Yaa leh Awooda Xalinta Muranada ka Dhasha Doorashooyinka Somaliland? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa leh Awooda Xalinta Muranada ka Dhasha Doorashooyinka Somaliland?
September 22, 2016 - Written by Editor:

Ma Aqoon-daro sharci Mise Dhadhamo Raadis Mise! Wado Nacabku Somaliland u soo-Raaco Ayey Noqotay SONSAF?.

Fiiro Gaara:- Muranada Qormadani ku aadan tahay waa kuwa taabanaaya Nabadgelyada, waxana si toosa ay u abaaraysaa waydiintaas hal-ku-dhiga u ah waxana weeyi, Yaa leh awooda Xalinta Muranada ka dhasha Doorashooyinka?

Se wixii tabasho ah waxaa murankaas u-xil-saaran:-

1- Maxkamada Sare. 2- Gudidda Diwaan-gelinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka. 3- Gudida Ilaalinta Iyo Habsami-u-socodka Doorashooyinka.

Weydiinta Qormadan igu qaaday baa ah, hadii Distoorka iyo Xeerarka Qarankuba sidaas hoos ku qoran yihiin maxay u cuskatay SONSAF, halkay se ka-keentay waxa aanu dhex- dhexaadinaynaa muranada ka yimaada doorashooyinka Somaliland?

Waxana qormadu u lafa-guraysaa doorasho kasta cida u xil-saaran in ay fur-daamiso muranka ka yimaada, waxana ay ku bilaabmaysaa sidan.

1- Muranada ka yimaada Doorashada Madaxtooyada Iyo Golayaasha Deegaanka :- Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Golayaasha Deegaanka (Xeer No.20/2002) Qodobka 65aad:- Dacwadaha doorashada

1.Dacwadaha ku saabsan doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha waxa awood u leh maxkamadda sare, waana in dacwadaasi soo gaadho kaalinta maxkamadda 20 maalmood gudahood oo ka bilaabmaya marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada. Haddii ay wakhtigaa dhaafto dacwadaasi wax tixgelin ah ma yeelanayso. 2. Maxakamadda Sare markay hesho qoraaladda raadraaca ee xafiisyada gobolada ee doorashada iyo kuwa xafiiska dhexe ee Komishanka isla markaana hubiso xisaab ahaan iyo sharci ahaan doorashada waxay ku dhawaaqaysaa natiijada doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

2- Muranada ka yimaada Doorashada Golaha Wakiilada:- Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada  ( Xeer No.20-2/2005 ) Qodobka 61aad:- Dacwadaha doorashada

  1. Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah, ayaa leh awoodda ka garnaqista dacwadaha la xidhiidha doorashada Golaha Guurtida marka ay ku qanacdo arjiga dacwoodaha. 2. Dacwadaasi waa inay ku soo gaadho kaalinta Maxkamadda Sare labaatan (20) maalmood gudahood oo ka bilaabmaya marka lagu dhawaaqo natiijada hordhaca ah ee doorashada. Haddii ay wakhtigaa dhaafto dacwadaasi wax tixgelin ah ma yeelanayso.

3- Muranada ka yimaada Doorashada Golaha Guurtida :- Xeerka Doorashada Golaha Guurtida  ( Xeer No.20-3/2006 ) Qodobka 59aad:- Dacwadaha doorashada

1.Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah, ayaa leh awoodda ka garnaqista dacwadaha la xidhiidha doorashada Golaha Guurtida marka ay ku qanacdo arjiga dacwoodaha.

2.Dacwadaasi waa inay ku soo gaadho kaalinta Maxkamadda Sare labaatan (20) maalmood gudahood oo ka bilaabmaya marka lagu dhawaaqo natiijada hordhaca ah ee doorashada. Haddii ay wakhtigaa dhaafto dacwadaasi wax tixgelin ah ma yeelanayso.

