Gudoomiyaha Maxkamada Sare Aadan x Cali Ma Badbaadin Doonaa Burburka Ay Qarka u Saaran Tahay Dimuquraadiyada S/land ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Aadan x Cali Ma Badbaadin Doonaa Burburka Ay Qarka u Saaran Tahay Dimuquraadiyada S/land ?
September 16, 2016 - Written by Editor:

Milicsiga Mashruucyadii Isku Xig Xigay  Ee Dhabada U Xaadhay In Dimuquraadiyadii S/land Cagta Saarto Jidkii Burburka Iyo Kaalintuu Madaxwayne Siiraanyo Ku Lahaa Khilaafyadii Burburiyay Xisbigii Udub Iyo kan Ucid Oo Qarka U Saaran jidkii burburka .

QORMADII: 1 aad

HARGAYSA(W,N) Waxaa hubaala in Dimuquraadiyada Caalamku ku taagan tahay Lix Tiir oo kala ah Xisbiyo Siyaasadeed ,Madaxwayne La Doortay ,Golayaal SHarci Dajineed oo La doortay , sida Wakiilada , Guurtida , Golayaasha Deegaanka , Garsoor Madax Banaan ,Saxaafad Madax Banaan , Iyo Ururo Bulshada aan Dawliga ahayn, iyadoo Lixda Tiir Distoorka S/land si cad u qeexay Taasi oo Tallabadan uu qaaday Gudoomiyaha Maxkamada Sare DR Aadan X Cali ay muujinayso  isku dheeli tirnaan Lixda Tiir ee Dimuquraadiyadu ku taagantahay iyadoo Gudoomiyuhu  mawqif cad iska taagay dib u dhac ku yimaada Doorashooyinka waqtigii uu hore Go”aanka uga soo saaray mar uu ka hadlayay Madal Dalada Ururada Bulshada Dawliga ahayn ee Sonsaf 7/9/2016 kaga dhawaaqeen Gudida Xalinta Khilaafaaadka Xisbiyada Siyaasada iyo Arimaha Doorashooyinka oo Khilaaf hor leh ka dhex abuuray Komishanka Doorashooyinka Qaranka  oo ku tilmaamay Gudi Sharciga Baalmarsan  waxaana  isa soo taraya hambalyada iyo bogaadinta Bulshada S/land u dirayso Gudoomiye Maxkamada Sare DR Aadan X Cali iyagoo ku bogaadinaya in Tiir ka mida Tiirasha  ay ku taagantahay Dimuquraadiyada Caalamku oo ah Waaxda Garsoorku ay maanta u guntaday badbaadinta Dimuquraadiyada S/land iyo  dib u dhac ku yimaada Doorashooyinka  S/land ilayn Hall diidaysaa geed ay ku xoqato ma waydee.

MAXKMADA SARE 1

Inkasta oo Warwarka iyo walaaca laga qabo in ay burburto Dimuquraadiyada Sland  ay ahayd  mid sii badanaya Sannadahan  u danbeeyay  ee Mudo Xileedka  Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiye Saleebaan isku kaashadeen mudo kordhin iyagoo  xoog dhaqaale iyo xeelado siyaasadeed oo waayo aragnimo  xambaarsan u adeegsaday Burburinta Dimuquraadiyada Sland iyo qawaaninta dalka marka aad eegto burburkii ku yimid Xisbigii Udub oo Masuulkii Afkiisa ka qirtay in uu sobob u ahaa burburkii Xisbigii Udub kaasi oo  Madaxwayne Siiraanyo u magacaabay uguna Abaal guday Xilka Wasiirka Arimaha Gudaha S/land waa Cali Maxamad Waran Cade sidoo kale waxay Taariikhdu ka marag kacaysaa Afartii Bilood  ee u horaysay waxuu bilaabay Xeeladii koowaad isagoo dhamaadkii bishii tobnaad ee 2010 uu  Madaxwayne Siiraanyo soo jeediyay in Sadex Sanno loo kordhiyo  Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida .

Sidoo kale waxay Taariikhdu ka marag kacaysaa in markii Madaxwayne Siiraany la doortay saaxada Siyaasada lagu arkay Khilaafyo Cakiran oo ka dhex dhaca  Masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiyadii  Doorashadii Madaxwaynaha Tartanka la galay Xisbiga Kulmiye ee Madaxwayne Siiraanyo lagu doortay iyadoo  Hogaankii ugu sareeyay Xisbigii Udub  isku Khilaafeen Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga Udub yeelanayo sidoo kale waxuu Xisbiga Ucid ka dhex dhacay Khilaaf xoogan oo u dhexeeyay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Masuuliyiintii ku xigtay Dabayaaqadii Sannadkii 2011 khilaafkan oo salka ku hayay Hogaaminta ama Gudoomiyaha iyo Murashaxa Xisbiga Ucid  ee Mustaqbalka Dacwadaas oo Gudoomiyihii  Maxkamada Sare ee Waqtigaasi Yuusuf uu  ku soo Gunaanaday Go”aan Xaal mastuura oo  baalmarsan  Xeerka Axsaabta iyo wada lahaanshaha Xisbiyiyada Siyaasada oo Xeerka iyo Sharciga S/land si cad u qeexayo wada lahaanshahooda ,

Balse  waxay  xiligan   Bulshada S/land isha si gaara ugu haysaa go”aanka Gudoomiyaha  Maxkamad Sare DR Aadan X Cali uu ka soo saaro Dacwada Xisbiga Ucid . oo ah mid xasaasiya kana duwan taa ay hore uga soo garnaqday maxkmada sare marka laga eego dhanka masuuliyiinta iyo talaabooyinka gudoomiyaha xiligan oo shacabka somaliland  ka filayaan go,aan qaranka badbaadiya.

Xeer la”aan waa la xoolaabaaye Dhacdooyinkaa kor ku xusan iyo furitaankii Ururada Siyaasadu waxay Dhabada u xaadheen Habqanka iyo Habaaska ay dimuquraadiyada S/land  cagta saartay iyo burburka looga baqayo in ay burburto Dimuquraadiyadu  Mudo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo waxaana xusid mudan Jahawareerkii  iyo jaantaa rogantii Xeerkii Ururada Siyaasada ay ka  dhigeen  Madaxwayne Siiraanyo Gudoomiye Saleemaan iyo  Gudoomiye C/raxmaan Cirro ay sobobtay in Ururadii  Siyaasadu ay noqdaan kuwo ku tartama  qaab beelaysan iyadoo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa laga dheehan karo Qabyaalada lagu bineeyay  Ururadii Siyaasada iyadoo Doorashada kaliya ee Madaxwayne Siiraanyo Mudo Xileedkiisa Dalka ka dhacday ay Taariikhda kaga xusan tahay mid Dhiig ku daato oo muran kala fogaansho hor leh u horseeda Bulshada S/land .

Waxaase iswaydiin mudan maxay khilaafyadani u dhici waayeen Mudo Xileedkii Madaxwaynihii Hore ee Daahir Rayaale ? Maxaase ku soo beegay khilaafyadan Xisbigii Udub Burburiyay Xisbigii Ucidna la sakaraadayo Mudo Xileedka  Madaxwayne Siiraanyo ? Maxaase Ururadii Siyaasada ee cusbaa ku Qasbay ee jidka ku riday in ay ku Tartamaan  Qabyaaladan Qaawan ?  Maxaase sobobay in Mudo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo in Saaxada Siyaasada lagu Tartamo Garoonka Qabyaalada ?  Ma muuqataa kaalinta uu Madaxwayne Siiraanyo burburkii Xisbigii Udub marka aad eegto Qirashada Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Cali Warancade ee burburintii Xisbiga Udub ?

LA SOCO QAYBO KALE OO XIISO BADAN

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF

COMMENTS
LINKS