tiro badan oo leh jinsiyaddo badan oo kala duwan. Intaanu siyaasadda soo gelin waxa uu ka shaqeeynaayey Bangiga ama Baanka weyn ee Citibank ee dunida ugu weyn ee laga leeyahay dalkaasi Maraykanka (USA), qaybtiisa Bariga Afrika ee waddankaasi Tanzania iyo Barigga Afrika oo uu ka hayey jaggadda ugu sareysa Chief Executive Officer (CEO), ama masuulka ugu sareeya. Waxa uu shaqadiisii uga yimid inuu hogaanka siyaasadda ka qayb galo uguna faa’iideeyo ummadda reer Somaliland khibradiisa waayo aragnimo ee Maamul caalami, iyo Dhaqaale. . Tiraba 5 jeer ayaa la siiyey Jamaal Cali Xuseen Abaal Marino caalami ah oo uu ku guuleystay kartidiisa iyo khibradiisa hogaan, ka dib markii Baankii uu hogaaminaayey uu tartankii Bankiyaddii Qaaradda Africa ka galay kaalinta koowaad. taasoo ay sabab u ahayd kartida, hogaaminta hufan, iyo maskax furnaanta Jamaal Cali Xuseen.

Waxa uu Jamaal kaalin mug leh ka qaatay koritaanka dhaqaale ee wadamadaasi uu ka soo shaqeeyey, isagoo saaxiibtinimo iyo wada shaqeyn dhow ka helay dhamaan madaxda wadamadaasi kuwooda ugu sareeya hadday tahay Madaxweyne iyo Wasiir Maaliyadeedba.

WAXBARASHADDA

——————————–

Jamaal Cali Xuseen wuxuu uu ka qaatay shahaadadda digriiga labaad ee Masters Degree isagoo ku takhasusay- Maamulka, Maareeynta, Dhaqaalaha, iyo Baayacmushtarka. Digriigaana waxa loo yaqaanaa Master of Business Administration (MBA), waxana uu ka qaatay jaamacadda ugu caansan dalkaasi Maraykanka kana mid ah kuwa dunnida ugu horeeya ee loo yaqaan Harvard University. Jaamacadaas oo ay badanaaba ay ka soo baxaan hal-doorka madaxweynayaasha dalka Maraykanku sida madaxweyne Obama, iyo tiradda madaxweynayaashii ugu badnaa ee dalka Maraykanka soo xukumay. Jaamacadaas “Harvard University”, waxa uu ka qalin jebiyey bishii June, sanadkii 1997kii. Jamaal Cali Xuseen markii uu galaayey Jaamacadaasi waxa uu tartan la galay 25 kun (25,000) oo qof oo ka mid ah ardaydii dunidda ugu wanaagsaneyd, halkaasoo ugu danbeyntiina uu ka mid noqday sideed boqol (800) oo qof oo laga xushay 25,000 kii kun ee qof ee tartanka galay. Jamaal Cali Xuseen sannadkii labaad ee uu Jaamacadaasi dhiganaayey wuxuu ku guuleystay Fellowship (scholarship) la siiyo arday qudha (hal arday) oo ka soo jeedda waddamadda soo koraaya, isagoo la tartamay ardayddii ka socotay qaaraddaha Africa, latin America, Asia, iyo Middle East. Ardaydaasi tartamaayey waxa loo eegaayey xagga imitixaanadda, iyo hogaaminta Mustaqbalka wadamadoodda. Jamaal Cali Xuseen isla Jaamacadaasi Harvard University waxa uu kaga qayb galay tartan doorasho oo uu ku soo baxay inuu noqdo ninka Maaliyadda u qaabilsan ururka Ardayda Maraykanka Madow (African American Student Union). Shahaadadiisii Jamacadeed ee digriiga koowaadna Bachelor of Science (BSc) wuxuu ka hantiyey Machad Jamacadeedkii Maamulka iyo Maaraynta ee loo yiqiin SIDAM ee Muqdisho ku yaalley, macadkaasi oo ku lifaaqnaa Jaamacaddahii dalka Maraykanka ee kala ahaa State University of California (Fresno), iyo State University of NewYork (Albany) halkaas oo uu ka bartay Maamulka iyo Xisaabaadka (Accounting and Management) isagoo kaga qalin jebiyey darajo aad u sarraysa. Jamaal oo ka mid ahaa ardaydii ugu sarrayn jirtey imtixaanaadka, waxa loo qaatay in uu macallin noqdo ka dhiga Xisaabaadka (Accountancy) isla machad Jaamacadeedkaa SIDAM isagoo da’diisu markaasi ahayd 21 jir, welina aan kaba qalin jebin jaamacaddaas uu ka aflaxay, taasna wuxuu ku mutaystay darajooyinkii uu imtixaanaadka ka gaadhay.

Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu wax ku bartay Jaamacadda dalka maraykanka ee Bentley University, kuwaasoo qaabilsanaa canshuuraha iy sharciyadda ganacsigga. Jamaal wuxu kaloo hantiyey shahaadadda ugu sarraysa Cilmiga Xisaabaadka Maraykanka oo uu dalka Maraykanka ka qaatay sanadkii 1994kii, isaga oo haysta warqadda oggolaanshaha (Licence) ee lagu fuliyo hawlahaas ee dalka Maraykanka, gobolka Massachusetts. Shahaadadaas muhiimka ah oo loo yaqaan CPA (Certified Public Accountant), taasoo micnaheedu yahay “Xisaabyahankii la xaqiijiyey”, ka dib markii uu imtixaankeedii adkaa ee ay boqolkiiba 20% ku baasaan uun uu ka gudbay oo uu baasay, shuruudihii adkaana dhamaantoodba ka soo baxay. Jamaal Cali Xuseen ilaa yaraantiisii waxa uu ahaa arday ku fiican tacliinta oo kaalimaha hore ee ugu sareeya ka gali jiray meel kasta oo uu jooggay hadday tahay waddanka gudahiisa iyo dibadiisaba.

WAAYA ARAGNIMADDA SHAQO

————————————————

Jamaal waa Banker iyo Dhaqaalayahan, iyo Hogaamiye “baxdaw” ah oo u tallawsan soohdimaha caalamiga ah oo haysta waaya aragnimo ka badan 25 sanadood, toosna uga soo shaqeeyey 13 waddan oo lix qaaradood ku kala yaalla. Jamaal wuxuuna ka mid ahaa madaxda ugu sarraysa Baanka isna caalamiga ah Citibank ama Citigroup oo ka mid ah bunuugta ugu waaweyn ee laga leeyahay waddanka Maraykanka iyo Caalamkaba. Intaanu siyaasadda toos u soo gelin, Jamaal Cali Xuseen wuxuu markii ugu danbeysay u fadhiyey bangigaas dalka Tanzania ee Geeska Afrika isagoo ah qofka ugu sarreeya Baanka qaybtiisa aagaasi, waxaanu ka mid ahaa boqolka (100) qof ee ugu sareeya caalamka oo dhan iyadoo ay Bangigaasi ka shaqeeynayeen shaqaale lagu qiyaaso 350,000 oo qof ayuu ahaa 100 ka qof ee ugu sareeya. Waana mid uu ku gaadhay kartidiisa, aqoontiisa, iyo hawl karnimadiisa xagga hogaaminta iyo ka midho dhalinta mashaariicda waaweyn ee dhaqaalaha ee uu Baanku ku guuleystay. Hore waxa uu uga soo shaqeeyey dalal badan oo ay ka mid yihiin, USA, Britain, Indonesia, Poland, Saudi Arabia, Kenya, Mexico, Ivory Coast, Bahamas, Ireland, Trinidad & Tobago, Turkey, iyo Tanzania. Jamaal Cali Xuseen waxaa la siiyey abaalmarino caalami ah o xagga Bankiyada ah maadaama Bankiyaddii uu maamulaayey ay noqdeen kuguu ugu fiicnaa qaarada Afrika. Guushaasoo Baankii uu maamulaayey uu kaalinta koowaad ka galay Baanankii tirade badnaa ee waddankaasi ku tartamaayey..

