Abwaan Da’yar Oo Shaqsiyada Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Ku Sifeeyey Tixgabaya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan Da’yar Oo Shaqsiyada Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Ku Sifeeyey Tixgabaya.
September 23, 2016 - Written by Editor:

Hargeisa(WN) Abwaanka Da’ada Yar ee Farxaan Ismaaciil Maal (TimoCade) Ayaa Soosaaray Gabaygan Oo Uu Kagaga Waramayo Shaqsi Ahaan iyo Doorka Ay Ku Leedahay hawlaha qaranka ee ay u xilsaaran tahay Marwo Samsam Cabdi Aadan,waxaaana abwaanku afeef ka dhigtay in habayaraatee aaney jirin cid Ku dhalisay ama ula timid fikirkan islamarkaana uu yahay mid  dhiirigalin iyo duco uga dhigayo, Hooyo samsam cabdi aadan oo ah buu yidhi Shaqsi aan laga Masuugi Karin dedaalka iyo horumarka ay hadh iyo habeenba u hagar Baxday Qarankeeda, islamarkaana waxa uu abwaanku hadalkiisa ku siidaray inaaney jirin sifo kale oo gabaygan loo turjuman karo oo uu u sameeyey haddii ay tahay xag dhaqaale iyo dano kaleba, Waxaanu Sheegay Inaanu gabaygani Ahayn Mid Buunbuunin iyo Been Midna Ka Turjumaya sidaas darteed uu yahay Midho taabanaya shaqsiyada iyo doorka waxqabad ee Hooyo samsam. Islamarkaana uu Ka Mid Noqondoono Gabaygani Gabayo Farabadan oo Abaanku Ka Tiriyey Qaranimada iyo Horumarka Dalka Somaliland Iyo Cidkasta oo Dedaal Iyo Tacab Dalkiisa Galiya, Taa Macnaheeduna aanu noqon karin, in Abwaanku yahay Mid dadkiisa kala jecel oo in gaara Amaan Aanay Lahayn Siiya, balse bulshada somaliland uu yahay abwaankeeda.  Waxaanu Ku Bilaabay Gabayga Sidan.

COMMENTS
LINKS