MADAXWEYNE XAQ UMA LIHID IN AAD BIXISO DHULKA JAMACADDA HARGEISA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MADAXWEYNE XAQ UMA LIHID IN AAD BIXISO DHULKA JAMACADDA HARGEISA
August 29, 2016 - Written by Editor:

Habkii hanti-wadaaga (socialism) ee nidaamki M. Siyaad Bare dawladiisii ay ku dhaqnayad waxa uu gabi ahaanba burburay dhamaadki 1980-yadii markii uu dubamay midawgii sofiyati. Burburkiisa oo caalamaka oo dhan laga dareemay dhibatooyinka uu ka tagay ee ilaa manta haysta umado badan wax uu yahay hanti-gaar yeelida (privatization). Dawladaha hanti-waadaaga ahi waxa ay dhamaan mamuulaan hanti-da qaranka, dhul, beero, warshado, guriyo iwm,

sharci ahaana leedahay dawladdu. Haddaba marka ay burburaan nidaamyada noocan ah, waxa mashaqo ka timaad sida hantidaa looga dhigi karo mid gaar ah (private) si dhaqaalaha xorta ahi uga fii’idaysto firfircoonida iyo kartida shaqsiga. Su’aashu waxa ay tahay yaa xaq u leh in uu qaato hantidaa ka dhaxaysa umadad? Dawladaha soo maray nidaam ka noocaas ahi wax ay samaystaan siyasado lagu hago hanti-gaaryeelida ( (privatization policy) si aan loo lunsan hantida qaranka. Haddaan u dhaadhaco dulucda qoraal kayga, Somaliland waxa lagu soo dhaqay habka hanti-wadaaga (socialism) mudo dheer taas oo keentay in hanti badan dawladda gacant u gasho. Maanta waxa nasiib/nasiib-daro ku helay maamulida iyo maaraynta hantidaa xisbiga KULMIYE oo ah gadh-hayeenka dawladda Somaliland. Lakiin iyad oo aan wadanku lahayn nidaam lagu qaybiyo hantida garanka ee la qarameeyay mudo dheer ka hore, Madaxa waynaha Somaliland Mudane A. M. Siilaanyo waxa uu hantidaa inbadan ku wareejiyay dad aad ugu manaafacsaday dhaqalaha wadankana uga fa’ideeyay kuwaas oo badan koodu saro dhaadheer oo bilin iyo wax-qabad ba leh wadan ka ku so kordhiyay. Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu xoolihii umada siiyay in badan oo ka mid ah asxaabtiisa iyo shaqaalihiisa, kuwaas oo hantidii qaranka u badalay guryo iyo tukaano aan manfacoodu badnayn. Ta u weyn ee maanta igu kaliftay in aan qoraalkan gaaban qoro waa marka Madaxweynuhu gaadhay meeshii ugu hoosaysay ee qof hagaan ah uu taabto. Waxa uu bixiyay dhul ay leedahay JAAMACADA HARGEISA oo baahin weyna ay uqabto. Waxa aan is waydiiyay runt ahaantii Madaxweynuhu ma nool yahay mise ma noola. Waxa aan leeyahay Madaxweyne haday Khalad ku dhacday, ibnu aadam ayaynu naahy, haday badheed tahay waxa aan leehay AWOOD UMA LIHID. Waxa aan ka codsanayaa qof kasta oo lexa jeclo ka hasyo dalkan iyo goobaha waxbarasho in uu muujiyo diidmadiisa arintan.

COMMENTS
LINKS