Jamaal mar walba waxa uu ka mid ahaa haldoorka xagga dhaqaalaha ee waddamadaasi isagoo mar walba ku jiray Guddida ugu sareeysa ee xagga dhaqaalaha ee waddamadaasi ee la talisa dawlada arrimaha dhaqaalaha; meelahii ugu danbeeyey ee uu Board member ama guddida ugu sareeysa ku jiray waxa ka mid ahaa, Economic Round-Table( golaha miiska dhaqaalaha), American Chamber of Commerce (Rugta ganacsiga ee Maraykanka), iyo University of Dar es Saleem (Jaamacadda Darasalaam). Jamaal wuxuu kaalimo hor leh oo xagga dhaqaalaha ah ka soo qaatay waddamadii uu ka soo shaqeeyey, waxaanu ka helay amaan badan dawladahii uu la soo shaqeeyay. Jamaal tiraba waxa uu Board Member (golaha ugu sareeya) ku soo jiray ilaa iyo 45 company ama hay’adood, oo ka soo kala jeedda ilaa iyo 13 waddan.

Jamaal intii aanu gelin xagga Bankiyada waxa uu waddanka Maraykanka bilowgii 1990kii ka bilaabay shaqadda Hantidhowrka isagoo u shaqeeyn jiray shirkadda Caalamiga ee ka mida ah kuwa ugu waaweyn dunidda xagga hantidhowrka qaabilsan ee la yidhaa “PriceWaterhouse Coopers”. Isagoo ka gaadhay heer Maareeye. Waxaanu Ka shaqeeynaayey sanadihii 1991-1995 kii. Jamaal wuxuu baadhis hanta-dhowr ku soo sameeyey ganacsiyo iyo shirkado aad u bal-balaadhan oo ay ka mid yihiin tusaale ahaan kuwa khuseeya dhinaca Caafimaadka (Hosiptals), Warshaddo, Bankiyo, shirkado Beero leh, shirkado dhisamayaasha ah, dekaddo, iyo warshadaha laydhka, biyaha, kuwa combuteradda sameeya, iyo kuwa caanaha lagu sifeeyaba. Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu ka soo shaqeeyey Baanka weyn ee la yidhaahdo “ State Street Bank” oo uu qaabilsanaa dhinaca Maal-gelinta sanadihii 1989 kii – ilaa 1991 kii. Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo ka soo shaqeeyey shirkadda weyn ee la yidhaa Harborside Healthcare ee dalka Maraykanka oo xagga caafimaadka iyo dhakhtaradda ku takhasustay.

Jamaal Cali Xuseen waa qoraa wax ku qora luqaddaha Af Ingiriisiga iyo Soomaaligaba. Waa Abwaan, hal-abuur tixda iyo tiraabtaba curiya oo leh suugaan faro baddan oo uu isagu sameeyay. Jamaal Cali Xuseen waxaa qaayihiisa laga dhex hilaadin karaa horumarkiisa qofnimo ee uu ku tallaabsaday maanta iyo hormuudnimadiisa la-higsadenimo ee uu ku mutaystay inuu noqdo madaxa Banki ka mid ah kuwa caalamka ugu weyn qaybahiisa wadamo waaweeyn oo ka mid ah caalamka; iyo musharaxnimadda uu ka gaadhay siyaasadda Somaliland isagoo wakhtigga uu ku jiray ay yar tahay.

KAALINTIISII CIYAARAHA (SPORTSKA), QORAALKA IYO SUUGAANTA

—————————————————————————

Jamaal waxa uu sanadadii 1980-naadkii horaantiisii mar ahaan jirey xiddig ka dhex ifaayey fagaarayaasha Kubbadda Tennista ee dalkii Soomaaliya. Saddex goor ayuu hantay horyaalnimada keli-kelida (Singles title) oo uu kaalinta koowaad ee kubbaddaasi tartankii ciyaarihii gobollada ee dalkii Soomaaliya oo dhan uu kaalinta koowaad ka galay saddex sanadood oo isku xiggay. Jamaal aad ayuu u da’yaraa una safnaa Goboladdii Waqooyi Galbeed ee Hargeysa, iyo Tog-dheer, xilliggii ugu horeysay ee uu koobka qaadayna waxa ay da’diisu ahayd 16 jir. Jamaal markii danbe wuxuu ku biiray ciyaarihii heerkii koowaad ee dalkii Soomaaliya. Isagoo noqday ciyaartoy mushahar lagu siiyo ciyaarta (professional player) isagoo u safan jiray naadigii Badda ee ka dhisnaa magaaladda Muqdisho.

