Jawaabta Madaxwayne Siiraanyo Ugu Hal Celiyay Wadamada Geedi Socodka Dimuquraadiyada s/land ka Taageera Waxay Marag Cad u Tahay in s/land Cagta Saartay Jidkii kalidii Taliyaha!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jawaabta Madaxwayne Siiraanyo Ugu Hal Celiyay Wadamada Geedi Socodka Dimuquraadiyada s/land ka Taageera Waxay Marag Cad u Tahay in s/land Cagta Saartay Jidkii kalidii Taliyaha!!
September 20, 2016 - Written by Editor:

Gar maqaatayaashiyo dadkaa beera ruuxa gudhane

Ganbo ninaan la soo bixin hadii guulo lagu waabo

Markuu dhaawac  gaystaba hadii loo gargarateeyo

Isagoo canaan lagu gudbiyo gaaran filanaaya

Giblo iyo sacabo lulan hadii loogu gogol xaadho

Kalidii in uu guurti yahay maalintaa gunudye

Gabaygii Gudgude ee Abwaan Maxamad Ibraahin Warsame Hadraawi 1990

Maxay  Muxaafidiinta u sacab tumaya Digreetada Madaxwayne Siiraanyo ku kala reebay  codkeeda u muuqdaa? Maxaase codkoodii qariyay oo hoos u dhigay Muwaadiniinta Xaq u dirirka ah ee difaacaya Geedi socodka Dimuquraadiyada S/iand ? S/land miyay ka leexatay jidkii Dimuquraadiyada  ? S/land miyay ka maarantay Ictiraafkii iyo Aqoonsigii ay Beesha Caalamka ka sugaysay ? S/land miyay ka maarantay Gargaarka Dhaqaale iyo ka Bani Aadminimo ee ay ka hesho Beesha Caalamka ?Ma laga yaabaa in mudo xileedka  Madaxwayne Siiraanyo Dimuquraadiyada S/land Gacantiisa ku burburto ?  Waa maxay Qorshaha Labaad ee Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ee ku xiga Burburinta Dimuquraadiyada S/land ? Miyaanay muuqan in S/land ka jirin Xisbiyo Siyaasadeed oo isku dheeli tiran ?

Gorfaynta Qalin maalku waxay  si gaara diirada u saaraysaa Nuxurka  Jawaabta Madaxwayne Siiraanyo uu ka bixiyay Warqada Wadamada Geedi socodka Dimuquraadiyada ka taageera  S/land ay kaga soo dalbadeen in Madaxwayne Siiraanyo ku dhiirado Saami qaybsiga Golaha Wakiilada Doorashooyinka waqtigii loo cayimay ku dhacaan iyadoo Jawaabta  Madaxwaynuhu noqotay  mid baalmarsan Weedhihii  ay ku hadli lahayd Dawlad Aqoonsi Caalami ah ka Dunida doonaysa  iyadoo Nuxurka Jawaabta Madaxwayne Siiraanyo ugu jawaabay  beesha Caalamka ay ka muuqatay Astaamo badan oo lagu garto Kalidii Taliyaha waxaana ka mid ahaa,  Qodobada Distoorka oo si qaldan loo turjumo, Weedho Deel qaafa oo Afka Diblomaasiyada Baalmarsan  ,Islawayni  , iyadoo  Madaxwayne Siiraanyo  dhagaha ka furaystay in uu qaato Talada Beesha Caalamka kuna dhiirado Saami qaybsiga Golaha Wakiilada iyadoo Jawaabta Madaxwayne Siiraanyo  marag  cad u tahay in S/land cagta saartay jidkii kalidii taliyaha kana leexatay jidkii Dimuquraadiyada .

