Wasaarada Caafimaadka Somaliland Kulan Xasaasi Ah La Yeesheen Hawl-Wadeenada Gobolka Sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Caafimaadka Somaliland Kulan Xasaasi Ah La Yeesheen Hawl-Wadeenada Gobolka Sool
August 31, 2016 - Written by Editor:

Laascanood, (Wajaalenews) Somaliland – Wasirul dowlaha wasarda cafimaadka Somaliland Maxamud Aadan Jaamac ayaa furey shir ku sabsaan cafimaadka gobolka Sool islamarkana sadexdi bilood ba sanadkii masuuliyinta wasarada cafimaadka uu qabta hawlwadeenada cafimaadka gobolka Sool uu qabta, waxana sido kale wasirul dowlaha ku wahelinaye agaasimaha waxda qorshaynta wasarada cafimaadka.

Ujeedada shirkan maalinti shalay ka dhacay magalada Laas-canood ee xarunta gobolka Sool uu ahaa waxyaabaha uu qabsoomay ku sabsaan hawlaha cafimaadka islamarkana wixi ka qabyada ah ayaa lagu gorfenayee shirkan, waxana sido kale ka soo qayb galay shirkan masuliyinta iyo hawlwadeenada cafimaadka gobolka Sool iyo isu-duwaha wasarada ee gobolka Dr. Maxamed Cabdilahi Sugule

“Shirkan waxa aanu isugu nimi in aynu ka wada hadalno wixi yimi,wixi tegay iyo wixi soo socda ee dadka reer Sool aanu uu qaban karno, waxa aan qaba in wax badan la qabtay wax-badan ay dhimaan yihiin. “ sidana waxa yidhi digtoor Maxamed Cabdilahi Sugule isu-duwaha wasarada cafimaadka gobolka Sool.

Agaasimaha waxda qorshaynta wasarada cafimaadka Fihima Xaji Axmed ayaa iyaduna ka hadashay in kulankani laa gorfeyoo tirada hoyooyinka la badbadiye iyo ubadka la badbaadiye, waxana hadalkeedu uu dhigna sidan ”Waxa loo bahan hawlwadeenada cafimaadku iyago adeegsanaya xog sugan una adeegsanayan tirada caruurta iyo hoyoyinka la badbadiye oo wixi dhacdoyin oo dhan aanu isla eegno, marka wa in aanu guud ahaan eegno dhamaan bahida la buuxiye iyo ta dhimaan aanu iska xog waraysano.

Runtina anaga faa’ido ayey inu tahay marka uu wasirul dowlaha uu joogo oo uu culays saaro muhimada ay leedahay isku-duwida.”

Ugu dambayntina waxa hadal kooban ka soo jeediye kulankan lagu gorfenayoo xalada cafimaada ee gobolka Sool ku sugan yahay wasirul dowlahaa wasarada cafimaadka Somaliland Maxamud Aadan Jaamac isago la dar-darmay hawlwadenada wasarada cafimaadka gobolka Sool, waxana hadalkisu uu dhigna sidan “Isku-duwida masuuliyad dheerad ah ayaa idinka idin ka saraan, wayo waxa aad tihiin madaxdii gobolka iyo degamada ka war hayse oo shaqada aad soo qabatan ayey wasaradu ku dulaysa xogta aad ina soo sisaan ayanu wax ku qabanayna, marka ugu horeysa waxa aad iyo aad xogta iyo xog ururinta haday ku salaysan tahay talalka, hoyoyinka umul arooray iyo xalada cafimaadka guud intaba hadday ku salaysan tahay ba in aanu ogaano oo aanu xog sax ah inaynu helno ayanu uu bahan ahay.

 

Waxa aad idin ku boorineya oo aan idinku adkeenaya madamada aad musuul tihiin oo aad goobo badan oo cafimaad ah ka masuul tihiin, in aad nadafada goobaha aad uu ilaalisan.”  

COMMENTS
LINKS