MAXAMUD XAASHI MA MAANTUU GARTAY IN QARANKA LAWADA LEEYAHAY? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MAXAMUD XAASHI MA MAANTUU GARTAY IN QARANKA LAWADA LEEYAHAY?
September 21, 2016 - Written by Editor:

(Qaranka Waala wada leeyahay laakiin waa lookala Lexo jeclo Badan Yahay)

Intii ka dambaysay halgankii hubaysnaa ee snm dalka waxa uu soo maray caqabado badan oo adag iyo meelo xasaasi ah oo aad u qalafsanaa waxaana aynu kaga soo baxnay isku duubni iyo caqliga wanaagsan oo ina shaqaynayey haldooro Alle inoo soo diray oo inagala soo dabaashay xaaladahaa iyo dadka oo aan lookala abtirinayn.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland ayaa maalin dhawayd kalmedi afkiisa ka soo baxday qarankani waa mid lawada leeyahay ee malaha siilaanyo iyo golihiisa wasiiradu, waa run qarankani waa mid lawada leeyahay qofkasta oo u haysta in cid gaar ahi leedahayna sidaa maxamud xaashi ayuu garan doonaa maalinteeda.

Maxamud xashi waxa uu ka mid ahaa golihii wakiilada ee wakhtigii madaxwayne Mohamed H Ibrahim Egal Alle ha u naxariistee waxaana uu ahaa xubnihii mucaaradada xoog leh ee beelaysan kaga soo horjeeday Madaxwayne Egal, waxaa maalin kasta warbaahintii wakhtigaa oo jaraaidada ah uu ku qori jiray awrku dhinac buu ka raran yahay iyo dalka looma sina oo si cad uu u soo qori jiray xilalka beesha subeer awal ee dawlada kaga jira min agaasime ilaa madaxwayne ilaa golayasha qaranka, gudoomiyihii golaha guurtida sheikh Ibrahim sheikh yusuf sh madar .

Dawlada mohemed Haji Ibrahim Egal waxa golaha wakiilada gudoomiye ka ahaa Xaabsade markii dambena Qaybe oo labaduba dhulbahante ah, waxaa maxkamada sare ee dalka gudoomiye ka ahaa warsangali oo isna harti ah, waxa ay ahayd dawlad haykal dawladnimo iyo sinaanta beeluhu u dhan tahay dawladaasi cashuur may qaadi jirin oo dagaalo ayaa lagala horyimi iyo mucaradad xoogan waxaa qaranka lagu maamuli jiray lacagta subeer awal, madaxwayne daahir riyaale iyo madaxwayne siilaanyona sidii ayuunbay ula garab taagan yihiin maal iyo nafba iyaga oo aan dan qaran mooyaane dano shaqsi ka lahayn.

Waxa markhaati ma doon ah in dalka lawada leeyahay laakiin lookala lexo jeclo badan yahay, subeer awal lacagtiisa ayuu qaranka ku bixiyaa Somaliland na la’aantii may dhisanteen min shirkii burco ilaa borama ilaa hargeisa laakiin dalka hore ugumay jirin inta ay beeli shirto oo maal iyo nafba isugu gayso shirkaa ujaadadiisu tahay sidii ay dalka u qabsan lahaayeen waxa horseeday beesha mohamoud hashi iyo madaxwayne siilaanyo ka soo jeedaan, oo ku tashaday in ay burco qabsadaan oo berbera qabsadaan oo hargeisa qabsadaan oo qaranka qabsadaan sidii oo aad moodo dad aan dalka u dhalan waana sida maanta ka muuqata iyo ficilada ka soo noqday maamulkii ay ku soo tashadeen, in waxaa dalka heshiis iyo qandaraas la galayo lagu soo saaro ganacsato ay beeshoodu leedahay oo lagu gacan qabanayo, waxaana si aan gabasho lahayn ganacsatadooda loo siiyaa dantii guud ee qaranka oo la xalaalaystay.

Qaranka waala wada leeyahay laakiin waa loo kala lexo jeclo badan yahay oo wali may dhicin in siyaasiyiinta iyo tujaarta maxamud xaashi beeshiisa ka soo jeedaa qaranimada lacag ku bixiyaan oo hanta ku bixiyaan sidii ay beesha subeer awal siyaasigeeda iyo tijaarkeedu maalka ula soo garab taagnaayeen qarankan oo ilaa 1991kii markii lagu dhawaaqay ilaa maanta ay ku bixiyaan qaranimo ee aanay maalin qudha reernimo waxba ku bixin, waxa markhaati ma doon ah in 1993 markii golaha guurtida dib loo dhisayey beesha subeer awal ka tanaasushay 7kursi oo golaha guurtida Somaliland ah oo ahaa kuraastii aynu baligubadle ku qaybsanay shirkii ugu dambeeyay si ay ugu soo dhaweeyaan walaaladood harti iyo samaroon.

Waxa aan aad ugu hambalyeynayaa madaxwaynaha qaranku in uu soo dhaweeyay beelaha harti oo in badan inaga maqnaa, maxamuud xaashi waxa aan leeyahay soo dhawaynta walaaladeenaa inaga maqnaa kuraastoodii qaranka ay ku lahaayeen ka badheedh in aad kursigaaga iyo kuraasta beeshaada ee golayaasha qaranka ugu tanaasusho, oo uu ugu horeeyo kursiga wasiirka madaxtooyada iyo ka gudoomiyaha golaha guurtida somaliland si ay u helaan saamigoodii iyo waliba kaalintii ay qarankan ku lahaayeen.

Maqalkan kuma  soo koobi karo taariikhda oo waa ay badan tahay maqalada dambe ayaa aad kala socon doontaa taariikho badan laakiin waxa aan ku soo gaabinayaa qarankan hogaamintiisa waxa aad u horseedeen qabyaalad cusub oo ay keentay beelnimadaa aad ku soo shirteen oo dhaqan xun oo aad horseedeen ah, waxaana ay gaadhay qabyaaladu in labadii arday ee dugsida is agfadhiisanayey is toydaan cida ay yihiin si uu midba midka kale u ogaado beesha uu ka soo jeedo, waxaa meelkasta oo manfac leh qaranka aad gayseen beeshiina iyo in daba dhilif idiin ah oo ku shaqaysataan oo aan garanayn in xilalka qaranka ay xaq u leeyihiin, waxa aad shaqada ka erideen dad badan oo aad ugu timadeen si siyaasadaysan si aad boosas ugu heshid cida aad wadataan……………………………………………la soco (dawladnima iyo nooca laga dhigay hada)

Fiiro gaara waa iftiimin iyo waxku qaadashada taariikhda maqaladani ee yaan loo fahmin qabyaalad iyo xumaan kale.

ALLE HA INA WAAFAJIYO TUBTA IYO TALADA TOOSAN

ALLE AYAA MAHAD LEH

MOHAMED ABDI JAMA DHIMBIIL

COMMENTS
LINKS