MA OGTAHAY MUWAADIN” IN AY FIKIR QUDHA WADAAGAAN MADAXWAYNE SIIRAANYO , GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA C/RAXMAAN CIRRO IYO GUDOOMIYAHA GUURTIDA SALEEBAAN. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MA OGTAHAY MUWAADIN” IN AY FIKIR QUDHA WADAAGAAN MADAXWAYNE SIIRAANYO , GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA C/RAXMAAN CIRRO IYO GUDOOMIYAHA GUURTIDA SALEEBAAN.
August 30, 2016 - Written by Wariye:

masuuliyiinWarbixin Daboolka Ka Qaaday Laba Iyo Toban Hab Maamul Oo Ay Wadaagaan  Madaxwayne Siiraanyo Iyo Labada Gudoomiye Ee Aqalka Golaha Wakiilada Iyo Aqalka Golaha Guurtida.

Mudo Shan iyo Labaatan Sanno oo S/land jirtay waa markii koowaad ee Hogaaminta Dalka S/land gacanta u gasho Masuuliyiin isku hadafa, isku Aragtiya oo isku Mabda’a ah oo Fikir, Dookh iyo Dareenba Wadaaga iyadoo Madaxwayne Siiraanyo, Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleemaan iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/Raxmaan Cirro ay Sadexduba ay Dookh iyo Dareenba wadaagaan.

Sadexdan Masuul  oo Waqtigii Sharciga ahaa ee la doortay uu dhamaaday waxay Xillka ku sii hayaan Mudo kordhin, iyagoo Golaha Guurtida oo ugu mudo dheeri, ay sugayaan in markii lixaad loo kordhiyo halka Golaha Wakiiladu sugayaan in loo  kordhiyo markii Afraad halka Madaxwayne Siiraanyo sugayo in markii Labaad loo kordhiyo iyadoo  Xog-ururitani ay daboolka ka qaaday in  Sadexdan Masuul laga filan Karin isbadal iyo in ay qabtaan Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Golaha Wakiilada bal aynu dul joogsano Laba iyo Toban Qodob oo ay wadaagaan Sadexdan Hogaamiye  .

masuuliyiin

1:Ma ogtahay Muwaadin:  in Gudoomiyaha Golaha Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Gudoomiyaha  Golaha Guurtida  Saleebaan iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro ay wadaagaan Heshiisna Ku Yihiin  in aanay  Ku Bogaadin  Madaxwaynihii Hore Ee S/land Daahir Rayaale Kartidii Iyo Hogaamintii Bilowgii Dimuquraadiyada S/land  Uu Sadex Doorasho Ku Qabtay Mudo  Sadex  Sanno  Gudahooda Waxayna Heshiis Ku Yihiin In Ay Kaga Bakhaylaan In Shahaado Sharaf Dimuquraadiyada ah Ku Maamuusaan Madaxwaynihii Hore Ee Daahir Rayaale .

2: Ma ogtahay Muwaadin: in Madaxwayne Siiraanyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleemaan iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro ay wadaagaan  haysashada Baasaaboorka Wadamada Qalaad ee Yurub iyagoo  Xaasakooda iyo Caruurtooduba mudo dheer daganaayeen  Wadamada Ingiriiska iyo Finland .

3: Ma ogtahay Muwaadin: in Sadexda Masuul ee Golayaasha Qaranka S/land Hogaamiyaa ay wadaagaan Jacaylka ay u qabaan Mudo Kordhinta iyo in ay Kursiga ku sii fadhiyaan mudo dheer iyadoo geedi socodkii Dimuquraadiyada S/land qarka u saaran tahay in ay burburto .

4: Ma ogtahay Muwaadin: in  Sadexda Masuul ee Golayaasha Qaranka S/land Hogaamiyaa ay wadaagaan Jacaylka Xaflado, kulano iyo shirar Saacado badan qaata oo ay la yeeshaan Qurba jooga ,Xubnaha Wasiirada, Xilldhibaanada Golaha Wakiilada ,Xilldhibaanada Golaha Guurtida ,Maalqabeenada, Maayarada Magaalooyinka Waawayn  iyo Madax dhaqmeedka .

5:Ma ogtahay Muwaadin : in Sadexda Masuul ee Golayaasha Qaranka S/land Hogaamiyaa ay wadaagaan heshiisna ku yihiin  in  ayna Waligood go”aan ka soo saarin talona ka dhiiban khilaafyada dhulka ee u dhexeeya Beelaha S/land gaar ahaan Gobolada Galbeedka S/land .

