Ma laga Yabaa in Ay Go’doon Siyaasadeed Oo Caalamiya Iyo Burbur u Hor seedaan Somaliland Labada Oday Ee Isku Haybta ah, Siilaanyo Iyo Saleebaan Gaal!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma laga Yabaa in Ay Go’doon Siyaasadeed Oo Caalamiya Iyo Burbur u Hor seedaan Somaliland Labada Oday Ee Isku Haybta ah, Siilaanyo Iyo Saleebaan Gaal!!
September 23, 2016 - Written by Editor:

Isbarbar Dhiga Xiliyadii ay Somaliland ay kala Hogaaminayeen Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Iyo Siilaanyo +Isku Beegnaanshaha Gudoomiyayaasha Guurtida iyo midwalba waxa lagu xusuusto .

HARGAYSA(W,N) Tan iyo maalintii Madaxwayne Siiraanyo Talada Dalka kala wareegay Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin 27/7/2010 waxaa gabi ahaanba  joogsaday Geedi socodkii Dimuquraadiyada ,waxaa meesha ka baxay isku dheeli  tirnaantii Awoodaha Sadexda waaxood ee Golaha Fulinta oo ah Madaxwaynaha iyo Golaha Wasiirada ,Golayaasha Sharci Dajinta ee Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida iyo Golaha Garsoorka oo kala madax banaan sida ku cad qaab dhismeedka Dawladnimo ee Distoorka Jamhuuriyada S/land waxaana hogaamintii dalku gacanta u gashay Madaxwayne Siiraanyo ,Gudoomiyaha Golaha Guurtida iyo  dhwar Wasiir  oo ka mida Golaha Wasiirada .

gaal iyo sii

Waxaanay S/land cagta saartay jid aan la garanayn halka uu ku socdo iyo halka uu gaynayo waxaana  geediga  S/land gashay hogaaminaya Laba Oday ee Bariga Burco ka soo jeeda  Madaxwane Siiraanyo iyo Gudoomiyaha Guurtida Saleemaan oo Golayaashii Qaranka S/land ka dhigay kuwo u dabran Laaluushka ama Dhaameelka  iyo Musuqmaasuqa  waxaana Dalka ka dhacay Gabood falo badan oo ay u gaysteen  Sharciga iyo Xeerarka Dalka S/land anigoo Qormadan isbarbar dhig ku samayn  doona Gudoonka Labada Oday ee Bariga Burco ka soo jeeda ee Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiye Saleemaan iyo Gudoonkii  ALLE ha u naxariistee Garoonka Hogaaminta dalka mar Gadhwadeenka ka ahaa ee ka  soo jeeday Gobolada Saaxil iyo Maroodi jeex waa Marxuum Maxamad X Ibraahin Cigaal  Iyo Marxuum SH Ibraahin SH Yuusuf SH Madar .

cigaal

Diiwaanka Taariikhdu waa mid furan waqti kasta Qalinku waa mid u diyaara in lagu Qoro dhacdooyinka maalinlaha ah ee Saaxada Siyaasada ka dhaca iyadoo Masuul kasta loogu Qorayo waxuu guulo Qaranka,u soo hooyay iyo halkuu gaadhsiiyay Himilada u wayn ee Bulshada S/land higsanayso oo ah Aqoonsi Caalami ah oo Qaranka S/land Beesha Caalamka ka helo , intuu  go”doon Siyaasadeed dalka galiyay uu Geedigii baadi doonka ictiraafka dalka ka leexiyay ,waxuu burbur iyo hadimooyin u gaystay geedi socodka dimuquraadiyada , waxuu  ka gaabshay ee waajib Qaran ku ahayd, waxuu  takri fal iyo sharci jabin ku kacay mudo xileedkiisa, waxuu gees maray iyo goldolooyinkiisa , waxuu ganbiyay ee ALLE ku galaday mudo xileedkiisa Dalka S/land , waxuu dhib u gaystay dhaqankii suubanaa ee Bulshada S/land kaga duwanayd  Bulshada Koonfurta  Soomaaliya,  waxuu khilaaf Siyaasadeed iyo Gorgortan  ma dhalaysa dhex dhigay Beelaha S/land .

sheekh ibraahim

Iyadoo Madaxwayne  kasta mudo xileedkiisa wixii  dalka ka dhaca guul iyo guul daraba uu uu isagu  masuliyadeeda leeyahay  bal aynu dib u milicsano Shirwaynihii Sadexaad Ee Beelaha S/land Shirkii Dib U Heshiisiinta Iyo Bud dhigii Distoorka Ee Marxuum Maxamad X Ibraahin Cigaal Iyo Daahir Rayaale Kaahin Lagu Soo Doortay  23/2/1997 .

GARASHADU WAA GALAD EEBEE BAL AAN DIB U MILICSANO  JAWIGII MADASHA LAGU SOO  GUNAANADAY  SHIRWAYNIHII SADEXAAD EE BEELAHA S/LAND IYO KAALINTII HOGAAMINEED  EE GUDOOMIYIHII GOLAHA GUURTIDA  ALLE HA U NAXARIISTEE SHEEKH IBRAAHIN SH YUUSUF SH MADAR

Waxaan Tabayaa Kaalintii Gudoomiyaha Golaha Guurtidu Ku Lahaan Jiray Xalinta Khilaafayada Siyaasadeed Ee Jamhuuriyada S/land

 

Ugu horayn dhamaan Hogaamiyayaashii Siyaasada ee Yagleelkii ama Dib u dhiskii S/land inta Geeriyootay waxaan ALLE uga baryayaa in uu Janadii Fardawsa ka waraabiyo inta noolna waxaan ALLE uga baryayaa  Caafimaaad ,Cibaado  iyo Cimre dherer.

