DAAWO; Khudbadii Afhayeenka Cusub Ee Madaxtooyada Jsl Eng Xuseen Deyr Ka Jeediyey Munaasibadii Xilka Uu Kula Wareegay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Khudbadii Afhayeenka Cusub Ee Madaxtooyada Jsl Eng Xuseen Deyr Ka Jeediyey Munaasibadii Xilka Uu Kula Wareegay.
August 30, 2016 - Written by Editor:

DAAWO; Khudbadii Afhayeenka Cusub Ee Madaxtooyada Jsl Eng Xuseen  Deyr  Ka Jeediyey Munaasibadii Xilka Uu Kula Wareegay.

HALKAN KA AKHRI; Khudbaddii uu Afhayeenka Cusub ee Madaxtooyadu ka jeediyey la wareegii Xilka Ee Maanta

 Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Alxamdullilaahi Rabbil Caalamiin, ……….

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka, waxaanan idiinka mahad-celinayaa ka soo qaybgalka Xafladdan Xil-wareejinta.

Ugu horraan waxaan M/weynaha Jam. Somaliland Mudane Ahmed Maxamed (Silaanyo) si mug iyo maamuusba leh ugaga mahad-naqayaa kalsoonida uu i siiyey ee uu mar kale iigu magacaabay Xilka Afhayeenka Madaxtooyada.

Mudanayaal iyo Marwooyin; sida aad la socotaan, muddo gaaban gudaheed waxa la iga bedelay Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga waxana la igu soo celiyey Xilka Afhayeenka Madaxtooyada. Taa macneheedu maaha casilaad ama hoos-u-dhigid, aniguna qof ahaana sidaa uma arko. Dhinaca kale, beddelkaygu salka kuma hayo saluug, xil-gudasho la’aan ama dhalliilo xaggayga ka jira. Laakiin, duruufaha siyaasiga ah ee ka jira dalkeenu waxay u baahan yihiin maarayn, tanaasul iyo dulqaad. Haddii ay lagama maarmaan noqoto in adiga lagugu ciiro, taasina ay ku jirto danta Qaranka iyo maslaxadda ummaddu, dabcan waxa wacan inaad muujiso bisayl iyo go’aan qaadasho siyaasi ah oo aad dan-wadareedka Qaranka kaga hor marinayso dantaada gaarka ah iyo hanka siyaasiga ah ee aad leedahay.

Mudanayaal iyo Marwooyin; Hadafka iyo himilooyinka siyaasiga ah ee aniga i hagaa kuma salaysna Kursi doon iyo Kala jeclaysi aan ku kala xulanayo masuuliyadaha Qaranka. Madaxweynuhu isagaa hore iigu magacaabay Xilka Af-hayeenka Madaxtooyada, isagaa ii gartay inaan noqdo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga, haatana (wada-tashi iyo talo gelin uu Madaxweynuhu ii soo bandhigay kaddib) isagaa ii soo jeediyey inaan dulqaato, isagaana lagama maarmaan u arkay inaan noqdo Af-hayeenkiisa oo aan mar labaad ku soo noqdo Xarunta Madaxtooyada oo ah halbowlaha ugu muhiimsan ee laga hago hawlaha baaxadda leh ee Qarankeena. Waxaan jecelahay inaan halkan ka xuso oo aan ka iftiimiyo, ka hor intii aanay soo bixin isku-shaandhayntu, Madaxweynuhu wuu ila tashaday, waxaanan u arkaa in uu i qiimeeyey oo uu i sharfay. Sidaa darteed, Madaxweynaha waxaan si milgo iyo qadarinba leh  mar kale ugaga mahad-naqayaa kalsoonida iyo karaamada uu i siiyey ee uu dib iigu magacaabay inaan noqdo Af-hayeenkiisa. Waxaan leeyahay: “Madaxweyne si  kalsooni leh ayaan ugu qanacsanahay talada aad ii soo jeedisay, si niyadsami leh ayaanan kaaga mahad-celinayaa fursadda aad i siisay inaan qayb ka noqdo legecy-gaaga iyo dhaxalka taariikhiga ah ee aad ummaaddaada uga tagayso.”

Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada iyo Muhimadda uu Qaranka u leeyahay

Gudbinta dareenka, farriimaha iyo aragtiyaha Hoggaamiyaha Qaranka iyo Madaxda kale ee Xukuumaddu waa arrin muhiim ah oo u baahan in si qoto dheer oo miisaaman loo qorsheeyo loona gudbiyo. Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyadu waa waax muhiim ah oo ka mid ah Xafiiska M /weynaha JSL. Waa barta laga hago isla markaana laga gudbiyo Xogaha iyo Farriimaha muhiimka ah ee ay Xukuumaddu hayso ee ay u gudbinayso bulshada, gudaha iyo dibeddaba. Xafiiska Af-hayayeenka Madaxtooyada waxa la odhan karaa waa Codka Rasmiga ah ee ku Hadli kara Afka Xukuumadda, wuxuuna laf-dhabar u yahay gudbinta iyo hirgelinta wararka muhiimka u ah hawlaha Qaranka.

Haddaba, marka la eego baahiyaha waaweyn ee uu Qaranku u qabo in la helo Xafiiska War-baahinta Madaxtooyada oo tayo leh, waxa daruuri iyo lagama maarmaanba ah in dib-u-qiimayn, dib-u-habayn iyo dayactir dhammaystiranba lagu sameeyo qaab-dhismeedka iyo hannaanka hawl gal ee Xafiiska War-baahinta Madaxtooyada (xag maamul, shaqaale iyo xagga qalabkaba). Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxweynaha oo dib-u-habayn lagu sameeyo tayadiisana la horumariyo, waxaan aaminsanahay inay horseedi karto:

 

  1. In Xukuumaddu ay si sahal ah u gudbin karto himilooyinkeeda iyo hadafkeeda siyaasadeed.
  2. In Xukuumaddu ay si kalsooni leh u difaaci karto guulaha iyo wax-qabadka ay ku tallaabsatay, bulshadana ay ugu fasiri karto si fudud oo ay fahmi karaan.
  3. Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxweynaha oo la tayeeyo wuxuu abuuri karaa jawi ku dhisan is-fahan iyo xidhiidh wanaagsan oo u dhexeeya Xukuumadda, Shacabka iyo Saxaafadda, taasina waxay kor u qaadi kartaa kalsoonida ay shacabku ku qabaan Xukuumada iyo nidaamka Dawliga ah.
  4. Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxweynaha oo la tayeeyo wuxuu Xukuumadda u sahli karaa inay gudbin karto xog urursan oo tayo leh oo dhinac u wada jeeda, oo aan lahayn hadallo is-burinaya, taasina waxay soo af-jari kartaa wararka been abuurka ah iyo dacaayadaha laga fidiyo Xukuumadda.
  5. Xafiiska Af-hayeenka/ Warbaahinta Madaxweynaha oo la hagaajiyo wuxuu suurto galin karaa in la ururiyo oo la isu-dubarido taariikh nololeedka mugga weyn leh, raad-raaca himilooyinka iyo aragtiyaha siyaasadeed ee Hoggaamiyaha, si dabadeed loo sameeyo kayd-taariikhi ah oo dhammaystiran oo ummaddeena u noqon kara dhaxal waara iyo bar-tilmaameedba.

Mudanayaal iyo Marwooyin; xilka iyo masuuliyaddu heer kasta oo ay yihiinba, maaha kuwa dhaliya ama keena isbeddelka loo baahan yahay!! Qofka xilka loo igmado ayaa ah ka la yimaadda isbeddelka looga baahan yahay in laga hirgeliyo hawshaa masuulka looga dhigay.

Guntii iyo geba-gabadii, anigoo isku xidhaya gar-gaarka ALLAH, waxaan ballan qaadayaa in aan Xilkaa uu Madaxweynuhu ii igmaday aan u gudan doono sida ugu haboon. Waxa kale oo aan ballan qaadayaa inaan ku shaqayn doono isla markaana aan fulin doono hadafka iyo himilada ay leedahay Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay M/weyne Ahmed Silaanyo taasoo ah in masuul kasta oo xil loo magaacabay, heer kasta oouu yahayba, uu la yimaado qorshe iyo jaangooyo cad oo uu ku beegsanayso horumar la taaban karo oo ummadda faa’iido u leh.

ALLAA MAHAD IYO MUDNAANBA LEH,

 Xuseen Adan Cige (Xuseen Deyr)

 Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

 

COMMENTS
LINKS