FAALLO:Dannaha Is-diidan Ee Danneeyayaasha Doorashooyinka Somaliland W/Q: Mohamed Hassan Daacad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
FAALLO:Dannaha Is-diidan Ee Danneeyayaasha Doorashooyinka Somaliland W/Q: Mohamed Hassan Daacad
September 23, 2016 - Written by Editor:

Muuqaaladda saaxadda Siyaasadda Somaliland waa mid wakhtiyo kooban isku-bed-bedelaysa,taas oo keentay inay dad badan oo Siyaasadda Sheedda kala socdaa ay kala fahmi-waayaan jihadda loo socda iyo waxa qaldan. Qormaddeenan oo dhawr qeybood noqon doonta,waxay isku dayi doonaa inaynu sawir la-fahmi karo ka bixino waxa socda iyo waxa la-filan karo inay dhacaan sannadka 2017-ka oo carrabku lagu badinayo inuu noqdo sannad doorasho oo ugu yaraan is-bedel maamul uu dalka ka dhaco,inkasta oo rajadda wax-bedel ee dadku ay aad u hoosayso.

Waxaynu si gaar ah faaqidaad qoto-dheer ugu samayn doonaa; Saddexda Xisbi ee Siyaasadda Somaliland jilaya iyo mid kastaba duruufaha adag ee ku gedaaman,Xudunta Khilaafka la-filayo in sabtidda ay Maxkamadda dastuurigga ahi ay go’aan ka-gaadho ee u dhexeeya garabyada Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee ay kala hogaaminayaan Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Xuseen,Muxuu Faysal Damac-san-yahay ka dib marka go’aan kama –denbeys ah laga gaadho Murranka Xisbigga uu odayga u yahay,yaa hadda Faysal uu gacan-saar kala leeyahay Xukuumadda Madaxweyne SIILAANYO,maxaa Faysal Cali Waraabe markaliya bedelay Mucaaradadii uu mudada dheer kala soo hor-jeeday Xukuumadda ee mararka qaarkii uu kalligii ku ahaa,taas oo markii danbena keentay inuu cudud xoogan samaysto Bishii JULAY ee sannadkii 2013-kii,wakhtigaas oo uu  ka mid ahaa raggii bud-dhigga u ahaa Golahii Wadatashigga Qaran oo murran badan ka dib loo bedelay Madasha wadatashiga iyo Toosinta Qaranka oo ay ku jireem rag badan oo Somaliland magac-weyn ku leh,kana mid ah Ururkii dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed ee SNM ee  Gobolada Waqooyi kaga awood-roonaaday Dawladdii Milatarigga ahayd ee Somaliya ka arriminaysay intii u dhexaysay 1969-kii-1991-kii ee uu Madaxweynaha ka ahaa AHUN Maxamed Siyaad Barre iyo arrimo kale oo door ah oo taabanaya guud ahaanba Mustaqbalka Xisbigga UCID.

Dhinaca kalena,waxaynu daah-qaadi doonaa dagaalka qabaw ee wali ku socda Musharaxa Xisbigga KULMIYE,  Muuse biixi Cabdi iyo dhinacyadda uu kaga imanayo,nooca xidhiidh wada-shaqayneed ee ka dhexeeya isaga iyo Musharaxiisa Madaxweyne Ku-xigeen ahna Madaxweyne ku-xigeenka xiliggan ee xukuumadda Madaxweyne siilaanyo,Cabdiraxmaan-Saylici,Sababta loo arki waayay Mudanayaasha aqalka Gollaha wakiiladda oo Gudoomiye Muuse Biixi kala qeyb-qaadanaaya hawlaha ol-ole ama wacy-galineed ee uu inta badan Xisbiggu ka sameeyo Deegaamadda kala duwan ee Somaliland oo inta badan la-arko in Hogaanka sare ee Xisbiggu ku kalliyaystay iyo qodobo kale oo muhiim ah,kuwaas oo taabanaya Mustaqbalka Siyaasaddeed ee Musharax Muuse Biixi Cabdi.