Waagii baryaaba waayo lehe Subaxnimadii  maalin Axada oo taariikhdu ahayd 23/2/1997 Sagaalkii Subaxnimo ayay Ergooyinka Beelaha S/land soo galeen Hoolka Shirka iyadoo loo xaadiriyay Ergay_ Ergay loona ogolaaday Muraaqibiinta in ay Xaadiriyaan /Hubiyaana in Kaadhka iyo Ergooyinku is leegyihiin        { isna waafaqsanyihiin }

Intaasi  ka dibna  waxaa mar labaaad ay Xoghaynta iyo Muraaqibiinta soo tiriyeen Ergooyinka kuwaasi oo noqday 315 Ergay .

Dhinaca kale waxaa la dhaariyay Ergooyinkii ka hadhsanaa Dhaartii hore sidoo kalena waxaa la dhaariyay Shir Gudoonkii iyo Muraaqibiintii Murashixiinta iyadoo dhamaystirkii arimahaa  la gudo galay Saacadu markay ahayd 11: Saac ee Duhurnimo ,Doorashadii Madaxda iyadoo Tartankii Madaxwaynimada oo ay Garoonka ugu soo hadheen Sadex Murashax kalena ahaa .

Waxaa cod qaadistooda look ala hormariyay sida ay u kala horeeyaan kuna qotontay sidii Araajida look ala keensaday waxayna Natiijada u dhacday sidan

1: Maxamad Xaashi Cilmi                           2 Cod

2 : Maxamad X Ibraahin Cigaal                223 Cod

3: Saleemaan Maxamuud Aadan              90 cod

Dhinacii u tartamyaasha Madaxwayne ku Xigeenka oo ay ku loolameen Sagaal Murashax waxay Muujisay Natiijadii Cod qaadistu sidan :

1: Qaasim SH Yuusuf Ibraahin                    1 Cod

2: Maxamed Cumar Hoori                           13 Cod

3: Daahir Rayaale Kaahin                            189 Cod

4: Baashe Cali Jaamac                                  31 Cod

5: Muuse Caynaan Geele                            10 Cod

6: Mahdi X Ibraahin Khayre                       13 Cod

7: Axmed Cabdi Cali kaar                            8 Cod

8: Fahmi Cabdi Bidaar                                 1 Cod

 

9: Cabdi Raxmaan Aw Cali Faarax            43 Cod

Tirada Kooramka codaysay waxay ahayd 312 Ergay hase ahaatee waxaa ka aamusay Tartamayaasha 3 Ergay iyadoo Natiijadii iyo Go”aankii uu noqday in ay ku Guulaysteen Tartankaa Madaxwayne Maxamed X Ibraahin Cigaal iyo Madaxwayne ku Xigeenkii Daahir Rayaale Kaahin iyagoo ahaanaya Madaxwayne iyo Madaxwayne ku Xigeenka Jamhuuriyada S/land mudada ku cad Distoorka oo ka bilaabmaysa 23/2/1997.

Hanaanka loo maamulay Nidaamkii iyo Tartanka Doorashada oo ahaa sidii ugu haboonayd ,kana fogayd waxyaabo mugdi galin kara ama shaki ku abuuri kara Murashaxiinta ,waxaana xusid gaara mudan in ay isla goobtii Ragii laga helay ku bixiyeen taageeradii iyo Hambalyayntii Guulaystayaasha  iyagoo Tartamyaashii ku Guuldaraystay Tartankaa ay dhamaantood qireen in doorashadu ahayd mid Cadaalad u dhacday .

Isla habeenimadii  8:00 Saac ee Fiidnimo ayaa Madaxwayne Maxamed X Ibraahin Cigaal iyo Madaxwayne Ku Xigeenka Daahir Rayaale Kaahin lagu Xaflad lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Gudoomiyaha Maxkamada Sare ahna Gudoomiyaha Maxkamada Distooriga ah ayaa ku dhaariyay Dhaartii Distooriga ahayd { Sida ku cad Distoorka Jamhuuriyada S/Land }

Imisa hadimo iyo ku takri falka Sharciga iyo Xeerarka dalka ah ayay ku kaceen Gudoomiye Saleemaan iyo Madaxwayne Siiraanyo ? Maxaa laga filayaa Mustaqbalka Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiye Saleemaan in ay Dal noocee ah ka tagaan ? Maxaa lagu xusi Doonaa Mustaqbalka Madawayne Siiraanyo iyo Gudoomiye Saleemaan ?  Ma laga filayaa in ay Dalka ka qabtaan Doorashooyin Xor ah oo xalaal ah sida Doorashooyinkaa Daahir Rayaale iyo Marxuum Cigaal dalka ka qabteen ? Maxaa keenay in Ay  maanta kala reebaan labada doorasho?  Waqtiga iyo Saacada maanay eegayn mudo Lix Sanno ah oo talada dalku Gacantooda ku jirtay ? Ma laga yaabaa in ay go”doon Siyaasadeed  oo caalami ah dalka galiyaan ? Halkay Dalka ku wadaan mar haday ka leexdeen Geedigii baadi doonka Aqoonsi Caalami ah oo Qaranka S/land Dunida ka helo? Maxaa la gudboon Muwaadiniinta difaaca Geedi Socodka Dimuquraadiyada ? Maxaa la gudboon Mucaaradka Taagta daran  ee dalka S/land ka dhisan ?

 

La Soco Qormooyin Kale Oo Xiiso Leh  Isbarbardhiga Marxuum SH Ibraahin iyo Gudoomiye Saleebaan

COMMENTS
LINKS