Suldaan Xasan Haduu Aniga i Taageersan yahay waa Suldaan Habar Awal Ah Haduu Jamaal Taageersan yahayna Ma Aha Suldaan Habar Awal!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaan Xasan Haduu Aniga i Taageersan yahay waa Suldaan Habar Awal Ah Haduu Jamaal Taageersan yahayna Ma Aha Suldaan Habar Awal!!
September 18, 2016 - Written by Editor:

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa wali gacanta kula jira hurinta dagaal dhiig ku daato oo ka dhex holca Qoyska Saldanada Subeyr Awal haya,kadib markii uu u qabsoomi waayay Suldaanka guud ee Subeyr Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan qoyska sandanada guud haya ayaa u sheegay dhaman beelaha habar awal iyo somalilandba inaan hanaan Dhaqan loo marin arinkaaas uu ahaana dhacdadii ugu xumayd abid ee dhaqanka somaliland soo martay muuse biixina ku suntanyhay

ceebtan intaas leeg oon waligiina ka hadhayn aano aan la ilaabina ku noqon doonta .Wiilkaasi oo qoyska Reer Garaad boon ku sheegeen inuu shaqo tagay ee aan saldanada sidaasi loogu ciyaari karin.

Waxaa uu Muuse Biixi shalay eidii la arkayey isaga oo u yeedhay suldaan isku sheega uu caleemo saartay isagy ee waraabe u taaga ah al islana qaatay inu isagu yahay Suldaanka Guud ee Subeyr Awal,waxaanay taasi mar kale Muujisay sida uu Muuse Biixi aanu wali uga tanaasulin Mindiyihii uu iskugu lisay ee uu iskugu dhiibayay Qoyska Reer Suldaan.

Waxa dhawaaan la sugayaa inuu Hargeysa Yimaado Suldaanka Guud ee Subeyr Awal Suldaan Cabdirisaaq Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan si uu si rasmi ah Cumaamada Suldanada Guud ee Subeyr Awal ugu wareejiyo Suldaan Xasan oo ku meel gaadh ahaan u haya.

Waxa kale oo la filayaa in qoyska sandanada subeer awal haya ee degaan ahaana degta galbeedka hargeisa degmada farawayne ilaa harta sheikh ahmed boon in ay shir balaadhan oo ay kaga tashanayan arinkan aan geedka lagu soo gaban ee sharaftiii ay lahaayen dhulka la gashay cadeeyaana mowqifkooda ku aadan arinkan muuse biixi iyo dadkii ka soo shaqeeyey arinkana ay runta u sheegan

Arintan oo samayn ku yeelan doonta musharaxnimada muuse biixi

Muuse biixi ayaa ilaa haatan cadey arintan halka uu ka taagan yahay

Ta kale reeraha uu codka ka rabo ayaa inta badan ku xujeeya aaway xidhaahagii ama suldaankaagii halka qaar kalena ay dhahaan nin aan suldaankiisaba wadan sideynu caruurteena ugu aaminaa ama cod u siinaaa

Arintan ayuu uuna muuse ka fikirin saameynta ay ku yeelan doonto mustaqbalkiisa siyaasadeed

Muuse ayaa waxa uu u arkay suldaan hasan nin khatar ku ah hankiisa madaxtinimo isla markana la ogaa halkiii uu suldaan xasan kala soo dhex baxay muuse biixi dadkuna odhan jireen suldaan xasan inaderkii muuse raacay

Khatartan uu muuse saadalsadey ayaa aheyd in uu suldaan xasan jamaal cali xuusenba suldaan u yahay kaana raaci kara markii xasan iska badal oo waxay la eekaatay agaasime la iska badalo taas oo uu inanka yar ee socod baradka ah u yagleelay in uu caleemo saaro halkee lagu arkay suldaan guud oo hotel yar oo dumar iyo caruur sacabka ka tumataan ha lagu badalo sandalad ka dhaxeysa subeer awal oo dhan oo 350 jirsatey ceeb ka weynayd may jirin arinkaas muusena wxey ku noqotay laf dhuun gashay oo uu ha hadhsan kari waayey meel kasto uu tagana laga hor imaad

Ta kale waxa la yaab leh shalay muuse biixi odayaal iyo salaadiin ayuu ku xidhxidhayey waqooyiga hargeisa isla markaana uu suldaan xasan ugu soo gabadey dagaal buu ka ridaya waqooyiga hargeisa ayaa la arkayey muuse oo isla laftigiisu ka hadlayey arinkaas isaga oo leh musharaxna waan ahay shalayna dhahayey suldaan xasan cod buu igaga ciyaaraya gobalada awdal maantana isagii dhex dabaashay

Muusow hadad sidan ugu hadlaysid qadiyada waqooyiga maxaad shalay salaadiinta ugu eedaynaysay kuwo lid ku ah siyaasadaada se qolloyinkan reer awdal ee qaylinaya mxd iyaga u eedan weday

W/Q Ahmed abdi osman

Uk.birmingham

aa0935968@gmail.com

COMMENTS
LINKS