Hadii aynu dul joogsano Qodobada Distoorka S/land ee Madaxwayne Siiraanyo u cuskaday sida ku cad Warqada Madaxwayne Siiraanyo ugu Jawaabay uu yidhi { Arinta dib u dhigista doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynaha Madaxwaynaha Jamhuuriyada S/land waxuu ku go”aan qaatay waxaa ka mid ahaa Qodobka 8 aad ee Distoorka S/land Faqradiisa 1 aad iyo 2 aad Qodobka 22 aad iyo Qodobka 90 aad Distoorka S/land bal hadaba aynu eegno Qodobada uu Madaxwayne Siiraanyo u cuskaday Diidmada Dalabkii Wadamada Geedi Socodka Dimuquraadiyada Xaga Dhaqaalaha Ka Taageera S/land } bal aynu dul joogsano Qodobada Distoorka ee Madaxwayne Siiraanyo u cuskaday Jawaabta Beesha Caalamka

Qodobka 8 aad ee Distoorka S/land Faqradiisa Koowaad iyo Labaad waa sidan .

1 : MuwaadiniintuS/land iyadoon lagu kala saarayn Midabka,Qabiilka ,Dhalashada , Luqada , Lab iyo Dhidig ,Hantida, Mudnaanta Afkaarta IWM waxay Sharciga hortiisa  ku leeyihiin  xuquuq iyo waajibaad siman .

2 :  Kala saraynta iyo takoorka ku salaysan Isirka, Abtirsiga ,Dhalashada ,iyo Deegaanku way reeban yihiin isla markaana barmaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee soo jireenka ah waa waa waajib qaran .

Qodobka 22 aad ee Distoorka ee Madaxwayne siiraanyo u adeegsaday Jawaabta Beesha Caalamka .

1: Muwaadinin kasta waxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha Siyaasadeed , Dhaqaale ,Bulsho,iyo Hidaba ,si waafaqsan xeerarka distoorka .

2 : Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo waxuu xaq u leeyahay in la doorto waxna uu doorto .

Qodobka 90 aad ee Distoorka ee Madaxwayne Siiraanyo u adeegsaday Jawaabta Beesha Caalamka.

1: Madaxwaynuhu waa Madaxa Qaranka iyo Dawlada waana Astaanta Midnimada Muwaadiniinta waxuu  u xilsaaran yahay Daryeelka Haybada Dalka ,Ilaalinta Nabadgalyada ,Horomarinta Bulshada ,iyo Habsami u socodsiinta Maamulka Dawlada si uu gudan karo hogaaminta Siyaasada Xukuumada .

Bal Akhriste Dhugo oo u fiirso Qodobka Sagaashanaad ee Distoorka oo Madaxwayne Siiraanyo u cuskaday Jawaabta Beesha Caalamka Miyaanu isaga Distoorku siinin Go”aan ka gaadhista Saami qaybsiga Golaha Wakiilada ?

Hadii aynu halkaa ku dhaafno Qodobada Distoorka ee Madaxwaynuhu u cuskaday waxaa iswaydiin mudan  Jawaabta Madaxwayne Siiraanyo ugu halceliyay Dalabkii Wadamada Dhaqaalaha Badan ku Bixiyay Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land ma tahay Jawaab u qalanta ?

Weedhaha Afka Diblomaasiyada baalmarsan ee ku jiray Qoraalkii Madaxwayne Siiraanyo ugu hal celiyay Beesha Caalamka hadii aynu dul joogsano waxaa ka mid ahaa .

Beesha Caalamku hanaga taageeraan ama yaanay naga Taageerine waxaa naga go”an in Doorashada Madaxwaynaha iyo ta Golaha Wakiiladu ay ku qabsoomaan xiliga loo mudeeyo inkasta oo aan wali Naawilayno in Bulshada Caalamku ay gacan naga siin doonaan labada Doorasho .

Bal Akhriste Erayadan Dhugo oo u fiirso Miyaanay ka muuqan in aanu Madaxwayne Siiraanyo Aqoonsanayn xiligii loo Cayimay Qabashada Doorashada Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynaha ? Miyaanay Akhriste kaaga muuqan  Jawaabta Madaxwayne Siiraanyo Weedhihii kalidii Taliyuhu? Miyaanay kaaga muuqan in S/land ka maarantay Aqoonsigii aynu Beesha Caalamka ka sugaynay ?Miyaanay ka muuqan Jawaabta Madaxwaynahu ee Beesha Caalamku in Dimuquraadiyadii Cagta saartay jidkii Burburka ?

La Soco Qaybo Kale Oo Xiiso Badan

Subeer Sacad Daahir

waryaqaan@gmail.com

COMMENTS
LINKS