Dooda Kala Reebka Doorashada 2017: Musawir Muujinaya Nugeylka Siyaasadeena! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dooda Kala Reebka Doorashada 2017: Musawir Muujinaya Nugeylka Siyaasadeena!
September 17, 2016 - Written by Editor:

Hal-qabsi:

Qardoof iyo khilaaf teenu waa ka qoto dheertaye,

Halkuu qaranjabkeenuba ka dhacey, qiiqa damiwaayey,

Malaha qodaxda meel durugsan bay qaar ka dayayaane,

Qol-qolada guryahaa lagala yimid Qaasinow cudure…..

(Gabyaa Max’ed C/raxmaan X. Jaamac-Lugooyo- Gabeygii Qaran-jab).

 

Toddobaadkan dhamaadey ayaa M/weyne Axmed Max’ed Max’uud-Siilaanyo- soo saarey go’aan ku aadan sida ugu haboon oo suurto-gal u tahey meel-marka iyo qabsoomida Doorashada isbarkan ee kaldambe 2017. M/weyne Siilaanyo waxaa uu sheegey in la kala qaado labada doorasho oo golaha wakiiladu sidaa ku ansixiyaan ka dibna loo gudbin doono maxkamada dastuuriga ah.

Haddaba, waxaa yaab iyo amakaag ah in halka sida ay habooneyd aan loo abaarin marka arrimo sidatan isugu dabramaan. Waxaase  caado laga dhigtey dood cakiran iyo xaalad abuur hor leh oo aan wax daawo ah ugu fileyn dhaawaca iyo dhibta taagan. Waa hilaadinta majaro habow hor leh iyo mid curin cunfi huwan ugu filan saxaadeena siyaasada oo weli NUGUL! isla markaa weli naan qaan-gaadhin in kasta oo ay cimri da’ ugu filan tirsatey!

Waxaa cajiib ah, in arrinta iyo geedi-socodka mowduucakan aanu aheyn mid cusub ama si kedis ah aanu ku imaanin balse inta badan laga wada socdey oo tashiyo joogto ah laga wada lahaa muddooyinka u dambeeyey. Waabu bislaa sida macquulka marka aynu u eegno oo keliya go’aan qaadasho ayuu u baahnaa sidatan oo kale!

Haddiiba, M/weyne Siilaanyo go’aan qaatey, maxaa dhib ah ee ku jira? Jawaatu waxaa weeye, “Adhi shukux shukux kama ilm baxo” oo ka dhigan in la qabatimey Orta iyo durbaanada la tumo hadba cida ay ku jiifto oo shacabkeena lasoo dhex-dhigo! Hore ayaa macaash badan loogu helay oo waa mid loo bartey isla markaa maalinba mida ka dambeeyey la caadeysanayey tan inta ay dib-u-curatey Maandeeq! Bal wax yar dib u dhaado dhacdooyinka ku lamaanaa rubuc qarniga dhamaadey! Waa mid xiiso badan, waayo cajiib leh, oo muujinaya ayaan-darada laga lagala kulmey kuwa isu cumaamada SIYAASINIMADA OO AAD UGA DUWAN SIDA DUNIDA LOOGA YAQAAN! Kuweenu waa ma gudbayaal, malaha qorshe iyo himilo aan ka aheyn xil raadis si ay u helaan awood ay ku takri falaan oo ku daneystaan!

Haatan iyo Dan, waxba inooguma filna sida loo majaro habaabinaayo hindisa balse aynu naf hur iyo wadaniyad dhab la nimaadno si aynu guusha u gaadhno oo dib-u-dhac uga baaqsano!

Waxba inooma ah; qoraalka lagu magcaabayo arragtida beesha caalamka, sida aan toganeyn oo warbaahinta looga hadlaayo gaar ahaan inta ka biyo diidey go’aanka, kuwa sheeganaya musharaxiinta golaha wakiilada ee doorashada soo food leh hadalkooda (Meeye xisbiyada ay ka sharaxnaayeen)?, qaadhaanka beesha caalamka oo lagu la inoogu mano-sheeganayo, intuba waxa ay muujinayaan in aynaan si daacad, wadaniyad leh, oo dadnimo huwan aan loogu howlaneyn meel-marin hiigsiga himilada ummada. Waa Ayaan-daro weyn, oo inta badan ina bariinsatey muddada rubuc qarniga dhamaadey! Alley leh, in yar oo naf sameysey iyo taageerada shacabka ayaa lagaga baaqsadey hagardaamada tacadiyadaas muddooyinkaas rubuc qarniga ah.

Ninka hadda orta yeedhinayaa, goorma ayuu yimid oo ma mid maqnaaba, xaguu jirey inta wakhtigu is gurayay oo inta saarka qabtaa isugu timid misna dheeleysay, inta arrimuhu kala wareegayeen? Waxaa dhab ah, in isaga uu ugu horeeyo inta ay waajibtey in lala xisaabtamo? Kuwa uu ka mid yahey iyo kuwa ay is beegsanayaan weeye in aynu la xisaabtano?

Wakhti hore, ayaan maqaal sidatan oo kale uga faaloodey arrimahan hadda soo urrurey oo go’aan qaadasho keliya hadda inooga baahan. Bal dhaado, maqaalada “Maxaa caqabado ku noqon kara doorashada isbarkan ee kal-dambe 2017, iyo midka Saami-qeybsiga ku saabsanaa oo kala dambeeyey oo lagu ku baahiyey shabakadaha wararka. Runtu waxaa weeye, in tiro kooban sidatan oo kale wax u hilaadiso balse xiiso uma laha kuwa saarka siyaasadu madax marey iyo inta jibada ay ku talaaleen!

Gebo-gabada, waxaa haboon in aynu guntiga adkeysano oo muddo kooban ku bisleyno laba god oo dowladnimada inoo qabyo ah haddiiba aynaan dhameyn ay suurto-gal tahey in QARAN-JAB ALLE INAGUMA KEENO EH INA SOO WAAJAHDO; xeerka saami-qeybsiga ee golaha wakiilada iyo midka doorashada golaha guurtida oo ah midka qabyo badan. Inta kale dowladnimada waa la yagleeley balse kobcin, gardaadin, bisleyn, ku dhaqan, iyo qabatan dhab ah ayey inooga baahan tahey.

Gunaanad, aynu ka xorowno oo ka baaqsano kala taageerida ay xalaashadeen. CASAABADAHA AWOOD RAADISKA AH IYO KUWA AY ISBEEGSANAYAAN OO KU TAKRI FALAAYA DOWLADNIMA. Wax kasta oo rabaan shaadhka heybta ayey inoo geliyaan oo macaash ku helaan!

Dowladnimada aynu hiil siino kana shaqeyno meel-marka himilada QARANKA. Aan kusoo afmeero tixdan:

Nin wax diidan oon wadin,

Wax kale oo ka doorbido,

Wax uu doonayo Ayaan jirin……

 

Gabyaa M. X. Dhamac-Gaariye- Dabo-taxan-

 

Qalinka:        Mustafe Suleymaan Cilmi, Hargeysa, Somaliland.

 

Cell Phone: 00252 (0)634137470

Email: mustafe72@gmail.com

COMMENTS
LINKS