4- Muranada ka yimaada Xisbiyada Dhexdooda:- Xeerka Nidaamka Axsaabta Iyo Ururada Siyaasada ( Xeer No.14/2011 ) 1-Qodobka 29aad:- Khilaafaadka ka Dhasha Xisbi/Urur Dhexdii ama Laba Urur/Xisbi

  1. Haddii xubnaha xisbi ama urur isku khilaafaan hogaanka ama u kala jabaan laba meelood iyo wax ka badan, hay’adaha xisbigu/ururkuna xalin kari waayaan khilaafka, waxa dhinicii danaynayaa dacwad u gubinayaa Gudidda Diwaan-gelinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka. 2. Gudiga diiwaan gelintu markuu helo dacwadda ku xusan farqadda 1aad ee Qodobkan, wuxuu ka soo saarayaa go’aan ku salaysan Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadeed ee Xeer lam. 14/2011 iyo dastuurka xisbiga/ururka hogaankiisa laysku haysto ee laga diiwaan geliyey Guddida Diiwaan-gelinta. 3. Dhinicii ku qanci waaya go’aanka gudidda diiwaan gelinta waxaa u bannaan in uu racfaan u qaato Maxkamadda Sare, xukunkeeduna wuxuu noqonayaa kama dambays. 4. Haddii dhinacyada is hayaa la yimaadaan laba dastuur oo is khilaafsan oo loo sameeyey ururka/ xisbiga hogaankiisa laysku haysto, waxaa la tixgelinayaa dastuurka laga diiwaan geliyey guddida diiwaan gelinta ee lagu aqoonsaday ururka/xisbiga. 5. Haddii khilaafka farqadaha hore ku qorani yimaado inta aan ururka la diiwaan gelin ee aan aqoonsiga la siin, gudidda diiwaan-gelintu ma diiwaan gelinayso magaca ururka hogaankiisa laysku khilaafay. 6. Dhinacyadana waxaa u banaan in mid waliba gaarkiisa u samaysto urur kale oo aan la hayn magacii laysku qabsaday. 7. Haddii laba urur ama urur iyo xisbi isku qabsadaan magaca ama astaanta diiwaangelinta ka dib, waxaa loo aqoonsanayaa in uu leeyahay magacaas ama astaantaas kan Gudiddu u diiwaan gelisey ama loo hor diiwaan geliyey.

2-Qodobka 8aad, Xarafkiisa KH & D ( Xuquuqda Xisbiyada Qaranka )

KH.Xisbiyadu wixii dacwad ama cabashooyin ay ka tawdaan shaqada Guddiga diwaan galinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta Qaranka. waxay qoraal ahaan ugu gudbinayaan maxkamadda gobolka ay cabashadu ka jirto.

  1. Haddii ay ku qanci waayaan go’aanka maxkamadda gobolku ka soo saarto, waxay racfaan uga qaadanayaan Maxkamadda Dasruuriga ah

3-Qodobka 25aad Xarafkiisa U ( Tayaynta Iyo Habaynta Xisbiyada Qaranka )

  1. Gudidda diwaan galinta Ururada siyaasada iyo ansixinta xisbiyada qaranka ayaa xisbiyada dhexdooda ku ilaalinaya Dimuqraadiyada, iyagoo war bixintooda u soo gudbinaya Golaha Wakiiladda marka loo baahdo.

5- Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada/Ururada Siyaasada ee Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ( Code of conduct for political parties/ associations ) kaas oo ka soo baxay Gudida Doorashooyinka Qaranka, Sumadiisuna tahay:-  Ref:KDQ/XK/291/12, Kuna Taariikhaysan 13/09/2012.

waxana uu xeerkaasi ku abuurayaa, Gudida Ilaalinta Iyo Habsami-u-socodka Doorashooyinka, waxana hawsha gudidaasi ku egtahay inta doorashadu socoto, waxana ay u xil- saaran tahay xalinta muranada ka yimaada Xisbiyada inta ay doorashadu socoto,

Qodobka 19aad:- Xalinta Khilaafaadka (Conflict Resolution)

1.Xisbiyada/Ururrada Siyaasaddu waxa ay muran iyo khilaaf kasta oo ka dhex dillaaca ku xallinayaan wada hadal iyo is-afgarad (amicable solution)

2.Haddii ay Xisbiyadu ku guulaysan waayaan in ay khilaafka dhexdooda ah xalliyaan waxay u soo ban-dhigayaan Guddida Ilaalinta iyo Habsami-u-Socodka Doorashada

3.Haddii arrintu ay tahay mid aanay waxba ka qaban karahaynin Guddidaasi waxaa loosoo gudbinayaa Komishanka Doorashooyinka.

