Wefdigii Uu Hogaaminyaya Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo la kulmay Wasiirka Khaarijiga Dalka Masar iyo Xubno kale oo ka Tirsan Golaha Wasiirada Dalkaasi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wefdigii Uu Hogaaminyaya Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo la kulmay Wasiirka Khaarijiga Dalka Masar iyo Xubno kale oo ka Tirsan Golaha Wasiirada Dalkaasi.
August 30, 2016 - Written by Editor:

Qaahira (Wajaalenews) wefdigii uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibedda JSL Dr. Sacad Ali Shire  si heer sare ah  loogu soo dhaweyay dalka masar ,  wefigu waxay la  kulmeen wasiirka khaarijiga dalka Masar Dr.Samix Shukri , kulanka labada wasiir ayaa waxaa u ka dhacay xarunta wasaaradda Arrimaha dibedda Masar, gaar ahaan  xafiiska wasiirka khaaarajiga.

kulan ka masar 1

Waxay labada wasiir  waxay ka wada hadleen sii xoojinta iyo joogteynta  xidhiidhka labada dal . waxayna isku af garteen  siddii dalka masaru taageeri lahayd dhanka  ka qeyb qaadashada wada hadalada Somaliland iyo Somaliya,  kordhinta deeqaha waxbarashada somaliland la siiyo ,iskaashiga dhanka Ganacsiga iyo amaanka  labada dal. Wasiirka arrimaha dibedda dalka masar Dr. Samix Shukri ayaa Somaliland ku bogaadiyay nabadgelyada iyo dimuqraadayda ka hirgashay Somaliland.

kulanka masar 2

Waxa kaloo wefdiga ka socday Somalilnad la kulmeen xubno ka tirsan golaha wasiirada ee dalka masar oo uu ka mid yahay wasiirka tacliinta sare Prof. Dr. Ashref. Kulankaasi oo qabsoomay xarunta wasaarada tacliinta sare dalka masar waxay labada dhinac isku afgarteen in Somaliland si gooni ah  loo  siiyo sanad walba  50  deeq waxbarasho jamcadeed ah.  Taageerida jamacadaha  Somaliland dhanka Cilmi baadhista iyo tabobarada maclimiinta Jamacadaha. Waxa kaloo wasiirka tacliinta sare masar balanqaaday dhameystirka  Xaruntii dhaqanka  masar –Maktabada Masar.

kulanka masar 3

Waxa kaloo wefdi Somaliland la kulmeen wasiir-ku xigeenka Tacliinta Prof. Dr. Ahmed Elgeushey waxaana kulnakaasi ka soo baxay qodobadan:

Khordhinta maclimiinta  Masaarida ee dhiga iskuulada somaliland, waxaana  lagu kordhiyay 100 maclin oo kale. Taageerida jamacadaha Somaliland  gaar ahaan kuliyadaha waxbarashada (Faculty Education) in ay ka caawiyaan in ay jeeshaan Xarumaha tabobarada Maclimiinta.

Taageerida wasaarada tacliinta masar  dhanka tabobarka farsamada ee Jamacada Culuumta  Bada ee Berbera .

Taageerida dhanka tobobarada maclimiinta iskuulada Somaliland

In ay masar u soo dirto Somaliland wefdi  khubor  dhanka waxbarashada Farsamda (Technical Education)  si ay u darsaan baahiyaha dhanka waxbarasha farsamdaee Iskuulada Somaliland.

Waxa kaloo wefdigu la kulmeen wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Masar  Marwo  Dr. Maissa Shawky. Kulnanka waxay labada dhinac isku afgarteen sii xoojinta iskaasha labada dale e dhanka caafimaadka waxay isku af garteen:

In dalka masar joogteeyo soona diraan  sanad walba  Dhakhaatiir somaliland kafulisa qaliino bilaasha ah oo wata dawooyinkoodii.

In dalka  Somaliland  la siiyo Deeq waxbarasho takhasus ah 5 Dakhtar sanad walba.

In somaliland la  siiyo deeqo dawooyin ah , loona soo diro doono dawooyinkaas ka dib marka wasaarada caafimada somaliland ay soo dirto Liiska dawooyinka loogu baahida badan yahay dalka.

Dhameystirika Heshiishka is af-garad ee Labada Wasaaradood eeCaafimaadka labada dal.

kulanka masar 4

 

Wefdiga Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire  waxaa ku weheliyay Danjire  Ali Mohamed Ahmed –Wakiilka Somaliland ee Yemen Mr. Abdiqani Ahmed  Goole- Agaasimaha Waaxda Siyaasadda Wasaaradda Arr. Dibedda Somaliland  iyo Fahmi Qaasim Mohamed – Madax Bariga Dhexe iyo Aasiya ee Wasaarada Arr. Dibedda Somaliland

 

Source: Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation

Republic of Somaliland

COMMENTS
LINKS