Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolka Minesota Oo Lafilyo In Uu kamid Noqdo murashixiinta Madaxwayne Kuxigeenka u Tartamaya Iyo Qaban Qaabada Soo Dhawayntiisa Oo Laga Dareemayo Caasimada, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolka Minesota Oo Lafilyo In Uu kamid Noqdo murashixiinta Madaxwayne Kuxigeenka u Tartamaya Iyo Qaban Qaabada Soo Dhawayntiisa Oo Laga Dareemayo Caasimada,
August 31, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Gudoomiyaha xisbiga wadani ee gobolka minisota ee Dalka maraykan Aqoonyahan Cabdiraxman Daahir Aadan  ayaa la filayaa in dhawaan Lagu soo dhaweeyo caasimada somaliand ee Hargaysa oo maalmihii udanbeeyay laga dareemo qaban qaabada soo dhawayntiisa,

MURASHAX AQOONYAHA  CABDIRAXMAAN

Sidoo kale Aqoonyahan Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa lafilayaa in uu safka hore la galo murashixiinta u tartamaysa jagada  madaxwayne kuxigeen ee xisbiga wadani oo lafilyo in dhawaan ay dhacdo doorashadeedi

Aqoonyahan Cabdiraxmaan ayaa ah xubnaha miisaanka ku leh xisbiga wadani  gudihiisa isagoo laf dhabar u ah masuuliyiinta qaybta laxaadka leh ka qaatan soo ururinta dhaqaalaha uu xisbigu ku socdo

Sidoo kale masuulkan ayaa saamayn siyaasadeed ku leh Gobolada Galbeedka sSomaliland ee Gabiley iyo Awdal.

Isku soo wada duuboo waxaa laga warsigu doonaa  soodhawayntiisa iyo sida uu wax uga badalo shaxda murashixiinta u tartamaya madaxwayne kuxigeenka xisbiga wadani.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS