Wali Maynu Helin Dawladaynu Rabnay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wali Maynu Helin Dawladaynu Rabnay,
September 13, 2016 - Written by Editor:

Dalkan aynu ku noolahay ee jamhuriyada Somaliland waxa uu soo maray marxalado badan oo midiba mid ka sii darnayd oo ay ugu horeeyeen cadaadis isir dagaalo iyo qax ay dadku baro kaceen,marxalado qas iyo dhib badnaa oo dawladnimadu shaqayn wayday dagaalo sokeeye sixir barar iyo lafdhabartii dhaqaalaheena oo la inaga iibsan waayey (xoolaha nool) samir iyo dedaal adag oo ay bulshadu dhexda xidhatay ayeynu kaga soo baxnay waxaasi oo dhan.

Dhibaatooyinkaa ina soo maray iyo marka aynu eegno  kuwa ka socda jaararkeenu somalia waxa ay ina dhaxalsiiyeen in aynu qiyaasi (cabiri) kari wayno oo aynu garan wayno dawladnimada aynu rabnay tii ay ahayd hadba inta aynu haysano uun ku mitidno oo aynaan is odhan hore u socda.

Dawladnimada aynu doonaynaa waxa ay ahayd :-

  • dawlad sharcigu sareeyo oo aan cidina ka sarayn
  • dawlad umada ka ilaalisa in ay yeelato dabaqado sare iyo kuwa hoose oo baa’ba ah
  • dawlad ina siisa waxbarasho tayo leh oo lacag la’aan ah
  • dawlad ina siisa caafimaad tayo leh oo lacag la’aan ah
  • dawlad ina siisa biyo inagu filan lacag la’aan ama aad u jaban oo qofkastaa iibsan karo
  • dawlad ina siisa nal (laydh) lacag la’aan ah ama aad u jaban oo qofkastaa isticmali karo
  • dawlad bulshadu ku leedahay xuquuq siman oo muwadinimo
  • dawlad u adeegta danyarta ee aan kaliya u adeegin inta wax haysata
  • dawlad cadaalad iyo sinaan umada ku dhaqda
  • dawlad sharciga aan cid gaar ahi ku adeegan
  • dawlad loo siman yahay khayraadka iyo dhaqaalaha dalka
  • dawlad dhalinyaradu hogaamiso oo kartidooda iyo aqoontoodu ka muuqato
  • dawlad xuquuqda dumarka siisa oo ku salaysan diinta islaamka
  • dawlad hantida umada u ilaalisa oo wax ugu soo darta ee aan waxba ka lumin(iibin)
  • dawlad ganacsiga dalka maamusha oo aanay ganacsatadu maamulin
  • dawlad damaanad qaadi karta in ay wax kasta oo dibada ka imanaya ka eegto dadkeeda
  • dawlad aan qabyaalad iyo qabiil lagu maamulin ee aqoon iyo karti lagu maamulo
  • dawlad qofkasta oo muwaadin ahi awoodi karo in uu wax barto
  • dawlad dalka diinta islaamka ku dhaqda
  • dawlad ka mid ah dawladaha caalamka ee la aqoonsan yahay.
  • dawlad shaqo u abuurta da’yartaa wax baratay ee suuqyada tuman badhna badaha ku daateen
  • dawlad dadka bilaa xirfada ah barta xirfado shaqo oo ay ku shaqo tagi karaan.

Hadaba waynu heli karnaa dawladaa aynu uga baahanahay waxaas oo dhan cid kalena kuma xidhna ee inaga oo ah dadka reer Somaliland ayey inagu xidhan tahay sidii lagu helayey oo dadka aduunka ku nooliba way soo wada mareen marxaldo adag laakiin isku duubni iyo karti ayey kaga badbaadeen oo ay kaga baxeen inaguna hadii aynu sidan yeelno waynu ka bixi karnaa

  • in dadka reer Somaliland oo dhami is cafiyaan iyaga oo isku niyad sana ay doortaan hogaan
  • in aynaan qabyaalad iyo reer waxba ku dooran ee aynu ka fikirno mustaqbalkeena
  • in dadka reer Somaliland isku duubnaadaan oo danta qaranka meel uga soo wada jeedaan
  • in aynu qiimayno aqoontiisa iyo kartidiisa iyo diintiisa qofka aynu hogaanka u dhiibanayno.
  • In aynu diidno in beelnimo iyo reero la inoola shiro marka danta la inaga leeyahay ee intii isku deegan ahiba iyaga oo midaysan dan guud kala hadlaan cidkasta oo doonaysa in ay dalka hogaan u qabato.
  • In deegaan waliba qofka ugu aqoonta badan ama ugu kartida badan ama ugu Alle ka cabsiga badan ee aqoonteeda leh usoo xulaan kuraasta qaranka ee golayaasha deegaanada iyo baarlamaanka.
  • In aynu ogaano cida aynu dooranaynaa in ay masiirkii umadan iyo mustaqbalkii ubadkeena tahay si lexo jeclo lehna u lafo gurno oo taxadir leh cidkasta oo aynu dooranayno.
  • In aynu la xisaabtano oo ku daba socono cidkata oo aynu dooranay si aanay wadada uga baydhin.
  • In aynu bulsho ahaan inagu istaakulayno oo keena baahan soo gacan qabano oo isku naxariisano.
  • In aynu garab istaagno cida aynu hogaanka u dhiibanay oo u hogaansano maamulka dawladnimada

 

Hadii aynu bulsho ahaan intaa iyo inkale oo la mid ah oo wada wanagsan ku guulaysano waxa aynu noqon doonaa umad hesha qaran iyo dawladii aynu doonaynay ee horumarka iyo barwaaqada umada gaadhsiin lahayd waxa aan ku soo gabogabaynayaa qoraalkayga tixdii abwaan Gaariye Alle ha u naxariistee tuduc ka mid ah :-

(waxa aan doonayaa qaran,qaran dhaama kii dumay)

MOHAMED ABDI JAMA DHIMBIIL

COMMENTS
LINKS