Dawlada Iran Oo Bilawday Mashruuc Internet Uu Waddanku Leeyahay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Iran Oo Bilawday Mashruuc Internet Uu Waddanku Leeyahay.
August 30, 2016 - Written by Wariye:


iranHargeysa(WJN):- Iran ayaa ku dhawaaqday inay dhamaysay wajigiii koowaad ee qorshe ay ku samaysanayso internet waddanka gooni u ah.

Xaflada furitaanka ayaa wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta Mahmoud Vaezi uu qabtay Axadii.

Wakaalada wararka ee waddanka ee Irna ayaa sheegtay in mashruuca uu bixin doono internet tayadiisu fiican tahay oo dhaqso badan, raqiisna ah.

Laakiin dadka dhaleecaynaya ayaa sheegaya in ujeedada mashruuca ay tahay in dowladda ay koontaroosho waxa ay bulshada internetka u isticmaalayaan.

Inkastoo Iran ay xayirtay baraha bulshada ee Twitter, Instagaram iyo Facebook oo saldhigoodu yahay dibadda, macaamiil badan ayaa isticmaala iyagoo adeegsanaya adeegyada internetka ee qaaska ah ee (VPNs).

‘Xayiraad aan wada dhamayn

Ujeedada ka danbaysa mashruuca ayaa markii u horaysay lagu dhawaaqay 2010, wuxuuna qorshaha uu ahaa in la hirgaliyo sanadka 2015.

Dowladda ayaa sheegtay in ujeedada ay tahay in la sameeyo internet gaar u ah waddanka oo loo isticmaali karo xogta Islaamka iyo in kor loo qaado isticmaalka digitalka ee dadka.

Ujeedadu waxay tahay in lagu badalo internet la isticmaalo, kaasoo ay dowladda ay xayirto meelaha qaar laakiin dadka ay is ticmaalaan adeegyada qaaska ah ee internetka ee (VPNs), iyadoo Mr Vaezi uu ku tilmaamay ‘xayiraad aan wada dhamayn’.

“Dhamaan adeegyada waddanka, borogoraamyo badan oo kala duwan ayaa ku jira internetka waddanka ayuu sheegay wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in mashruucan uu ka hortagi doono weerarka lagu qaado computarada.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Iran ee Mehr :

Wajiga hore waxaa dadka helayaan webiteyada dowladda iyo websiteyada Shirkadaha waddanka

Wajiga labaad oo bilaabanaya February 2017, waxaa lagu darayaa video-yaasha waddanka

Wajiga saddexaad oo bilaabanaya March 2017, ayaa bilaabaya adeegyo dheeraad ah oo taageeraya shirkadaha sameeya ganacsiga caalamiga.

Laakiin kooxda Britishka ee u ololaysa xaquuqda bini’aadanka ee Article 19 ayaa ka digtay mashruucan.

Waxay sheegtay mashruuca internetka ee waddanka inuu sii balaarinayo xayiraada, ilaalinta iyo xog la’aanta.

” Waxay qatar galinaysaa in ay Iran ka soocdo internetka adduunka intiisa kale, iyadoo xayiraysa sidii xog loo heli lahaa iyo in laga hortago inay dadka sameeyaan mudaaharaadyo” ayay sheegtay kooxda Articale 19 ee Britishka.

 

Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS