Muj Cali Guray Oo ka Digay Qorshe La la Damacsan Yahay In Go,aanka Maxakamada Sare Ee khilaafka Ucid lagu Majaro Habaabiyo, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj Cali Guray Oo ka Digay Qorshe La la Damacsan Yahay In Go,aanka Maxakamada Sare Ee khilaafka Ucid lagu Majaro Habaabiyo,
September 16, 2016 - Written by Editor:

“Hadii ay run tahay waxay noqonaysaa in musharax Jamaal Cali Xusena ku biiro ragii hore ee loo dilay Musharaxa Kulmiye Waxanay Meesha ka Saaraysaa in Aan Doorasho iyo Tartan lagu kala heli Doonin kursiga Madaxwaynaha”CALI GURAY

Go’aanka Maxkamadda Sare ku dhawaaqi doonto dad baa caawa suuqa wadwada. La lahaa sidii Faysal yidhi Jamaal maaha musharaxa rasmiga ah ayuu noqonayaa. Ninka ku dhawaaqi doonaa ayay leeyihiin ma noqon doono Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee waa xubin kale oo isla reerka (HA) ka soo jeeda. Run ahaa been ahaa mooyi!

Arinka rasmiga ah ee la isku hayayna kaas ayuu ahaa.

Hadii ay run tahay waxay noqonaysaa in musharax Jamaal Cali Xusena ku biiro ragii hore ee loo dilay Musharaxa Kulmiye waxanay meesha ka saaraysaa in aan doorasho iyo tartan lagu kala heli doonin kursiga Madaxwaynaha ee ninkii xoog leh ee isagu buur ah buurna ku tiirsani gar iyo gardarroba uu shan farood iyo calaacal ku qaadanayo. Taa macnaheedu waxa weeye musharaxa soo hadhay ee mucaaridka ahi hadii uu 90% helo codadka in aanu jirin kursi uu ku fadhiisan doonin. Tii Allehna maqan oo wax aan looxal maxfuudkiisa ku sii qornayn oo dhici karaana ma jirto. Markaa bal aan isu eegno Adoon Ilaahay talo saartay cidna aan dulmayn daacadna ah iyo qof qof talo saartay oo aan Ilaahay wax kalsooni ah ku qabin. Anigu waxan leeyahay (LAN YUSIIBUNA ILAA MAA KATABALLAHU LANAA HUWA MAWLAANAA FACALALAAHI YATAWAKALUL MU’MINIIN)

 

Waana War Warkii Ee Waxan Hubo Maaha

COMMENTS
LINKS