Garyaqaanka Guud Ee Qaranka Oo Iftiimiyey Sababta Keenta Khilaafka Masuuliyiinta Hay’adaha Dawladda Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Garyaqaanka Guud Ee Qaranka Oo Iftiimiyey Sababta Keenta Khilaafka Masuuliyiinta Hay’adaha Dawladda Somaliland.
August 31, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews) -Garyaqaanka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdisamad Cumar Maal, ayaa tilmaamay sababta keenta isku dhacyada amma khilaafaadka dhexmara masuuliyiinta wasaaradaha ama hay’adaha dawladda oo marar badan soo martay dalka.

Garyaqaan Maal waxa uu sheegay in kala-xadayn la’aanta xilalka iyo masuuliyadaha ay kala leeyihiin madaxdu ay kow ka tahay isqabsiga ka dhex dhaca qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaarad ama hay’adeed mararka qaarkood, balse arrintaasi uu hadda xallinayo xeer loo sameeyey nidaamka maamulka dawladda oo dhawaan soo baxay.

“Waxa jira xeerka Kala-xadaynta Nimaadka Maamulka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxbannaan oo faafintiisu soo baxay horraantii sannadkan 2016.

Xeerkaasi waxa uu tilmaamayaa xilka iyo waajibaadka ay wasaarad ama hay’ad dawladeed leedahay, sidoo kalena wux u wax ka sheegayaa xilka iyo waajibaadka masuuliyiinta sare ee wasaarad ama hay’ad dawladeed leedahay ee wasiir, wasiiru-dawle, wasiir-ku-xigeen iyo agaasime, markaa waxa uu tilmaamayaa shaqooyin la kala leeyahay, laakiin meelaha qaarkood waxa laga yaabaa in aannu si faahfaahsan u sheegayn, balse marka xeerku dhaqan galo ee uu jiro sannad ama laba sanno waxa lagu sameeyaa kaabis ama wax-ka-beddelid wixii loo arko in aannu meelo gaar ah iftiiminayn,” ayuu yidhi Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo waraysi siiyey shabakadda wararka internetka ee Hadhwanaag shalay.

Mar la waydiiyey sababaha dhaliya khilaafkaad dhexmara masuuliyiinta sare ee wasaaradaha ama hay’adaha kale ee dawladda, waxa uu kaga jawaabay, “Waa run oo inta badan waxa keena ama horeba u keeni jiray in khilaaf yimaad (masuuliyiinta wasaaradaha ama hay’adaha) waxa la magacaabayaa masuul iyadoo aanay khaanad uga bannaanayn qaab-dhismeedka hay’addaas. Tusaale ahaan; wasaarad baa loo magacaabayaa wasiirul-dawle iyadoo aannu qaab-dhismeedkeedaba ku jirin, inkastoo Madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu magacaabo, haddana waa inuu marka hore wasaaradda ku sii jiraa shaqadeeda inuu geli kari oo khaanad uga bannaan tahay oo ay hore u sii jiraan waajibaadkii shaqadiisu, markaa haddii masuulkii loo magacaabo oo wasaaraddii ama hay’addii la sii dhiso intaan qofkii la keenin caadi bay noqonaysaa.

Innagu bilow baynu iska nahay oo waa dawlad cusub, waxa haddana laga yaabaa in wasaarad lahayd wasiir qudha laga daba geeyo wasiir-ku-xigeen, iyadoo aannu doorkiisa shaqo qeexnayn, kadibna wasiir-ku-xigeenkaasi shaqadii isku fahmi waayaan, wax noocaas ah ayaa abuurmi jiray, laakiin imminka waxaad mooddaa in xeerkaasi wax badan dawo ka noqonayo,” ayuu ku soo ururiyey hadalkiisa Garyaqaan Maal.

COMMENTS
LINKS