6: Ma ogtahay Muwaadin: in Sadexda Masuul ee Golayaasha Qaranka S/land Hogaamiyaa ay wadaagaan la kulmin lana shirin oo ayna dhagaysan Bulshada S/land u badan ee Danyarta,Masaakiinta,Muruqmaalka ,Maqaaxilayda,Macdaarlayda ah iyo Bulshada Dabaqada Hoose ee nolosha ku nool.

7: Ma ogtahay Muwaadin: in Sadexda Masuul ee Golayaasha Qaranka S/land Hogaamiyaa ay wadaagaan in ayna Go”aan ka gaadhin Fikirna ka dhiiban Saami qaybsiga Golaha Wakiilada oo ka mida caqabadaha ku gudban in doorasho dalka ka dhacdo ama arimaha soo kordha.

8: Ma ogtahay Muwaadin: in Sadexda Masuul ee Golayaasha Qaranka S/land Hogaamiyaa ay wadaagaan in ay Daawadaan oo ayna ka hadal khilaafka Xisbiga Ucid oo mudo soo jiitamayay iyagoo aan u arag in uu Burburayo Xisbi Qaran  oo ka mida Astaantamaha Dimuquraadiyada S/land.

9: Ma ogtahay Muwaadin: in Sadexda Masuul ee Golayaasha Qaranka S/land Hogaamiyaa ay wadaagaan in ayna hoos u eegin  warna u haynin Nolosha Bulshada Miyiga ku nool ee Xoolo dhaqatada iyo Beeralayda ah oo Burbur Dhaqan Dhaqaale ku jirta iyagoo  gurmad Maalmo kooban ah u gala marka Gaajo iyo Haraad u dhintaan iyadoo Bulshada Miyiga ku nooli qarka u saaran tahay in ay Dalka ku dhex barakacaan oo Magaalooyinka soo galaan.

10: Ma ogtahay Muwaadin: in Sadexda Masuul ee Golayaasha Qaranka S/land Hogaamiyaa ay wadaagaan in ay Xalaalaysteen ku dhaqanka Musuqmaasuqa iyo Laaluushka iyagoo Golihii Wasiirada, Xilldhibaanadii Golaha Guurtida iyo Wakiilada ka dhigay Mudanayaal loo Xalaaleeyay Laaluushka oo u Dabran Laaluushka iyo Musuqmaasuqa iyadoo aan marag uga dhigayo in ayna Sadexda Masuul ee Madaxwayne Siiraanyo,Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleemaan iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/Ciro  in aanay Hay”adii Hanti Dhawrka Qaranku marna aanay  ka hawl galin oo Baadhis Xisaabeed lagu samaynin   Kharashaadka Golaha Xukuumada ee Madaxwayne Siiraanyo xukumo ee Golaha Wasiirada, Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada isla markaana aanay ka hadal Sadexda Gudoomiye Aafada Musuqmaasuqa oo faraha ka baxo.

11:Ma ogtahay Muwaadin: in  Sadexda Masuul ee Golayaasha Qaranka S/land Hogaamiyaa  ay wadaagaan heshiisna ku yihiin in aanu Dalka S/land noqon Qaran Shuruucdiisu Shaqaynayso oo Madax iyo Mijo Xeerarka Dalka lagu dhaqmo iyagoo Bulshada  S/land hormood ugu noqday ku dhaqan la”aanta Sharciga iyo Xeerarka Dalka.

12: Ma ogtahay Muwaadin : in Sadexda Masuul ee Golayaasha Qaranka S/land Hogaamiyaa ay wadaagaan Diidmada in Maamulka Hoos loo daadajiyo iyadoo sida aan arkayno Faro galin qaawan Dawlada Dhexe ku hayso Golyaashii Deegaanka Dalka iyadoo Xilldhibaanadii Golaha Deegaanka ee Xisbiyada Mucaaradka ka soo baxay lagu qasbay in ay ka baxaan Xisbigii uu Codkiisa ku joogay ee uu  ku Abtirsanayay dhacdadan ayaa muujinaysa in sida Sadexda Masuul ee Golyaasha Qaranka S/land Hogaamiyaa heshiis ku yihiin in Maamulka hoos loo daadajin.

Arimahaa kor ku xusani waxay muujinayaan in Masuuliyiinta ugu saraysa Qarankani ay hormood u yihiin dhibaato kasta oo Bulshada S/land ay ku jirto waxayna wadaagaan Curin la’aan, Karti la’aan, Daacadnimada oo ku yar iyo dabeecado badan oo lagu garan karo in ay ku fashilmeen Hogaamintii Qaranka S/land iyadoo Taariikhda laga xusi Sadexda Masuul iyo Hadimooyinka Qaranka S/land u gaysteen .

 

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Wariye Madaxbanaan:Abdiqadir Habane

Email:habane00@gmail.com

COMMENTS
LINKS