SHARCI DARADII KHADRA X GAYDH GOLAHA LOOGU AFDUUBAY WAXAY SOBOBTAY IN MADAXWAYNE SIIRAANYO KABAHA LOO TAAGO . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SHARCI DARADII KHADRA X GAYDH GOLAHA LOOGU AFDUUBAY WAXAY SOBOBTAY IN MADAXWAYNE SIIRAANYO KABAHA LOO TAAGO .
August 30, 2016 - Written by Wariye:

khadraWaxaan halkan  Jawaab kaga bixinayaa maqaal uu Wargayska Hubaal ku qoray Cadadkii 749 Ninka Abwaanka sheegta ee Sacad X Gadhle oo taariikhda ka been sheegaya anigoo  dhaliilaya Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada   Ina X Gaydh oo dhib mooyee aan dheefteeda la arag oo goor baas golaha ka mid noqotay waxaanan ognahay  Dhaliilo  Culus oo dul hoganaya Mudadii ay sifaha Sharci Darada ah loogu magacaabay  Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gabilley  iyadoo sharci darro ah loogaga faro maroojiyay Gudoomiyihii Golaha Deegaanka Gabiley  soo doorteen ee  Aadan Muxumad waana sharci daradii u waynayd ee dalka ka dhacday waxayna sobobtay  Musuq maasuq, Ku Takri Fal Dakhliga  iyo Maamul xumo baahsan oo lumisay dhamaan Haykalkii Dawlada hoose  gabiley abid waxayna dayn xad dhaafa oo 2 Bilyan kor u dhaaftay oo ay kaga tagtay Gabiley waana maamul xumo Awood maroorsigu sabobay oo ay ku  kaceen  Rag iyo Dumar Masuuliyiin ah oo ku sheqeeya Awoodii Madaxwaynaha ee Distooriga ahayd.

Dhanka kale ayaa ku Maahmaah  Soomaaliyeed  ayaa tidhaahda “Cadkay maryan qaaday madiinana dhuuxday tukow maan laawe maxaad kaga meeri “ maahmaahdan oo ka hadlaysa  Hunguri xumo Dumar oo aan waxba  Hanbaynayn  waxaana sidaa ka dhignaa Maayarkii la doortay iyo Golihii kacdoonka ku badalay gabadha ina Xaaji  Gaydh waxaanay kala wareegeen dayntii  ugu badnayd oo Laba Bilyan oo Shilin S/land kor u dhaaftay  waxayna Ceebo badan u soo jiiday dumarka s/land isla markaana banaanka keentay in Xukuumadan Talo Dumar Hagayso oo aanay waxba Hanbaynayn oo Maamulka ka danbeeyaa waxba ku  gaadhi doonin .

Awood maroosigan distoor jabinta ahaa oo ku soo beegmay waqti Xukuumada Kulmiye Sannad jirtay waxay sobobay in kooxo dhalinyaro ah mudaharaad aan hore loo arag noociisa ay kala hor tagaan Madaxwayne Siiraanyo oo safar wadada ku maraya  uu kaga ka qayb galayo Munaasibad ay ku qalin jabinaysay Arday jaamacada camuuda wax ka baratay kooxdan dhalinyarada ah oo kabaha intay la baxeen sare u taagay waxaanan ku tilmaami karaa in ay Khadra X Gaydh sabob u ahayd in bulshada gabiley ay gabi ahaanba kalsoonida kala noqdaan Hogaaminta Madaxwayne Siiraanyo oo wax ka dhaca mooyee wax u kordhaa jirin  .

Nin Oday ah ayaa markii la doortay xukuumada kulmiye ku Ducaystay  Duco Dhaxal  gal noqotay  waxaanu Ducada ku bilaabay,ALLAHAYOW  Sadex Arimood Midna Hanagu Keenin Hadaad Nagu Keentana ALLAHAYOW  Sadexda Halbawle Ee Ugu Daran  Nooga Ilaali .

1 , Allahayow hunguri xumo hanagu keenin hadaad nagu keentana Allahayow Dumarka nooga ilaali.

2 , Allahayow Caasinimo hanagu keenin hadaad nagu keentana Allahayow Curadada nooga ilaali.

3 , Allahayow Talo xumo hanagu keenin hadaad nagu keentana Allahayow Odayga Reerka u taliya nooga ilaali .

Hadii aynu dull joogsano Ducada Koowaad  lama aqbalin Waxaana muuqata in ay S/land ku habsatay Hunguri xumo Dumar marka loo eego Haraadka ay Ina Xaaji Gaydh u qabtay  Hanti  Lunsiga ,Musuqmaasuqa  iyo Sharci jabinta ay ku kacayaan Dumarkii guryaha joogi  jiray.

Hadii aynu eegno Ducada Labaad  lama aqbalin waxaana  muuqata in Curadadii S/land u dhashay ee Wasiirada iyo Masuuliyiinta Qaranka laga dhigay ay noqdeen Madax Qalbiga ka Caydha oo caadaysatay Musuqmaasuq ,Qaraabo Kiil ,Hanti boob ,Sharci Jabin iyo Wax kasta oo S/land dhib ku ah.

Hadii aynu eegno Ducada Sadexaad lama aqbalin markaad eegto Odaygii Madaxwayne Siiraanyo ee Bulsho waynta S/land soo Doortay oo hawl gab noqday Talo xumana ku habsatay waxaanu Taladii Dalka  Gacanta u galiyay Qaraabadiisa iyo  Shaqsiyaad Milgaha Dawladnimo ku tuntay oo Jaangoynta Siyaasada Dhaqaalaha Wadanka iyo Jaangoynta Siyaasada Arimaha Dibada u yeedhiya Masuuliyiinta dhigooda ah .

Waxaanay  S/land u baahanyahay Duco Qabayaashii Badbaadin lahaa ee Milgiha Dawladnimo soo celin lahaa isla markaana Sharciga horkeeni  lahaa Maamulka Xukuumada Siiraanyo eeSharci jabinta u badheedhay kuna fashilmay taladii Wadanka dhaqaalihii dalkana guratay .

Axmad Yaasiin, Daahir Cumar  Hargaysa Soomaaliland

Axmad 1717@hotmail.com

COMMENTS
LINKS