Xaalad Tiiraanyo Badan – Dugsiga Sare Timacade(Qalax) – Qore Ahmed Maax Hassan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaalad Tiiraanyo Badan – Dugsiga Sare Timacade(Qalax) – Qore Ahmed Maax Hassan
August 30, 2016 - Written by Editor:

Waxaan akhristay maqaalo ku soo burqanaya mareegaha wararka maalmihii u danbeeyay oo sheeko tiiranyo iyo naxdin badan igu abuurtay dibna ii xasuusisay taariikhdii lagu furay dugsiga sare.

Waxaa nasiib daro ah dugsigii iftiinka aqoonta ahaa eey ka soo aflaxeen boqolaal arday uu waxbarasho xumo ka soo if baxdo, iyo sheekooyin foolxumo badan oo ceeb ku ah Gobolkii cilmiga gadhwadi jiray.

Waxaan aad uga naxay oon liqi kari waayay Qalax bay 34 arday imtixaankii F4 dhaceen.

Anigoo ka mid ahaa ardaydii lagu furay class u horeeyay ee Dugsigii Sare  Timacade secondary school 1976, oo markaa lagu magacaabay  Dugsiga Sare/Dhexe ee Hooyga Gabiley.

Waxaanu badalnay magacii oon u arkaynay hoosayn in nagu ladhnaado Dugsi Dhexe waxaanu isku magacawnay “Timacadde Secondary School”mudana aanu wasaarada waxbarasha aqoonsi ka sugnay waananu ku guulaysanay.(sheekada siduu magacu ku baxay ama aan ku dooranay waa qiso in si gaara loo qaada dhigo u baahan) Magacana in meeshiisii loo daayo ku qurux badnayd.

Anagoo ah sodomeeya arday oo laga soo tarxiilay Form 1kii  Amoud Seconary school(Borama) iyo 1st July secondary school(Hargeisa) qasabna la noogu soo badalay Qalax oo markaa dhismaha D. sare socdo.

Waxa u sobob ahaa soo celintayada odayaashii aqoonta jeclaa oo u halgamayay in la furo Dugsi Sare. Waxaa ka mid ahaa :

Haji Askar, Haji Barkhad, Aw aden Rage, Mohamed Haji iyo kuwa fara badan oonan magacadood soo koobi karay.

Anagoo afduubkaa ku nimid ayaanu mudaharaadnay waayo maclimiin nagu filani ma joogin, dusigana qabyuu ahaa oo waa la nagu dul dhisayay.

Waxa taas ka sii waynayd oo nugu mudnayd anagoo soo aragnay Amoud iyo 1st July oo aanad malay karayn heerka ay joogeen.

Odayaashii Dagmada ayaa nala hadlay waxay si kalsooni leh noogu sheegeen in anu u dhabar adaygno dugsiga qabyada ah oo iskaa-wax-u -qabso shicibka dagmadu ku dhisteen si kuwa danbe ay u helaan dugsi mustaqbalka lagu soo hirto idinkuna aad taariikhda gashaane ku samara. Hadalkii Alla ha u naxariistee Haji Barkhad oo taarikhdii schoolkii u horeeyay oo Alla Ha Janeeye Sheekh Muhumad Warsame aqalkiisa siiyay ilaa maalintaa an joognay na hoga tusaaleeyay, meel aan ka maro waan garan waynay qandhuuftiina dib baan u liqnay.

Markaanu Form2 galay waxa noo yimid macalimiin Mogdisho iska soo Badashay kuwii u wanaagsanaa oo ka soo jeeday badankood Gabiley & Borama ka mid ahaayeen:

Abdi Askar abokor Alla ha u naxariisto

Mohamed Afey –Alla ha u naxariistee

Mohaned Muumin Rijaal Alla ha u naxariisto

Ali Hassan (Ali Jikaar)

Mohamed Muhumad liiban

Sacad aw Muuse Alla ha naxariisto

Sheikh Hussein

Macallin la odhan jiray Dalmar –Maths teacher

Inta aan ka xasuustay iyo kuwa kaloo ku soo biiray waxay na bareen baan ku liibaanay. Intooda dhimatay alla ha naxariisto inta ka noola ilaahay danbigooda ha dhaaf.

Form 4 markaanu galay waxa dhacday in laga soo badashay 1st July iyo Amoud oo Timacade noqday dugsiga uugu waxbarashada fiican.

USAID ayaan dugsiga qalabaysay oo Laboratory casri ah la noo furay.

Geography ayaaba lab. lahaa science iska daayoo.

Imtixaankii F4 iska daa dhicidoo waxaanu noqonay school ahaan kuwii ugu dhibicyaha badnaa Jumhuurayadii Somalia.

Maadooyinka Maths, Chemistry, History/Geograghy Timacadde ayaa ugu sareeyay JDS.

Hadaan intaa ku soo kobo taariikhdaa Dahabka ahayd oo u baahan milay gaara in la faaleeyo, waxaa nasiib daro ah in manta waxyaalo laga yaayakhsoodo ay Qalax dul hoganayaa imigana sii qarxayso ceebtaasi.

Ardaydaa wakhtigood iyo qayrkood laga reebayna ay godob tahay gobolkoo dhani ka masuul yahay.

Aaway odayaashii habeen iyo dharaarba na waraysan jiray siday waxbarashadu tahay, waxii dhib jirtana dagdag nagula garab gali jiray meel kastooy ku xidhan tahay.

Aaway aqoontii Gaamurtay een ku dayan jiray ee talada nal ag joogtay. Si dadban iyo toos ahba uga war hayay waxbarashada Gabiley.

Aaway waalidkii tooska ula tashanayay Maamulka iyo ardayda ee haday dareemaan wax qaldan sida Fiinta u dhawaaqayay.

Reer Gabileyoow fadhigan fadhi kale aan uga noqona

Ilaahay ha ina waafajiyo wanaaga iyo danteena. Aamin.

AQOONYAHAN Ahmed Maax Hassan

Maritime & Logistics Expert. Djibouti – Tel 25377817718

COMMENTS
LINKS