Jamaal Cali Xuseen waa qoraa (writer) ah oo wax ku qora luqaddaha Af Ingiriisiga iyo Soomaaligaba. Jamaal Cali Xuseen sidoo kale waa Abwaan, hal-abuur tixda iyo tiraabtaba curiya oo leh suugaan faro baddan oo uu isagu sameeyay.

KAALINTII DIBUDHISKA QARANKA

Jamaal Cali Xuseen shakhsiyan waxa uu kaalin mug leh ka soo cayaaray dibu-dhiskii iyo horumarintii dalka, siiba badhitaaridda dhismayaasha dugsiyada waxbarashada, gunnaynta macallimiinta iyo taakulaynta ardayda xagga dhaqaalaha oo uu bil walba jeebkiisa ka bixinaayey muddo 15 sanadood ah. Waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka tiradda yare e Iskuul dhan keligood dhisay isagoo dugsi hoose/dhexe maal geliyey oo ka dhisay magaaladda Burco kaasoo manta ay ka soo baxeen arday tiro badani. Jamaal Cali Xuseen wuxuu ku faani karaa inuu yahay siyaasigga qudha ee arday dibadda u diray oo jeebkiisa ka bixiyey iyagoo ay qaarkood noqdeen Dhakhaatiir dalka dibadiisa wax ku soo baratay oo manta ka hawl gala dalka gudahiisa. Waxaa muhiim ah in aanu Jamaal ardaydaasi u eegin reerkoodda ee ay tartan u galeen; markuu ka bixinaayeyna aanu garaneynin qabyaalad ahaan haybta ay ka soo jeedeen. Maaha ciyaar in qof aanad garaneynin inuu 5 sanadood oo Jaamacad Dhakhtarnimo ah kaa bixiyo.

Inkastoo uu Jamaal Cali Xuseen waddanka dibadiisa ka shaqeeynaayey, waa shakhsi u dhuun daloola waddanka kaalin mug lehna ka soo qaatay dibu dhiskii qarankan Somaliland ilaa maalintii lagu dhawaaqay 1991kii. Jamaal Cali Xuseen wuxuu ka mid yahay asaasayaashii ururkii Somaliland Forum ee mashaariicda tiradda badan ee horumarineed ka fuliyey Somaliland, marna wuxuu ahaa gudoomiyahii Ururka Somaliland Forum. Ururkani wuxuu fuliyey mashaariic badan oo lagu taageerayo bulshadda reer Somaliland min Galbeed ilaa Barrio kuwaasoo kala khuseeyey dhinaca Caafimaadka, Waxbarashadda, horumarinta qadiyadda Somaliland, Ciyaaraha ama Sportska, iyo Maamul wanaaga Iwm. Gaar ahaan waxa Ururkan Somaliland aad loogu xasuustaa in ay keeneen khubaraddii dibadda laga keenay ee sugaayey berigii loo codeeynaayey dastuurka Somaliland. Wixii ku baxay maaliyad khubaradaasina waxa dhabarka u ritay Ururka Somaliland Forum, taasina waxa ay door weyn ka ciyaartay ansixiddii Dastuurka Somaliland.

