WAJAALE NEWS

Eng Maxamed Xaashi Cilmi Halkeebaa Lagu Xisaabin Doonaa?

Anigoo ah Axmed-Saki Xaaji Ibraahim waxaan si qudh iyo maan ah uga xog kooban uga bixinayaa Arimaha khusuusiga ku ah Eng Maxamed Xaashi Cilmi iyo sida ay u tuhmaan dad badani islamarkaana, ay ugu haystaan nin Muumin ah oo ceeb ka saliim ah oo Daacad ah haseyeeshee, aanaey gun ahaan u ogan camalkiisa iyo Cibaadadiisa in faraq weyni u dhexeeyo Tusaale ahaana waxaan usoo qaatey Qodobadan hoos ku qoran.

1-Xiligii Halgankii Snm lagu guda jirey Eng Maxamed Xaashi Cilmi sida ay xustey Taariikhda halgankaasi isaga isugu mid umay ahayn Mujaahidiintu waxaanu mar walba dhex wadey eex iyo qabyaalad isagoo kamid ahaa ragii dhaqaalaha u hayey xiligaa Snm laakiin aan ugu dhaqmin markaa tubtii iyo tabtii looga baahnaa.

2-Markii lasoo guda galey dalka islamarkaana, shacbiga Reer Somaliland oo la ildaran diiftii iyo dangaaguradii kasoo gaadhay Dagaaladii iyo Qaxootigii waxa uu Maxamed Xaashi Cilmi cadaawadiisii jigjigada aheyd la dul fuuley Shacbiga Somaliland oo uu burbur iyo dumin aqalo gaadhsiiyay,wallow xiligani aheyd markii uu qabyaalada tooska ah muujiyay ee uu Maansoor Huteel dhulka uu ku fadhiyo uu dan guud ahaan kaga qaadey dadkii halkaa deganaa  iyadoo inyar kadibna uu kibir circa is mariyay islamarkaana, uu isku dherriyay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland halkaas oo uu laba cod oo kaliya ku helay taas oo illaahay ku tusayey cilmi badan oo la xidhiidha danyarta uu awooda u isticmaalay.

3-Hadaan inyar ka xusno mudadii uu joogay Wasaarada Maaliyada Somaliland oo Madaxweyne Siilaanyo xilka u dhiibay waxa uu circa geeyay Cashuurihii isagoo meel walba cumaha iskaga duubay islamaraana, horjoogsadey Warqad kasta iyo Qaanuun kasta oo uga yimaada dhinaca Masulyiinta Shaqaalaha iyo Maamulka Dawladaba sidii caadada u aheydna kibir circa isku magiigay danyarta iyo wadahatada iyo Ganacsatada garab raratada ahna cumaha wada qabtey oo kaadi kaga sii daayay isagoon eegayn islaanimo iyo dadnimo iyo wadaninimo midna,mararka qaarkood waxaabad is odhaneysaa ninkan Ina Xaashi ee bilaa naxariista ahi ma kootali hindi ahbaa ma Xabashi islaam sheeganayaa mise waa Yuhuudi qarsoon.

4-Sida caadada u ah mar kasta oo Xilka laga qaado ayaamo kadib wuxu gambadhka ugu soo fadhiistaa isla Xukuumadaa uu kamidka yahey iyadoon aan maalin qudha shacbiga Somaliland ku arkin isagoo wax fiican iyo talo qof kamid ah ka timid amaanya oo leh waa sidii loo bahnaa iyo wadadii toosneyd laakiin ay mar walba ka muuqato cusriyad,xaqiirad iyo waxyaabo badan oo ay ka reeanaan jireen shacbiga Somaliland ku abtirsada  Tusaale ahaan markii laga qaadey Xilkii Maaliyada oo Cabdicasiis Samaale kaga fiicnaadey aad ayuu uga hinaasay waxaanu Xukuumada la dul fuuleyu cay iyo dhaliil tii ka horeysay ee Rayaalena sidaa iyo si leeg.

5-Waxaan qodobkaygan ug dambeeya kusoo qaadayaa guuldarooyinka uu had jeer la kulmo Maxamed Xaashi Cilmi waxey soo taxnaayeen ilaa halgankii Snm waxaana sabab u ah Calooshiisaiyo carabkiisa oo aan islaheyn hadaan Tusaale usoo qaato xiligii Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay Gudoomiyanimada Snm islamarkaana, la sharaxey Marxuum Ibaraahim Maygaag Samater ninkii ugu horeeyay ee ka xumaaday isaguu ahaa waxaanu kaga horjoogsadey nidaam qabiil oo hoos u dhaadhac ah iyo munaafaqad guntan taas oo sabab u aheyd guuldaradii uu kaga lib helay Marxuum Cabdiraxmaan Tuur.

Isku soo wada duub oo Allaha naxariistii jano hasiiyee Abwaan Gaariye Wuxu yidhi.

“Nin dawee la leeyahey Dambi uu Badh leeyahey isagaey u daran tahoo in la daaro ma ogola daaraara mirirka leh”

Mahadsanidin

Qore Saki Ibraahim Axmed

Email:Zaki01@hotmail.com

Exit mobile version