Madaxdeenu Waxay ku Dhaqmaan Casharadii ay ka Barteen Macalinkoodii Mohamed Siad Barre, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxdeenu Waxay ku Dhaqmaan Casharadii ay ka Barteen Macalinkoodii Mohamed Siad Barre,
September 15, 2016 - Written by Editor:

Madaxda maanta hogaamisa dalka intooda badani waxa ay la soo shaqeeyeen kalidii taliyihii arxanka darnaa ee Mohamed said barre oo aynu odhan karno dhaqanadii uu lahaa kacaankiisii ayey wataan dhaqanaadaa waxaa maanta inoo muuqda qaar badan oo qof kastaa arki karo kuwaasi oo ah in dadka la kala qoqobo oo beel beel loo kala xidho oo la yidhaa reer hebel dawladnimadeena ayay ka soo horjeedaan halkii la iska ilaalin lahaa cadawyo dibada kaga imanaya qaranka ayaa dadka gudahooda la isku jeediyaa si danaha laga leeyahay looga fushado,waxa la abuuraa mashaariic aan dhamaan oo bulshada farta loogu fiiqo si looga dhigo in wax loo qabanayo lama cadeeyo dhaqaalaha ku baxaya mashaariicdaa iyo mudada ay dhamanayaan oo lama ogola in si cilmiyeysan loo sheego waayo waxa laga leeyahay dan gaar ah cid gaar ahna waa lagu naas nuujiyaa, cidii wax ka sheegta ama soo hadal qaada waxa lagu tilmaamaa in ay horumarka dalka diidan tahay oo waliba cid kale oo cadaw ahi ka dambayso.

macalinkoodii

Waxyaabaha ay kala mid yihiin waxa ka mid ah hadaynu qodobayno:-

Amaanta ayuu jeclaa oo uu wax ku bixin jiray iyaguna way jecel yihiin oo waxbay ku bixiyaan

Madaxda la shaqaysaa waxa ay u kala awood badnaayeen sida ay ugu kala dhow yihiin cida talada dalka haysa ama saxiib gaar ah ula yihiin , taas ayaana lagu qiimayn jiray awoodahooda shaqo ee laguma qiimayn jirin sida ay qarankooda daacad ugu yihiin

Qoyskiisu waxa ay ka mid ahaayeen xukuumada sida maanta ka muuqata in qoyska madaxdu xukuumada ku jiraan taladana iyagu gacan xoogan ku leeyihiin

Sharci jabinta markii uu dalka qabsaday waxa uu laalay dastuurkii dalka u yaalay waxaana lagu maamuli jiray mid isagu samaystay, maantana si dadban ayaa sharciga loo laalay laguna dhaqmaa shuruuc raali galisa hadba cidii talada haysa

Xukun jacalka oo uu aad u jeclaa isaga dartiina uu u burburiyey dawladnimadii maantana waad aragtaan xukun jacaylka madaxdeena dhamaantood nina mudadii la doortay oo kaliya kursiga kuma fadhiyo ee waxa uu sameeyo marmarsiiyo uu ku korodhsado xilka uu umada u hayo.

Kalsooni daro uu qabay ayaa dadka uu shaqada uu xilalka u magacaabo uu dadkale hoos dhigan jiray, taasina waa mid uu dalkeenu caan ku yahay.

Ku maaweelinta shicibka masaakiinta  dhalanteedka iyo beenta oo ah adhi daasad kama ilbaxo, humaagyada beenta ahi waa waxa ina daashaday

In cidii fikir ahaan ka soo horjeeda kacaanka la cadaadiyo nalka iyo biyahaba laga jaro si ay ugu soo baahato isaga waa hadii la daayo dil iyo xadhige, waa dhaqan jira

In shaqsiyaadka danta laga leeyahay xilalka ugu waaweyn loo dhiibo ama dhawr xil la isugu daro oo loo yaqaan (ahna ahna)

In hayadaha qaranka loo adeegsado sifo ka duwan qaabkii loo talo galay oo ay ugu horeeyaan sirdoonka qaranka,garsoorka iyo ciidamada danbi baadhista iyo qaar kale oo badan.

In dawladnimada cid gaar ah lagu naas nuujiyo oo ah dhaqankii uu caanka ku ahaa kaasii oo saamayn wayn inagaga tagay oo ninkastaa marka uu kursiga yimaado sameeyo cid uu ku naas nuujiyo.

In shicibka la soo galiyo wararka la damacsan yahay ama ficilada ay dawladu ku talaabsan doonto si ay dareenkooda u ogaato.

In uu masuul kastaa samaysto dad u gaar ah iyo marfishyo danihiisa looga ololeeyo si uu xilka ugu waaro.

In dadka beel beel, ardaa ardaa, jufo jufo, qabiil qabiil lookala qoqobo iyadoo dano siyaasadeed laga leeyahay oo la diidayo in ay midoobaan oo ay ku toosaan cidaa meesha fadhida, taasi oo keenta dagaalo sokeeyo iyo colaadaha maanta aan dadka somalida ah ka dhamaan meelkasta oo ay joogaan.

Ma soo koobi karo dhaqanada xun xun ee aynu ka dhaxalnay kacaankii majaro habaabiyeyna dawladnimadii ee dadweynaha masaakiinta ahna ku riday jaah wareer iyo in ay garan waayaan meel wax u socdaan dabadeedna ka dhursugaan uun hadba waxii ka soo baxa dawladaa meesha joogta.

Waxa aan ku soo gebobaynayaa qoraalkayga in aanan cid gaar ah khusayn ee cidii dhaqanadaa leh uun uu khuseeyo, aan jecelahayna in ay iska daayaan oo Alle ka baqaan umadana si daacadnimo ah u hogaamiyaan Alle swt wuu ku asturi doonaa haday sidaa yeelaan.

ALLAA MAHAD LEH

MOHAMED ABDI JAMA DHIMBIIL

 

COMMENTS
LINKS