Jamaal Cali Xuseen xilliyaddii fasaxyadiisa waxa uu Jaamacadaha dalka u jeedinaayey qudbaddo ku saabsan aqoonta iyo nolosha isaggoo cabiraayey hibadiisa hal-abuurnimo iyo cabbirkiisa qofnimo ee carinta maskaxeed. Jamaal waa shakhsi ka soo mudh baxay heer caalamiya waaya arragnimo balaadhan iyo saaxiibo culus oo madaxda adduunka ah ku leh dunida daafaheeda. Waxa kale oo uu xidhiidh balaadhan la leeyahay oo aad ugu dhex caan yahay dhalinyarada reer Somaliland. Jamaal Cali Xuseen wuxuu siyaasadda dhadhamiyey halgankii dhagax-tuurka ee ardayda magaaladda Hargeysa bilaabmay sanadkii 1982kii oo uu arday Form 3 ah ka ahaa dugisaga sare ee Faarax Oomaar. Halgankaasi oo sababay in markii danbe ay dadku kacaan oo si toos ahna uga hor yimaadaan dawladdii Siyaad Barre hogaaminaayey. Halgankaana waxaa bilaabay markii xaqdarro lagu xidhxidhay dhalinyaraddii UFO ee iyagu bulshadda u shaqeeynaayey.

 

Jamaal Cali Xuseen marnaba siyaasadda dalka kamuu maqneyn oo wuxuu ka mid ahaa dadkii caawinaayey madaxda Somaliland marka ay doonayaan in ay madaxda caalamka la kulmaan. Jamaal Cali Xuseen gurigiisii magaaladda Nairobi wuxuu saldhig u ahaa dadka reer Somaliland, wuxuuna noqday goobta laga fidiyo qadiyadda Somaliland intii aynaan ku yeelan wakiilo iyo safaaraddo dalkaasi. Jamaal Cali Xuseen wuxuu maqaalo faro badan si badheedh ah ugu qoray af Ingiriisi, waxayna ku soo baxeen jariiraddo badan oo caalamka ah gaar ahaan geeska Africa isagoo mar walba iibinaayey qadiyadda Somaliland.

Haddaba waxa uu siyaasadda toos u soo galay sanadkii 2011 kii isagoo ka mid ahaa xisbiggii UDUB. Markii khilaafkii UDUB uu cirka isku shareerayna wuxuu garabkiisii Isbahaysi la galay Xisbiggii UCID oo qudhiisu khilaaf ka soo baxay. Halkaas oo ay ku sameeyeen Isbahaysi cusub oo loogu magac daray NEW UCID. Kalfadhigii 5 aad ee Golaha Dhexe ee Xisbigga UCID waxa uu October 28keedii, 2012 kii uu Jamal Cali Xuseen cod aqbaliyad ah ugu doortay inuu u noqdo murashaxa rasmiga ah ee jaggadda madaxweynaha ee doorashadda soo socota March 2017, haddii Ilaaha Awooda lihi uu ka yeello. Guntii iyo gebogebaddii; Jamaal Cali Xuseen waayo aragnimadii balaadhneyd ee uu helay in ka badan 25 sanadood oo uu caalamka ka shaqeeynaayey wuxuu helay khibraddo qoto dheer oo ay ka mid yihiin sida loo maamulo bankiyadda, sida loo maamulo warshadaha Sibidhka iyo laydhka, sida loo maamulo Dhaqaalaha guud ahaan loona kobciyo, sida caafimaadku u shaqeeyo loona maamuli karo, sida xidhiidhka caalamiga ahi u shaqeeyo saaxiibana looga kasbaddo caalamka, sida waddamadda loogu raadiyo maal-gelinta, sida kaabayaasha dhaqaalle loo hirgelin karo, sida loo maal geliyo dekadaha, wadooyinka, warshadaha, iyo baayac-mushteriga, sida ay u shaqayso waxbarashadda saxa ahi, sida dadkeena maskaxdooda iyo xirfadooda loo kobcin karo, sida ay hay’adaha dawliga ahi u shaqeyn karaan oo loo hubin lahaa, iyo sida loo hirgelin lahaa hanti-dhowr dalka ka shaqeeya.

Haddaba maanta Jamaal Cali Xuseen, mar kale, waa isir ka dhex muuqda nolosha oo door ka cayaaraya heerar caalami ah iyo kuwa goboleedba waana Murashaxa  Madaxweynaha  Rasmiga ee Xisbigga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID doorashadda soo socota.

 

DHAMAAD

COMMENTS
LINKS