Warar Faah Faahsan Oo Kasoo Baxaya Qarax Khasaare Badan Gaystay ee ka Dhacay Hoteelka SYL kasoo Horjeedka Villa Somalia Muqdisho iyo Al-shabaab Oo sheegatay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warar Faah Faahsan Oo Kasoo Baxaya Qarax Khasaare Badan Gaystay ee ka Dhacay Hoteelka SYL kasoo Horjeedka Villa Somalia Muqdisho iyo Al-shabaab Oo sheegatay.
August 30, 2016 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N) — Ugu yaraan 25-qof ayaa ku dhintay, 43-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ahaa oo barqonimadii maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho iyo Hoteelka SYL oo Villa Somalia kasoo hor-jeeda.

Qarax_Muqdisho_Somalia (5)

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa qaraxaan kaddib u sheegay saxaafadda in wasiirro iyo xildhibaanno uu isagu ka mid yahay ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan qaraxa.

Sidoo kale, Wasiir Maareeye ayaa intaas ku daray in Xilligaas ay Hoteelka SYL ka Socdeen laba shir oo midkood uu ahaa shir ay lahaayeen Xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in ciidanka Amniga ay Rasaas ku fureen Baabuurka ka hor intii uusan qarxin.

Wasiirrada iyo xildhibaannada ku dhaawacmay Qaraxaan ayaa waxaa ka mid ahaa: Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka, Nuur Faarax Xirsi, Wasiir u dowlaha Wasaarada Gaashaandhigga, Maxamed Cali Xagaa, Xildhibaanad Koos, Daheeye iyo xildhibaanno kale, kuwaasoo dhan tiro ahaan labaatan xildhibaan.

Qaraxan ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay Al-shabaab, iyagoo sheegay inay weerareen Hotel SYL oo kasoo horjeeda madaxtooyada, kaasoo ay sheegeen inay ka socdeen shirar ay ku tilmaameen kuwo shirqoollo ah.

Dhanka kale, Askari ka tirsan Ilaalada madaxtooyada Somalia ayaa sheegay inuu ka dhacay qaraxu inta u dhexeysa madaxtooyada Somalia iyo Hotel SYL, wuxuuna u sheegay VOA-da in gaadhiga qarxay uu ku socday xawli oo ay awoodi waayeen in ay joojiyaan.

“Baabuur xawli ku socda ayaa nasoo galay, rasaas digniin ahayd ayaan hawada ugu ridnay, balse markii uu joogsan waaya ayaan toos u rasaaseynay, kaddibna bartamaha laamiga ayuu ku qarxay,” ayuu VOA-da u Askarigan ka tirsan Ciidamada ilaaliya Madaxtooyada Somalia oo qariyay magaciisa.

Qaraxan ayaa wuxuu geystay burbur xooggan oo soo gaaray Hoteelka iyo goobo ku dhaw, waxaana dadka dhibaatadu soo gaartay ka mid ahaa dad shacab ah oo ku sugnaa agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab qaraxyo noocan oo kale ah la beegsato xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho iyo Hotel SYL oo kasoo hor-jeeda Villa Somalia.

 

COMMENTS
LINKS