Madaxwayne siiraanyo waxuu ku Guulaystay Bilada Mudo kordhinta , B, Burburinta Xisbiyada Siyaasada iyo Bilada Laaluushka ama Dheemaalka oo Golayaashii Qaranka ka Dhigtay kuwo Madhalaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne siiraanyo waxuu ku Guulaystay Bilada Mudo kordhinta , B, Burburinta Xisbiyada Siyaasada iyo Bilada Laaluushka ama Dheemaalka oo Golayaashii Qaranka ka Dhigtay kuwo Madhalaysa
September 20, 2016 - Written by Editor:

Tan iyo maalintii uu Madaxwayne Siiraanyo Xillka kala wareegay Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin 27/7/2010 oo ah Madaxwaynihii Dimuquraadiyada  iyadoo Taariikhda lagu xusi doono Kartidii iyo Hogaamintii mudo Sadax Sanno gudahooda uu Sadex Doorasho ku qabtay bilawgii Hayaankii Dimuquraadiyada iyadoo Diiwaanada lagu xusi doono  in Madaxwaynihii  hore  Daahir Rayaale Kaahin uu Dalka ka qabtay Doorashadii Golayaasha Deegaanka 15/12/2002 halka Afar Bilood ka dib uu Doorashadii Madaxwaynaha Dalka ka qabtay 14/4/2003 halka Doorashadii Golaha Wakiilada uu Dalka ka qabtay 29/9/2005 waxaana xusid gaara mudan in Madaxwayne Siiraanyo  in mudo Lix Sanno ah uu Xillka hayay uu dalka ka qabtay Doorashadii Golaha Deegaanka oo 28/11/2012 Doorashadaas oo Taariikhda kaga xusan mid ay Kubka iyo Bawdada kaga jabtay Dimuquraadiyada S/land  dhiigna  uu ku daatay .

Waxaa kale oo xusid mudan in Mudo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo in uu  Xeelado  Xoolo iyo xoogba u isticmaalay Burburinta Dimuquraadiyada S/land iyadoo  Dagaal xoogan  ay ku qaaday Xukuumada  Madaxwayne Siiraanyo Xisbiyada Siyaasada ee Tartankii Doorashadii Madaxwaynaha ee 26/6/2010 Madaxwayne Siiraanyo kula tartamay Saaxada Siyaasada iyadoo Taariikhdu ka marag kacayso in mudo xileedkii Madaxwayne Siiraanyo Xisbigii Udub uu ku guulaystay in uu Burburiyo halka Xisbigii Ucid la Sakaraadayo ilaa maanta dacwadiisu Maxkamada Sare ku jirtu.

Mudo xileedka Madaxwayne Siiraanyo Dimuquraadiyadii S/land waxay noqotay mid u dabran mudo kordhin oo Labada Oday ee Ilmaadeerta ah Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleemaan Maxamuud Aadan iyo Gudoomiyaha Golaha Xukuumada  Madaxwayne Siiraanyo  iyadoo S/land Cagta saartay Jidkii kalidii Taliyaha iyo burburkii Dimuquraadiyadu .

Waxaanay taariikhdu ka marag kacaysaa in mudo kordhintu iyo Guushii  Madaxwayne Siiraanyo wada socdeen  iyadoo 7/9/2010 Golaha Guurtidu iyagoo fulinaya soo jeedinta Madaxwaynaha u kordhiyay Golaha Wakiilada mudo Laba Sanno iyo Sideed Bilooda halka Golaha Guurtidu isku kordhiyeen Sadax Sanno iyo Sideed billood iyagoo Golayaasha Deegaanka u kordhiyay mudo Sannad iyo Badha .

Mar Labaad 10/4/2013 waxay Golaha Guurtidu  mudo kordhin Laba Sanno ah u sameeyeen  Golaha Wakiilada  iyagoo is waafajiyay Dhamaadka Mudo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo iyo Golaha Wakiilada mar sadexaad 27/5/2015 waxay Golaha Guurtidu u kordhiyeen Golaha Wakiilada  Iyo Madaxwayne Siiraanyo  Sanad iyo Todoba Bilooda iyadoo khilaaf Cakiran ka dhacay ay Go”aan Maxkamada Sare ka soo saartay ay ku Go”aanmisay waqti kama danbaysa ee ay dhacayso Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynuhu  oo ku beegnaa 28/4/2017 .

Balse Ruqe Ninkii Lahaa Dabada Hayaa ma kacee waxuu Madaxwayne Siraanyo go”aan sharciga  Baalmarsan uu ku kala reebay Labadii Doorasho ee Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynaha  10/9/2016  iyadoo Sadax Maalmood ka dib Golaha Wakiilada oo aan Ajandaha ugu jirin ku meel mariyay Go”aankii kala reebista Golaha Wakiilada iyo Doorashada Madaxwaynaha ee Madaxwaynuhu Siiraanyo hore u soo saaray .

 

Anigoo ku soo gunaanadaya Qormadayda Koowaad Su”aalo aan waydiinayo  Madaxwayne Axmad Maxamad Maxamuud ,   Madaxwayne  aaway Kartidii iyo Hogaamintii lagu tuhmayay ee Bulshada S/land kugu soo Dooratay  ? Madaxwayne  Yaa dalka Madaxwayne yaa Dalka Madaxwayne ka ahaa  markii Labada doorasho ee Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynaha la isku lamaaneeyay ?  Madaxwayne ma waxaad  go”aansatay  in Mudo Xileedkaaga ay Gacantaada ku burburtu Dimuquraadiyada S/land ?  Madaxwayne waa kuma  Madaxwaynaha  kaa  danbeeya ee aad ku halaynayso in uu go”aan ka gaadho Saami qaybsiga Golaha Wakiilada ?

La Soco Qaybe Kale Oo Xiise Badan

Subeer Sacad Daahir

waryaqaan@gmail.com

COMMENTS
LINKS