Hadii Ay Mucaaradka jsl Awoodi Kari Waayeen In Ay Madaxwayne Siiraanyo Ku Sanduleeyaan Qabashada Doorashooyinka ,Ma Waxay Awoodi Waayeen In Ay Dhagax Dhigaan Dhismaha Taalada Burburinta Dimuquraadiyada Iyo Asxaabta Qaranka Si Mustaqbalka Loogu Xuso? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hadii Ay Mucaaradka jsl Awoodi Kari Waayeen In Ay Madaxwayne Siiraanyo Ku Sanduleeyaan Qabashada Doorashooyinka ,Ma Waxay Awoodi Waayeen In Ay Dhagax Dhigaan Dhismaha Taalada Burburinta Dimuquraadiyada Iyo Asxaabta Qaranka Si Mustaqbalka Loogu Xuso?
September 23, 2016 - Written by Editor:

Waa kuma Siyaasiga Madaxwayne Siiraanyo u Dhisaya  Taalo Uu Sawirkiisu ku Yaalo oo Loogu Magac Daro  Taalada Burburinta Dimuquraadiyada Iyo Xisbiyada Qaranka  Si Mustaqbalka  Loogu Xuso  ??

Hadii Ay Mucaaradku  Awoodi Waayeen In Madaxwayne Siiraanyo Ku Sanduleeyaan Qabashada Doorashooyinka Ma Waxay Awoodi Waayeen In Ay Dhagax Dhigaan Dhismaha Taalada Burburinta Dimuquraadiyada iyo Xisbiyada Qaranka Si Mustaqbalka Loogu Xuso Madaxwayne Siiraanyo Madal Ay Goob Ka Yihiin Siyaasiyiinta Ku Midoobay Madasha Wada Tashiga, Hogaamiyayaasha  Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani, Ucid Saxaafada Madaxa Banaan ,  Muwaadiniinta Difaaca Geedi Socodka Dimuquraadiyada Iyo Wadamada Caalamka Ee Dhaqaalaha Badan Ku Bixiyay Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land .

dagalka siilaanyo

Tan iyo maalintii Madaxwayne Siiraanyo talada Dalka la wareegay 27/7/2010 Madaxwaynihii Hore ee Daahir Rayaale Kaahin waxaa joogsaday geedi socodkii Dimuraadiyada S/land iyadoo S/land cagta saartay jidkii Mudo Kordhinta oo dhabada u xaadhaya in ay Joogsado Geedi socodka Dimuquraadiyada S/land  waxaana Taariikhda lagu Xusi doonaa Kartidii iyo Hogaamintii Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale uu mudo Sadex Sanno gudahooda uu ku qabtay  Sadex Doorasho iyadoo bilawgii Geedi Socodkii Dimuquraadiyada Doorashadii Golaha Deegaanka uu dalka ka qabtay maalin ku beegan  15/12/2002 halka Afar bilood ka dib uu dalka ka qabtay  Doorashadii Madaxwaynaha maalin ku beegan 14/4/2003 mar Sadexaad Doorashadii Golaha Wakiilada waxuu Madaxwayne Daahir Rayaale Dalka ka qabtay maalin ku beegan 29/9/2005 mar Afraad Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale waxuu Doorashadii Labaad ee Madaxwaynaha dalka ka qabtay 26/6/2010 doorashadaas oo lagaga guulaystay  waxaanay Taariikhda lagu xusi doonaa baalasha Dahabka ah ee ku xardhan iyadoo  Kartidii iyo Hogaamintii uu dalka S/land kaga hirgaliyay Afartaa Doorasho oo midna dhiig ku daadan ay u dheertahay in  Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale uu qaatay Bilada Dimuquraadiyada oo si sharafle oo karaamo leh uu uga daadagay kuna wareejay Madaxwaynihii Bulshada S/land soo dooratay ee Madaxwayne Siiraanyo taasoo maanta Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin marka uu dalka yimaado laga dareemayo Suuqyada Ganacsiga Caasimada Hargaysa oo haduu ka soo dukaamaysto yidhaa ay Ganacsatado la boobayaan hadiyadu faro badan iyagoo ka diidaya in uu wax Lacaga bixiyo.