 

Siyaasiyiinta aynu wax-badan ka iftiimin doono ee kale waxa isna ka mid ah Gudoomiye Cabdiraxmaan-Cirro,taaas oo aynu ku jeex-jeexi doono dagaaladda Siyaasaddeed ee wajiyadda badan ee ku socda Cabdiraxmaan-cirro iyo dhufaysyada uu rabo inay gabaad uga noqdaan,Sababta keentay inuu muddo-dheer ku fadhiyo kursigga aqalka gollaha wakiilada Somaliland.Waxa kale oo ay dul-istaagi doonaa Xaaladda dhabta ee uu ku suggan-yahay Xisbigga ugu da’da yar  Xisbiyadda Somaliland ee WADDANI oo uu Cabdiraxmaan-na gudoomiye ka-yahay iyo qodobo kale oo xiiso leh.

Guud ahaanba waxaynu ku iftiimin doonaa Qormaddeenan dannaha is-diidan ee ay kala leeyihiin;Guddoomiya-yaasha Saddexda Xisbi qarran,Xukuumadda,Gollaha Wakiiladada iyo Guurtidda,kuwaas oo mid kastaaba saamayn togan ku leeyahay hawlaha u-diyaar-garaw ee qabsoomidda Doorashooyinka,waxaana intaas innoo dheer cadaadiska Beesha caalamka iyo sababta inta badan ay u shaqayn waayaan go’aamadda digniinaha ah ee ay soo saaraan.

Xisbiggu UCID,Muxuu isku-hayaa?

Waa su’aal ay dad badani is-weydiiyaan,balse aanay ciddina ka bixin-karin jawaab waafi ah,waana sababta dad badanni ugu dawakhsan-yihiin waxa xiliggan kala guurka ah ee ay adag-tahay inuu Xisbigu kasoo kabto Khilaaf siyaasi ah haddana khilaafka xisbiggu wali u sii jiitamayo,isla-markaasna aanay ciddina ku guulaysan inay dhinacyadda is-haya isu-soo-dhaweeyaan.

Khilaafka cakiran ee haatan garabyadda Xisbigga kala irdheeyey,waxa uu kusoo bilaamay wada-shaqayn la’aan soo jirtay ilaa intii uu Xisbiggu kasoo baxay Urur-nimada sannadkii 2012-kii,wakhtigaas oo ay dalka ka qabsoomtay Doorashaddii Gollaha deegaanku,waxaanay dad badanni kuu sheegayaan in  Musharax Jamaal Cali Xuseen uu wakhti badan ku lumiyay Qurbaha,isaga oo sannadka dhan Waxaan ka badnayn Afar bilood Dalka joogi jiray,halka uu inta badan ku qaadan-jiray Dalalka dibadda,waxaana aan dhicin in billihii koobnaa ee uu dalka joogi jirayna aannu qaadin wax-talaaboyin ah oo muujinaya inuu yahay Musharax Kursi Madaxweyne raba,taas oo keentay in dhawr jeer khilaaf soo kala dhex-galo Musharaxiisii Madaxweyne Ku-xigeen oo hadda ah Xog-hayaha Warfaafinta ee Xisbigga mucaaradka ah ee WADDANi,taas oo ugu danbeyntii keentay inuu Cabdirashiid Xasan Mataan iska-casilo Xilkii iyo Xubin-nimaddii Xisbiggaba 23 November,2015-kii shir jaraa’id oo uu warbaahinta ugu qabtay Hoteel Maansoor ee Magaaladda Hargaysa.

Intaas ka dib,waxa dad badani isku-dayeen Musharax Jamaal Iyo Gudoomiye Faysal laysku soo dhaweeyo,balse dhammaan dedaaladaasi may guulaysan,ka dib markii sida la-sheegay uu ku gacan-saydhay Gudoomiye Faysal,kaas oo ku dooday inuu xisbiggu waxii khilaafaad ah ee ka dhex-jira uu guddiihiisa dhamaysanayo,waxaana uu sidoo kale sheegay in Xisbiga lagu samaynayo dib-u-habayn,isaga oo markii danbena si cad u sheegay in  aannu Jamaal Musharax Madaxweyne ahayn,waxaana uu Xisbigga ka dareeriyay Rag badan oo uu u arkayay inay la-safan-yihiin Musharax Jamaal Cali Xuseen.

Ta kale ee aanay dad badanni beeninahayni waxay tahay, dagaalka uu gudoomiye Faysal kula jiro rag badan oo aan Xisbiggiisa ahayn,kuwaas oo uu rabo inuu kala-dagaalamo inay Saaxadda Siyaasadda kusoo awoodaystaan,taas oo ugu denbeynta keeni karta inay kursigga dalka looga arrimiyo ku fadhiisteen,raggaas qaar ka mid ahna umabuu qarin inuu dagaal kula jiro,waxaana ugu horreeya Guddoomiyaha Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI,sidoo kalena ah af-hayeenka Gollaha wakiiladda oo ay dad badani aaminsanyihiin inuu yahay macallinkiisa Siyaasadda,iyaga oo sidoo kalena ahaa saaxiib aad iskugu dhaw muddo dheer. Si uu dagaalkaas uu kula jiro Cabdiraxmaan-cirro iyo kooxdiisa ugu gacan-banaanado,waxay keentay inuu samaysto mus-danbeed uu ku tiirsanaado,waxaannu si aan gabasho lahayn uga hor-yimid shirar badan oo ay wada-lahaayeen Is-bahaysigga Mucaaradka Somaliland,isaga oo u arkayay in loo danaynayo Xisbigga WADDANI oo uu gudoomiye ka yahay Cabdiraxmaan-cirro,waxaana shirarkaas ugu weynaa Shirkii ay  25 JULAY,2015-kii,ay iskugu yimaaddeen Xisbidda WADDANI,UCID Iyo Madasha wada-tashigga,kaas oo ka dhacay Hoteelka DALXIIS ee magaaladda Hargaysa,waxaana qabsoomidda shirkaas si weyn uga soo hor-jeesatay Xukuumadda,iyada oo amar lagu siiyay Hoteeladda Haraysa-na in aan Shirkaas lagu qaban-karin Hoteeladooda,waxaana shirkaas lagu qabtay amar ay soo saartay Maxkamadda sare ee Somaliland,taas oo sheegtay inay Xisbiyaddu xaq u leeyihiin inay shirar qabsan-karaan.

In kasta oo Shirkaas Xisbigga UCID ka dhex-muuqday oo uu Shir-guddoonkana ka mid ahaa Cabdirashiid Xasan Mataan,haddana gudoomiyaha Xisbigga UCID oo isla-maalintaas uu shirku furmay Madaarka Hargaysa kasoo degay,waxa muujiyay sida aannu ugu-niyad-samayn qabsoomidda Shirkaas,waxaana Hadal uu ka jeediyay shirkaas oo ay dad badani joogeen si cad u sheegay in Musawirka shirkaas ay dadka kale ee reer Somaliland ka qaadanayaan yahay mid hal beel oo kali ahi qabsatay,maadama Gudoomiyaha Xisbigga WADDANI,ka Xisbigga UCID iyo Gudoomiyaha Madasha-wadatashiguba isku-beel-yihiin,taas oo ay dadkii hoolka fadhiyay u fasirteen inuu diidan-yahay qabsoomidda shirkan,waxaana intaas ka dib bilaamay weerar iyo weerar-celis u dhexeeya Labadda Xisbi ee mucaaradka ah oo dhamaan masuuliyiintii labadda dhinac u hadlay ay weerar afka ah iskugu qaadayeen,iyadda oo Xisbigga WADDANI lagu dhaliilay in aanay daacad-ka-ahayn Mucaarad-nimadu,maadama ay haystaan Gollaha wakiiladda oo Dawladda qeyb-ka ah,waxaana  dhawr jeer bur-bur ku dhawaaday shirka.

La-soco.. Qeybaha danbe,Haddii Eebbe Idmo.

W/Q:Mohamed Hassan Daacad,Suxufi,qoraa ah,

Email: Daacad461@gmail.com

COMMENTS
LINKS