Madaxwayne Siilaanyo Oo Saaka Safar Ugu Baxay Magaalada Gabiley iyo Waydiimaha Shacabka Ee Balan Qaadkii Gobolnimo!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo Oo Saaka Safar Ugu Baxay Magaalada Gabiley iyo Waydiimaha Shacabka Ee Balan Qaadkii Gobolnimo!!!
August 31, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(w.n) Madaxwaynaha Jamhuuriyada somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa saaka u anbabaxay safar ay gabiley ku tageen kaasi oo sida la sheegay ay ujeedadiisu tahay ka qaybgalka xaflada qalin jabinta ardayda jaamacada tima cade university

Sidoo wararka safarka madaxwyanaha aan ka helayno ayaa tibaaxay in uu  hal habeen ku sugnaan doona magaaladaa gabiley kaasi oo laasheegay in ay ujeedadiisu tahay sidii shacabka gobolka gabiley ugu qancin lahaa sobobta uu u dhamaystri waayay balanqaad yadiisii gobolnimo ee gabiley iyo duruufaha u saamixi waayay mudadaa lixda sano ahayd ee uu xilka hayay.

Balse shacabka gobolka gabiley ayaa lasheegay in ay iyagu la sugayaa su,aalo ah wax hortaagan dhamaystirka gobolnimadii gabiley iyo sobobta uu u fulin waayay balanqadkii

Wixii kasoo kordha kala soco shabakada wararka ee wajaalenews.net

Hargeisa office

 

COMMENTS
LINKS