Ta kale Madaxwayne Siiraanyo waxaa taariikhda lagu xusi doonaa Madaxwaynihii Burburiyay Xisbiyadii Siyaasada ee tartankii Doorashada ee Madaxwayne kula tartamay Saaxada Siyaasada waxaanu ku guulaystay Burburintii Xisbigii Udub oo ahaa Asaantii Dimuquraadiyada S/land dalkana ka hirgaliyay nidaamka Xisbiyada iyo Dimuquraadiyada anigoo eedayntaa marag cad uga dhigaya magacaabistii uu Madaxwayne Siiraanyo u magacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha S/land Masuulkii qirtay in uu isagu ka danbeeyay Burburintii Xisbigii Udub waa Cali Maxamad Warancade halka Xisbigii Ucid la sakaraadayo Dhaawacyada Gacanta Sadexaad lagula dagaalamo oo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ka dhigtay mid lagu tilmaami karo Maahmaahda Soomaaliyeed ee  odhanaysa { Meesha kama tage waxna kama tare } xeeladahaa qotada dheer ee Madaxwayne Siiraanyo ku burburiyay Xisbigii Udub Xisbigii Ucid la sakaraadayo waxay Xisbiyadii Siyaasada S/land ka dhigeen kuwo aan isku dheeli tirnayn iyadoo Xisbiga kaliya ee Mucaaradka ah ee Wadani  noqday mid  taag daran oo Madaxwayne Siiraanyo ku sandulayn Karin in Doorashooyinku Waqtigii Maxkamada Sare u cayintay ku qabsoomaan 28/3/2017 Waxaase iswaydiin mudan hadii Siyaasiyiinta ku Midoobay Madasha wada tashiga iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani awoodi waayeen in Madaxwayne Siiraanyo ku sanduleeyaan in uu Dalka Doorasho ka qabto ma waxay awoodi waayeen in Madaxwayne Siiraanyo u dhisaan Taalada Burburinta Dimuquraadiyada iyo Xisbiyada Qaranka si Mustaqbalka loogu xuso ?

Mar kale Madaxwayne Siiraanyo waxaa Taariikhda lagu xusi doonaa in uu Quwada Laaluushka ama Dhaameelka u isticmaalay  Golayaashii Qaranka sida Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida oo ka dhigtay kuwo madhalaysa oo ku milmay Golaha Xukuumada oo sida Wasiirada uga Amar qaata Madaxwayne Siiraanyo .

Waxaana iswaydiin mudan Madaxwayne Siiraanyo halkuu Qaranka ku wadaa markuu Dadwaynaha Gobolada iyo Dagmooyiinka  Mudaharaadyo ku soo Abaabulayo  lagaga soo horjeedo Wadamada Dhaqaalaha Faraha Badan ku bixiyay Geedi socodka Dimuquraadiyada ?   Ma Waxbaa Iska Badalay Baadi Doonkii Aqoonsi Caalami Ah Oo Dunida Ka Helo Qaranka S/land ? Goormayse Coloobeen S/land Iyo Wadamada Dunida Ugu Muruqa Wayn Ee Midida Daabkeeda Hayaa? Waa Maxay Xeelada Ugu Lamaan Madaxwayne Siiraanyo Kala Reebista Labada Doorasho Ee Golaha Wakiilada Iyo Madaxwaynaha ? Miyaanay Muuqan In Madaxwayne Siiraanyo Diyaar U Ahayn In Wadanka Doorashooyin Ka Qabto ? Imisa Sanno Oo Danbe Ayuu Mudo Kordhin Kursiga Ku Sii Fadhiyaa Madaxwayne Siiraanyo ?

Sidoo kale Tan iyo markii Jamhuuriyada S/land la soo noqotay midawgii dhex maray Soomaaliya 18/5/1991waa markii u horaysay ee Dalka  S/land ka dhacaan   Mudoharaadyo Abaabulan oo lagaga soo horjeedo Wadamada Dunida ugu awooda badan ee Maalgashiga,Gargaarka Bani Aadanimo  iyo Aqoonsigaba  aynu ka sugayno iyadoo  maalmahan u danbeeyay  Masuuliyiinta Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo gaar ahaan Badhasaabada iyo Maayarada Dalku ay hor kacayeen qaybo ka mida Bulshada S/land oo Mudaharaadyo ku muujinaya  in ay ka soo horjeedaan  Talo bixintii Wadamada  Geedi socodka Dimuquraadiyada ka taageera Dalka S/land ayMadaxwayne Siiraanyo u soo jeediyeen in uu ku dhiirado Saami qaybsiga Golaha Wakiilada isla markaana uu Waqtigii loo cayimay ay ku qabsoomaan 28/3/2016 Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Doorashada Madaxwaynuha.

Dhacdooyinkaa kor ku xusani waxay tilmaamayaan in Madaxwayne Siiraanyo diyaar u ahayn in uu Dalka Doorashooyin ka qabto waxaana la gudboon Mucaaradka S/land iyo Muwaadiniinta Difaaca Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land ee awoodi waayay in ay ku sanduleeyaan in Madaxwayne Siiraanyo Doorashooyinka qabto Waqtigii loo cayimay waxaa iswaydiin mudan Waa kuma Siyaasigii Dhagax Dhigi Lahaa Ee Dhisi Lahaa Taalada Burburinta Dimuquraadiyada Iyo Xisbiyada Siyaasada Ee Qaranka S/land Oo  Madaxwayne Siiraanyo Sawirkiisu Ku Yaalo Si Mustaqbalka Loogu Xuso Mudada Uu Doono Kursiga Ha Ku Sii Fadhiyee ?

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS