faro Galinta Saldanada Subeer Awal Oo soo Cusbaanaatay Iyo Xubin ay Dhawaan Cumaamadeen Taageerayaasha Muuse Biixi Oo Dagaal Gacan Hadal ah Lagu Dhaawacay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
faro Galinta Saldanada Subeer Awal Oo soo Cusbaanaatay Iyo Xubin ay Dhawaan Cumaamadeen Taageerayaasha Muuse Biixi Oo Dagaal Gacan Hadal ah Lagu Dhaawacay.
August 31, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Dhaqdhaqaaqyada lagu carqaladaynayp saldanada guud ka ah ee beesha subeer awal Suldaan xasan suldaan Cabdiraxmaan oo dib usoo cusboonaatay maalmahan kadib markii ay bilaabeeen xubno daacad u ah murashax Muuse oo iyagu markii horeba  abuuray khilaafka saldana In ay  xubinta ay u cumaamadeen suldaanku ka hadlo warbaahinta dawlada si ay u hirgaliyaa sheegashadiisa taasi oo keentay mar labaad xasaasiyad ka dhex aloosanta beesha reer suldaan ismarkaana gaadhay in maalintii shalay in oday kamida odayaasha reer suldaan uu gacan saaro Maxamed Case oo mudo ku hawlanaa in uu yahay suldaan iyagoo gabi ahaanba ay kasoo horjeedaan qoyska reer suldaan iyo guud ahaan beesha subeer awal.

suldaan iyo muuse

gacan ka hadal ayaa  ka dhacay huteelka xaraf ee magaalada hargaysa kaasi oo dhaawacyo loogu gaystay xubintan ay madax martay doonista suldaanimadu iyo kala fogaynta isla qoyska reer suldaan oo ah qoys aan waligood lagu arag tafaraaruq iyo in ay u adeegaan cadawga saldanadan guun ka ah.

si dhab ah looma oga khaasaraha rasmiga ah ee soo gaadhay masuulkan sida khaldan loo cumaamaday iyo halka uu ku danbeeyay toona.

dhanka kale wasiirka warfaafinta ayaa isagu maalmahan safka hore kaga jiran duulaanka suldaanka guud  ee beesha subeer awal kadib markii uu joogteeyay baahinta wararka suldaanka waraabo utaaga ahi inuu ka baxo warbaahinta dawlada gaar ahaan IDAACADA RADIO HARGAYSA IYO TVGA QARANKA kaasi oo markii aanu waydiinay hawladeenada dawlada sheegeen in uu marka baahinta wararka inka sheegta suldaan beesha subeer awal uu faray wasiir CAADI oo lasheegay in uu ka amar qaadanayo Gudoomiye muuse biixi  oo ah cida kaliya ee duulaanka ku ah burburinta saldanada beesha uu ka soo jeedo.

COMMENTS
LINKS