Qodobka 22aad:- Guddida Ilaalinta Habsami-u-Socodka Doorashooyinka

Waxana loo aasaasay Gudidaas, Ilaalinta Habsami-u-Socodka Doorashooyinka iyo kor-u- qaadista suurto-galnimada in ay doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka qabsoonto, iyo in ay doorashadaasi ku qabsoonto kuna gebo-gebawdo turxaan la’aan, si waafaqsan Sharciga iyo Xeerarka dalka, waxana ay ka kooban tahay 7 aqoon-yahan iyo 1 qof oo deeq-bixiyayaashu ka soo-xulaan hayadaha aqoonta u leh doorashooyinka, waxana xilkoodu ku eg-yahay inta doorashadu socoto.

Fiiro Gaara:- waxa Xeerkan wada sexeexay 3da Xisbi Qaran iyo 6dii Urur Siyaasadeed.

Hadaba intaas kor ku xusani waa sida loo fur-daaminaayo muranada ka yimaada doorashada, hadaba waxa taas feedh-yaala hadii murankaasi uu saamayn ku yeesho nabad-galyada Qaranka yaa awood u leh in ay murankaas ka gar-naqdo?

Sida ku cad Distoorkeena waxa xilkaasi dusha u saaran yahay  Dawlada, oo uu gadh-wadeen ka yahay Madaxweynaha Sida ku cad Distoorka Somaliland Qodobkiisa 90aad oo Qeexaaya Awoodaha Madaxweynaha (Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda, waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu u xilsaaran yahay daryeelka haybadda dalka, ilaalinta nabadgelyada, horumarinta bulshada iyo hab- sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda)

Hawshaasi waa mid gabi ahaanba u taalada Madaxweynaha, iyadoo taasi tahay hawsha u taal Madaxweynaha, waxa kale oo hawshaas ku gacan-siinaaya Golaha Guurtida sida ku cad Distoorka Somaliland Qodobka 57aad:- Tilmaanta Guud ee Golaha Guurtida

Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah Golaha Odayaasha, waa Qaybta 2aad ee Xeer-dejinta waxaanay dib u eegaan xeerarka ka soo baxa Golaha Wakiilada intaan Madaxweynaha loo gudbin; wuxuuna gaar u leeyahay dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.

Qodobka 61aad:- Awooda Iyo Waajibaadka Golaha Guurtida:- Faqradiisa 1aad Ilaa 6aad

1- Dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.  2- Dib-u-eegidda xeerarka Golaha Wakiiladu ansixiyo xeerka maaliyadda mooyaane, waxaanu ku celin karaa Golaha Wakiilada hal mar, muddo 30 (soddon) maalmood gudahood oo ka bilaabanta maalinta loo soo gudbiyo xafiiska Shir-guddoonka Golaha Guurtida, isagoo sababaha aragtidiisa qoraal ahaan ugu gudbinaya.  3- Ka-talo-bixinta dhalliilaha maamul ee Xukuumadda iyo ogaysiintooda Golaha Wakiilada.  4-  Ka-gacan-siinta Xukuumadda arrimaha Ia xidhiidha Diinta, nabadgelyada, difaaca, dhaqanka, dhaqaalaha iyo bulshada; iyagoo kaashanaya madaxdhaqmeedka beelaha.  5-  U yeedhidda xubnaha Xukuumadda iyo wax-ka-waydiinta gudashada xilkooda.  6- Waxa kaloo Golaha Guurtidu awood u Ieeyahay inuu Golaha Wakiilada u gudbiyo soo jeedin mashruuc, si Golaha Wakiiladu uga doodo, go’aana uga gaadho.

Fiiro Gaara:-waxa aad dhuuxdaa Faqrada 1aad iyo Faqrada 4aad.

Qalinkii:- Garyaqaan Cabdale Dahir Adan Chief Executive Officer:-

Damal Legal Services Email:-

cabdale1987@gmail.com

Tell:- 036-4240180

COMMENTS
LINKS