Hadalka Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Waxuu ahaa Waano iyo Wacdi ku Socota Warbaahinta Mana aha in Si Qaldan loo Turjumo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hadalka Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Waxuu ahaa Waano iyo Wacdi ku Socota Warbaahinta Mana aha in Si Qaldan loo Turjumo.
September 17, 2016 - Written by Editor:

Hadalka Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Waxuu Ahaa Waano Iyo

Wacdi Ku Socota Warbaahinta Mana Aha In Si Qaldan Loo Turjumo

Subcintayda maansadu

Waano weeyi soocoo

Wariyahay ku socotaa

Saxaafada dhamaanteed

Salaanbaan u dirayaa

Ma ogtahay siciidow

Saxaafadi in ay tahay

Saldhigii aqoontoo

Tabintuna sir leedahay

Erayadii Abwaan Sacad X Gadhle Maansadii { Saldhigii Aqoonta}

maansada oo dhamays tiran xaga hoose ka akhri

Si Xun U Sheeg Sixir Ka Darane Hadalka Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud

Xaashi Waxuu Ahaa Wacdi Iyo  Waano Saxaafada Ku Baraarujinayo .

Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle ayaa sheegay in si xun loo turjumay

hadal uu Wasiirka Madaxtooyadu Maxamuud Xaashi ka jeediyay Xaflad  soo

dhawayn ah oo loo qabtay Waftigii Wasiirada ee Magaalada Dubay u tagay

heshiiskii Maalgalinta Dakada Barbera isagoo madasha Xaflada Wasiirka

Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ka jeediyay weedho Wacdi iyo Waano

xambaarsan oo saxaafada ku baraarujinayo isagoo Wasiirku sheegay in

bahda warbaahinta looga baahan yahay in ay garab joogsadaan Horomarka

iyo Talaabooyinka ay Qaranka Faa”iidu ugu jirto sida Maalgashiga

Dakada Barbera Saxaafadu Taageerto iyadoo warbaahintu masuuliyiinta

dawlada  timaan iyo toosin danta guud iyo xaqiiqda ku qotonta  la

garab joogsanayso waxaanu Abwaanku sheegay in warbaahintu ka

waantoobaan Xaqiraada iyo Xajiimaynta Masuuliyiinta dawlada .

Sidoo kale Abwaan Sacad X. Maxamuud Gadhle waxuu sheegay in Maansada

Saldhigii Aqoonta uu curiyay Sanadkii 2013  sida magaceeda ka muuqata

uu Saxaafada ku tilmaamay (Saldhigii aqoonta) waxaanu sheegay Abwaanku

in  maansadani xambaarsantahay waano iyo tilmaamo si qotodheer u

iftiiminaysa waajibaadka (Wariyaha ama suxufiga) sidoo kale waxuu

sheegay Abwaanku in uu arko in murtida maansadani xambaarsantahay

duruus ama casharo looga baahanyahay in uu suxufigu barto hadii aan

faah_faahiyo waxay baydadka hore aan ku xusayaa  sil_siladii caanka

ahayd ee (Siinlay)  silsiladaas oo curatay sanadkii dhalashadayda

saamayn balaadhana ku yeelatay guud ahaan bulshada afka soomaaliga ku

hadasha meel kasta oo ay joogaan mar labaad midhaha maansadani waxay

daaha ka qaadayaan asluubta iyo anshaxa wanaagsan ee looga baahan

yahay (Wariyaha ama suxufiga) mar Sadexaad waxuu sheegay Abwaanku in

maansadani si mug leh oo miisaaman u iftiiminayso Sagaashan qodob oo

wariyaha ay lagama maarmaan tahay in uu  ku dhaqmo  waxaanu sheegay

Abwaanku in uu aaminsanahay in Sagaashanka qodob ay saldhig u noqon

doonaan xeerka saxaafada ugu dambayn waxuu sheegay Abwaanku in uu u

arko  in ay maansadani wax badan ka tari doono  wacyiga wakhtigan ay

ku sugantahay saxaafadu Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Maansadii

Saldhigii Aqoonta  waxuuna ku bilaabay sidan.

 

Gaariyow suugaantii

Todobaatan iyo sadexdii

Abwaankii sameeyee

Weedhaheeda soo simay

Maan galin safkoodii

Sabi baan ahaayoo

Sanqadhii baxaysiyo

Waayaha lamaan socon

Saakana xus wayniyo

Sanad guuro wacanbaan

Uga dhigay silsiladaas

 

Subcintayda maansadu

Waano weeyi soocoo

Wariyahay ku socotaa

Saxaafada dhamaanteed

Salaanbaan u dirayaa

Marka xiga siciidow

Cadaaladu siday tahay

Lama kala sareeyee

Suuradiisa aadmiga

Sadarada aqoontaa

Lagu kala suntaayoo

Lagu kala sifeeyaa

Ma ogtahay siciidow

Saxaafadi in ay tahay

Saldhigii aqoontoo

Tabintuna sir leeyahay

Ma ogtahay siciidow

Suxufigii hanoonsani

Sooma jeeste weeyoo

Socodkana ma daaloo

Sahanbuu galaayuu

Warar sugan ku keenaa

Saadaasha gaarka ah

Suuraynta faalada

Sobabaynta kama tago

Ma ogtahay siciidow

Suxufigii hanoonsani

Sabaduu ku noolyahay

Saamayn ku leeyahay

Bulsho waynta sixi karo

Cadaaladiyo sinaantiyo

Samahana ka talin karo

Nabadana ku sugi karo

Ma ogtahay siciidoow

Runtu in ay sad wayn tahay

Saxansaxo udgoon tahay

Warka subag u yeeshoo

Sixin iyo baruur tahay

Suuq_gayna noqotoo

Sumcadeedu badantahay

Beentuna siniintoo

Siifadeedu kulushahay

 

Ma ogtahay siciid¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬ow

In sagaashan qodoboo

Warbaahinta u seesoo

Salka loo goglaa jiro

Saajinkii qoraalkow

Yuu kula sabaynine

Suryo weeyi adagee

Surinkaasi haba galin

Suubanaanta dhaqankana

Soohdintooda dhawroo

Sodohaha ha faalayn

In kastoon sabool nahay

Waajibaa ku saarane

Ha ku raadin sooryoo

Sii jeedka ha ku tabin

Ha ka suulin garashada

Dulmigana ha saacidin

Ha ku galin dir sooc iyo

Safashada qabiilkiyo

Sunta qaranka dumisiyo

Silbashada habawgiyo

Ka ilaali siliitada

Saxaafadu xor weeyoo

Ma taqaan safaadkee

Dulmigood salaaxdiyo

Sinji lagu amaaniyo

Suubintaa u daranoo

Si kalay ku noqotaa

Wariyuhu silooniyo

Sahwi buu ka qaadaa

Colaadaha sokeeyaha

Ha u qaadan soofoo

Ha ku saydhin wararoo

Boogaha ha sii sarin

Salaadiinta talisana

Dhaqankay sidaanoo

Xurma aada siiyee

Ka ilaali saxarkoo

Sad bursiiyo kula dhaqan

Mar_mar bay siqaanoo

Soone kale galaanoo

Hadal aan saluugiyo

Ku arkaa sitaadkee

Sibiq wixii ku dhaafana

Sajilaada  ha ku darin

Saacadaha qodaalkana

Ha la seexan garashada

Siidhiga afuufoo

Wacyi galinta siidaa

Sooryada kacaysiyo

Sirif bararka faalee

Ka warayso sariflaha

Siyaasada warkeeduna

Saaxad weeyi daranoo

Saxmad iyo wareerlee

Balamihii siyaasigu

Salaankani ku soo koray

Su”aalaha ka waydii

Sabaaluhu ma fiicnee

Sacabada ha hoos dhigan

Sarbi lagu uleeyiyo

Seef laga cabsoodaba

Saxaafadaa ka dhiganee

Haka baqo siyaasigu

Sharciguna siduu yahay

Ha u qaadan saafoo

Ha sadqaynin waligaa

Saraakiisha qarankana

Ha u sooxan xadhigoo

Ha ku jiidin seetada

Maamulkaa ku siriree

Madaxdana ha seelayn

Safiirada cadaankee

Samafalka ku magac dheer

Deeqbay sidaanoo

Dadwaynaha silcaayay

Sawirada ka qaataan

Sanduuqoogan buuxee

Suul dhabaale madhaniyo

Siminaaro lagu cuno

Soodhka soo faqaayee

Sandulaha waxqabadka ah

Sanka kaga tolaayaa

Horta suxufi waa adi

Ha sagsaagin weedhaha

Ku sargoo hal haysyada

Waa saaf afbadanee

Yuu saawir kaa noqon

Barnaamijkaad samaysaa

Suuradaha quraankiyo

Sunahana ha waafaqo

Culumada sexeexiyo

Caalimkuna ha kaa saxo

Saban baa la joogaa

Wadaadada la saaqoo

Sahaydii qurbaawiga

Suuqwayn la geeyoo

Sadaqada la daawado

Shaashadaha la soo safay

Sakhiraada wariyaha

Siiqadiisa xeel dheer

Waa dilaal sareexoo

Saylad xoogan joogee

Saliilyaan ka qaadee

Sasabaada ha ka dhimo

Saamigii wadaadkuna

Duco ha ku sabootiyo

DHAMAAD MAANSADII SALDHIGII AQOONTA

Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Hargaysa Somaliland

Tell:4669910

COMMENTS
LINKS